Sign in to follow this  
Saalax

Sii-laanyo Somaliland ma soo geli karo

Recommended Posts

Originally posted by Jacaylbaro:

I was not talking to you Mr. Pretender ,,,
:D

Pretenderku na kumu aha :cool: mala cidi udub ba ka so horjeeda wa is yeel yeelaya lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

was not talking to you Mr. Pretender ,,,

 

:D

 

War maxaa kudhacay xoghayaha borobagandada Udub Mr. JB.Beryahan qofkiikii lahadla ba " Mr. Pretender" yaa kasoo hadhay :D . Nimankii Udub(ururka Dibudhaca Uskagaynta iyo Burburinta) Cadho, hinaase iyo cagojuglayn ayaa kasoo hadhay. Waxaiy u egtahay hadii riyaale hinaase la xanaaqo waa inay la wadaxanaaqan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Rayaale Oo Siilaanyo Ka Mamnuucay Inuu Yimaado Somaliland

 

 

Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka mamnuucay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Musharaxa jagada Madaxweynaha Somaliland Xisbigiisa ugu tartamayo. Siilaanyo ayaa somaliland uu Rayaale ka mamnuucay kolkii uu yidhi siilaanyo waxaan aamin sanahay somaliweyn oo mid ah ..................

 

 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda maamulka labaxay Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil {Axmed-Kayse} ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in Axmed-Siilaanyo Hargeisa dib ugu soo laabto ilaa uu ka dalbanayo cafis, maadaama sida uu wasiir ku xigeenku sheegay Axmed Siilaanyo uu qirtay inuu aaminsan yahay Soomaaliweyn.

 

Wasir ku-xigeenka maamulka labaxay Somaliland ayaa waxa uu ka codsaday ciidamada nabadgalyada inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Axmed Siilaanyo, isla markaana aysan u ogolaan inuu soo galo Somaliland,

 

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda maamulka labaxay Somaliland waxa uu hadalkan ka sheegay Telefishinka maamulka Somaliland, oo uu habeen hore warkan ka baahiyay, isagoo ciidamadana amray inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Axmed Siilaanyo.

 

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye oo hadalkan ka jawaabayay ayaa isna sheegay in Daahir Rayaale uu ka mid ahaa xilligii Axmed Siilaanyo uu ahaa Guddoomiyihii SNM raggii xorreeyey Somaliland, Daahir Rayaalena uu xilligaasi ka tirsanaa kuwii laga xorreeyay Somaliland, uuna la saf ahaa ciidamadii Maxamed Siyaad Barre waa sida uu yidhiyee.

 

< Widhwidh Online News Desk.........Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Bugland xitaa kuwa dhiiga usoo cabay Somaliland haday Riyaale mucaarad ku noqdaan waa "pretender".

 

This is organised political game to confuse Silaanyo and his supporters and hope they do something ****** so that the election is kept in perpedual delay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

Originally posted by Jacaylbaro:

Dadku degdeg badanaaa ?? ,,, No one can deny Silaanyo to come home boys.

 

Someone is just wishing it would happen but it won't ,,,,,

Degdegu waa ka halkaas dhigey reer Somaliland laga soo bilaabo ilaa 1960. Midda kale Silaanyo waa nin oday ah oo qadir iyo xishmad mudan wadankana u soo halgamay, laakiin hadii uu jebiyo sharciga Somaliland ama nabadda khalkhal geliyo waxaa looga yeedhayaa Mandheera sidii kuwii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Hadallo Is-burinaya ka soo Saaray soo Guryo Noqoshada Axmed-Siilaanyo

 

4139ca.bmp

 

4140in.bmp

 

Wasiirka Khaarajiga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenkiisa, Wasiirka Warfaafinta oo meel kale ka fad kudiyey iyo Amed Siilaanyo oo la filayo inuu toddobaadkan dalka yimaaddo

 

"Axmed-Siilaanyo wuxuu caddaystay inuu yahay nin aaminsan Soomaaliweyn… mana soo geli karo dalka ilaa uu xukuumadda cafis weydiisto, waana in ciidammadu la socdaan dhaqdhaqaaqyada…”

 

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda

 

“Arrintaasi mid xukuumadda ka suurtogasha ma aha, .. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta waa murrashax Madaxweyne, annagana sharaf ayuu naga mudan yahay”

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda

 

“Siyaasiyiinta mucaaridku. Ha kala caddeeyaan.. inay federaalka ay ku dhawaaqeen ka noqonayaan oo shacbigana cafis iyo saamaxaad weydiisanayaan”

 

Wasiirka Warfaafinta

 

Hargeysa (Jam)- Masuuliyiinta sare ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta Somaliland, ayaa hadallo is-burinaya ka soo saaray soo guryo noqoshada guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga dalka Maraykanka.

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa habeennimadii Jimcihii la soo dhaafay TV-ga Qaranka ka sheegay in xukuumad ahaan ka go´an tahay inaannu dalka soo geli karin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ilaa uu xukuumadda iyo shacabka cafis weydiisto.

 

Haseyeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay fakir shaqsi ah oo aanay xukuumaddu la wadaagin.

 

Hadalka Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee ku saabsanaa hanjabaadda ku wajahan in aan Axmed-Siilaanyo loo oggolaan doonin inuu dalka ku soo laabto, waxa uu ku yidhi; "Axmed-Siilaanyo waxa uu ka horyimi qarannimadii Somaliland, waxaannu caddaystay inuu yahay nin aaminsan Soomaaliweyn, maadaama oo uu caddaystay Soomaaliweyn wuxuuu la mid yahay raggii hore ee ka horyimi goonni-isu-taagga Somaliland, mana soo geli karo dalka ilaa uu xukuumadda cafis weydiisto, waana in ciidammadu la socdaan dhaqdhaqaaqyada Siilaanyo ka wado waddamada dalka dibaddiisa."

 

Haddaba, Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo shir-jaraa’id shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Axmed-Siilaanyo yahay oday weyn oo Somaliland u maqan, xukuumaddana sharaf ka mudan, isaga oo sheegay in aanay waxba ka jirin hadallada sheegay in xukuumaddu dalka ka horjoogsan doonto.

 

Md. Ducaale oo jawaabayey hadalka ku-xigeenkiisa ee wajahan Axmed-Siilaanyo oo uu sheegay in aannu dalka ku soo laaban Karin ilaa uu raalligelin ka bixiyo wax uu ku tilmaamay mabdi’iisa federal-doonka ah, waxa uu yidhi; “Waxa weeye arrintaasi arrin xukuumadda ka suurtogasha ma aha, arrin xukuumadda ka timina maaha. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta waa murrashax Madaxweyne, xisbi iyo ummad dhan ayuu ka wakiil yahay, waa muwaadin reer Somaliland ah, annagana sharaf ayuu naga mudan yahay. Taariikhda iyo aragtida dadka ayaa sheegaysa waxa uu yidhaahdo iyo qiimayntiisa. Annagu wax maanta la yidhaa ha lagu joojiyo iyo halagu dhaleeceeyo midna ma hayno. Waa odaygaas naga mudan sharafta, waxaanuna rajaynaynaa inuu dhakhso dalkiisa ugu soo noqdo hadduu dibad ku maqnaana uu wanaag dalka ka sheegay oo uga hawlgalay qaddiyadda Somaliland ciddii uu arkayba, waxaanuna ognahay inuu la kulmay Donald Payne.

 

Waxa kale oo aanu ognahay inuu arkay ninka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia/Somaliland, waxaauna rajaynaa inuu ahaa duq u maqnaa qaranka, markuu yimaaddana noo warramo oo uu na soo maro oo war naga siiyo xidhiidhada dawladaha halka ay marayso warbixin naga siiyo.”

 

Geesta kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo isaguna si qaawan u weeraray hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ah, gaar ahaan xisbiga KULMIYE, ayaa taageero buuxda u fidiyey dhawaaqa Wasiir-ku-xigeenku Arrimaha Dibaddu ku sheegay in aan Axmed-Siilaanyo loo oggolaan doonin inuu dalka ku soo laabto.

 

Warsaxaafadeed uu gelinkii dambe ee shalay soo saaray Md. Axmed X. Daahir waxa uu ku buriyey ammaanta iyo dabacsanaanta Wasiirka Arrimaha Dibaddu dusha ka saaray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo aan cidna dalka ka horjoogsan Karin, waxaannu wasiirka Warfaafintu soo laabashada Axmed-Siilaanyo ku xidhay shuruud ah inuu marka hore caddeeyo inuu ka noqonayo fadaraalka uu ku dhawaaqay, isla marakana shacbiga weydiisanayo cafis iyo saamaxaad.

 

“Siyaasiyiinta axsaabta mucaaridku waxyaabaha danta qaranka kuwooda ugu culus ka mid ah ee wada qabyada ah inay wax ka yidhaahdaan waxay ka doorbideen inay faafiyaan waxyaabo ka baxsan milgaha siyaasadda oo aan haba yaraatee kala fogaynta shacbiga mooyee aan waxtar kale u lahayn bulshada reer Somaliland sida; Madaxweynuhu rijiimkii buu ahaa soddon sanno ka hor iyo waxyaabo kale oo ka sii liita.

 

Haddaba, aan isweydiinee waa ayo cidda aan rijiimkii hore soo ahayn; ma Axmed-Siilaanyo oo wasiir ka ahaa, mise ina Biixi, mise ina Kaahin iyo kuwa kale oo badan oo saraakiil sare ka ahaa rijiimkii laysku caayayo? Waxaan leeyahay rijiimkii hore nin kasta oo wax ah wuu la soo shaqeeyey, qofba maalin uun buu ka soo dhaqaajiyey si kastaba ha ku soo dhaqaajiyee.

 

“Sidaa darteed, maanta wax allaale wax ka yaal soo hadal-qaadkeeda ma jiraan oo labadii qoriga iskala soo horjeeday ayaa ku heshiiyey inay iska tiiriyaan oo wada dhistaan Jamhuuriyadda Somaliland, kana wada shaqeeyaan horumarkeeda iyo hirgelinta jiritaankeeda qarannimo, loona tartamo si xalaal ah, isla markaana siyaasiyiinta mucaaridku ha kala gartaan Rayaale iyo qaranka jiritaankiisa oo intay xanaaqa iska dhaafaan, ha kala caddeeyaan inay federaalka ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah aaminsan yihiin sida afkooda laga hayo iyo inay ka noqonayaan oo shacbigana cafis iyo saamaxaad weydiisanayaan.”

 

“Midda kale ee ay soo hadal-qaadaan madaxda axsaabta mucaaridku waxa ka mid ahaa iyagoo taageeray eedaysane ka soo horjeestay oo isla markaana diiday jiritaanka tiir ka mid ah tiirarka qaranku ku taagan yahay oo ah hay’adda garsoorka sida Maxamed Xaashi Cilmi.

 

Haddaba, waxaan su’aalayaa axsaabta mucaaridku maxay u tartamayaan mar hadday garab iyo gaashaanba u yihiin shakhsi ka soo horjeestay hay’adihii amniga iyo kuwii garsoorkaba? Midda kale, mar hadday ka hadli waayeen wixii danta ummadda iyo ta qarankuba ku sii jiri lahaa ee uu Madaxweynuhu u soo jeediyay ee ahaa buuxinta jagooyinka ku soo bannaanaanaya ee golayaasha Wakiillada iyo Guurtida oo la’aantoodna aan qaran jiri karin, kana doorteen cay iyo aflegaado ay ku wiiqayaan midnimada iyo wadajirka ummadda, ma idin la tahay inay doorasho doonayaan?

 

Mucaaridka Somaliland waxa ka muuqata inay ku asqoobeen waxyaabihii xaqaa’iqa ahaa ee shacbiga dhegahooda la maqashiinayey, sidaa awgeedna sidii carsaanyada kolba gees u carareen, kadibna ka ilduufeen inay si miyir-qab ku jiro isaga maydhaan fadeexadaha iyo burburinta midnimada ummadda ee uu federaalku ka mid yahay ee bannaanka la soo dhigay," ayuu yidhi Md. Axmed X. Daahir.

 

Dhinaca kale, siday ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda booqashadii uu ku joogay dalka Maraykanku gebagebo ku dhowdahay, ayaa la filayaa inuu 29-ka January 2010 dalka ku soo laabto.

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wasiirka Warfaafinta S/land Oo Tageeray Hadalkii Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibada

 

Hargeysa (Togdhnews)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa sheegay in masuul kasta oo xil u haya dhinacyada siyaasadda dalku uu la soo shaqeeyay nidaamkii dawladdii Fagesh ee Maxamed Siyaad Barre

 

 

wasiir.jpg

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Mr. Axmed Daahir Cilmi, waxa uu difaacay hadalkii Madaxweynaha oo madaxda xisbiyada Mucaaradku naqdiyeen, taas bedelkeedana waxa uu sheegay in Mucaaradka looga baahan yahay inay caddeeyaan in badhkood aaminsan yihiin nidaam Federaal ah oo Soomaaliweyn.

 

 

 

Wasiirku waxa uu weeraray madaxda Mucaaradka oo uu sheegay inay taageerayaan Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo uu ku tilmaamay eedaysane ka soo horjeestay nidaamka Garsoorka Somaliland. Warsaxaafadeedka Wasiirku waxa uu u dhignaa sidan; ”Axsaabta Mucaaridka, ayaa sidii caadada u ahayd si cadaan ah ugu fashilmay inay si munaasib ah ugu jawaab celiyaan shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu bixiyay todobaadkii la soo dhaafay,

 

 

kaasoo xambaarsanaa waxyaabo badan oo xaqaa’iq ah oo ku lug leh dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo weliba tallooyin dhaxal-gal ah oo ku saabsanaa mustaqbalka, sida in laga wada tashado arrimaha isdulsaaran ee ay ka mid yihiin golaha Wakiilada ee waqtigiisu dhamaadka ku dhaw yahay ee aanay jirin wax sharci ah oo u yaala ka soo socda qaabkiisa doorasho iyo ka Guurtida oo isna uu sidoo kale gebagebo ku dhaw yahay waqtigiisii.

 

 

 

Runtii siyaasiyiinta Mucaaridku waxa jawaabahoodu noqdeen kuwo iskugu soo ururay cay iyo aflagaado, waxaana ugu wacnayd iyagoo ku haftay waxyaabihii wada dhabta ahaa ee uu xambaarsanaa shirkii jaraa’id ee uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu u qabtay saxaafada dalka iyo wakiilada warbaahinta dibbada, taasoo wax weyn ka badashay ra’yal caamkii bulshada reer Somaliland ee ku saabsanaa siyaasada Axsaabta Mucaaridka.

 

 

 

Arrimaha looga baahnaa inay jawaab ka bixiyaan siyaasiyiinta Axsaabta Mucaaridku waxa ka mid ah, inay mawqifkooda cadeeyaan waxa laga yeelayo sharci la’aanta dhinaca doorashada golaha Wakiilada ee uu dhamaadka yahay waqtigoodii, ka soo socdana aan waxa sharci ah loo haynin, maadama kii lagu soo doortay golaha hadda uu ku sinaa oo kaliya waqtigooda oo ahaa shan sanno, haatana wax sanad ka yari uga hadhsan yahay iyo ka Guurtida oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyay in laga wadahadlo inta goori goor tahay.

 

 

 

Hase yeeshee, siyaasiyiinta axsaabta Mucaaridku waxyaabaha danta qaranka kuwooda ugu culculus ka mid ah ee wada qabyada ah inay wax ka yidhaahdaan waxay ka door bideen inay faafiyaan waxyaabo ka baxsan milgaha siyaasada oo aan haba yaraatee kala fogaynta shacbiga mooyee aan waxtar kale u lahayn bulshada reer Somaliland sida ‘Madaxweynuhu ****** buu ahaa soddon sano ka hor iyo waxyaabo kale oo ka sii liita.’

 

 

 

Haddaba, aan iswaydiinee waa ayo cidda aan ****** soo ahayn? Ma Axmed Siilaanyo oo Wasiir ka ahaa, mise ina Biixi, mise ina Kaahin? iyo kuwa kale oo badan oo saraakiil sarsare ka ahaa ******ta laysku caayayo. Waxaan leeyahay, ******ta nin kasta oo wax ahi wuu la soo shaqeeyay, qofba maalin uun buu ka soo dhaqaajiyay,

 

 

si kastaba ha ku soo dhaqaajiyee, sidaas darteed maanta wax allaale wax ka yaala soo hadal qaadkeeda ma jiraan oo labadii qoriga iskala soo horjeeday ayaa ku heshiiyay inay iska tiiriyaan oo ay wada dhistaan Jamhuuriyada Somaliland, kana wada shaqeeyaan horumarkeeda iyo hirgalinta jiritaankeeda qaranimo, loona tartamo si xalaal ah, isla markaana siyaasiyiinta Mucaaridku ha kala gartaan Rayaale iyo qaranka jiritaankiisa oo inta ay xanaaqa iska dhaafaan, ha kala cadeeyaan inay Federaalka ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi u aaminsan yihiin sida afkooda laga hayo iyo inay ka noqonayaan oo ay shacbigana cafis iyo saamaxaad waydiisanayaan.

 

 

 

Mida kale ee ay soo hadal qaadaan Madaxda axsaabta Mucaaridku waxa ka mid, ahaa iyagoo taageeray eedaysane ka soo horjeestay oo isla markaana diiday jiritaanka tiir ka mid ah tiirarka uu qaranku ku taagan yahay oo ah hay’ada Garsoorka sida Maxamed Xaashi Cilmi.

 

 

 

Haddaba, waxaan su’aalayaa Axsaabta Mucaaridku maxay u tartamayaan mar haday garab iyo gaashaanba u yihiin shakhsi ka soo horjeestay hay’adihii amniga iyo kuwii garsoorkaba? Mida kale mar haday ka hadli waayeen wixii danta ummada iyo ta qarankuba ku sii jiri lahaa ee uu Madaxweynuhu u soo jeediyay ee ahaa buuxinta jagooyinka ku soo banaanaanaya ee golayaasha Wakiilada iyo Guurtida oo la’aantoodna aan qaran jiri karin, kana doorteen cay iyo aflagaado ay ku wiiqayaan midnimada iyo wadajirka ummada, ma idin la tahay inay doorasho doonayaan?.

 

 

 

Mucaaridka Somaliland, waxa ka muuqata inay ku asqoobeen waxyaabihii xaqaa’iqa ahaa ee shacbiga dhagahooda la maqashiiyay, sidaa awgeedna ay sidii carsaanyada kolba gees u carareen, ka dibna ka il-duufeen inay si miyir qab ku jiro iskaga maydhaan fadeexadaha iyo burburinta midnimada ummada ee uu Federaalku ka mid yahay ee banaanka la soo dhigay.”

 

Togdhnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada oo beeniyay warkii sheegaayay in Siilaanyo dalka laga hor istaago

 

nmjfs2aj0zt1pv3i3svp.jpg

 

Nairobi,(Qarannews)-Wareysi ay shabakadda Qarannews la yeelatay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha debedda mudane Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) oo jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waraysigani ayaa waxa uu ku soo beegnay xili ay warbaahinta mucaaridka Somaliland tagertaa ay buun buuninaysay ama ay qoraysay hadal sheegaayay oo ahaa in wasiir ku xigeenk arimaha dibda Somaliland uu ku dhawaaqay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye dalka laga celiyo oo aanu soo galin, taasi oo dad badani ay la yaabeen, taasi oo aanu wasiir ku xigeenka ku bilownay waxa ka jira hadaladaasi waraysigan oo kooban waxa uu u dhcay sidani hoos ku xusan.

 

Su'aal. Mudane Wasiir-ku-xigeen maxa ka jira hadalada laga sheegaayo ee ah in aad tidhi Gudoomiye Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud( Siilaanyo) ma soo geli karo dalka?

 

Jawaab. Runtii, waxa nasiib daro ah in maanta dadkeeni u batay in ay rumeystaan ama ay jecel yihiinba in ay dhegeystaan koox yar oo Fidno -wadayaal ah oo inta badan sheega wax aan jirin ama buunbuuniya wax-yar oo jira. Markii aan is-weydiiyay waxa ay ka helayaan ama faa'iidada ugu jirtana waxa aan dhaafin kari waayay in ay yihiin kooxo yar oo cadowga Somaliland ku shaqeysto si ay mar uun u arkaan Somaliland oo burburtay oo xasilooni-daro iyo nabadgelyo la'aan ka jirto.

 

Waxa jirtay bishan January 20-dii Maareeyaha Dekadda Berbera iyo anniga oo Madaarka Caalamiga ee Cigaal ka soo dhoofeyna ayaa weriye ka socday TV-ga qaranka ayaa nala yeeshay wareysi ku saabsan ujeedada safarkayagan shaqo ee aan markaasi ugu soo kicitimaynay Nairobi, Mombasa, iyo Accra . Intaasi markii aan uga waranay ayaa waxa dhacday in su'aal la iga weydiiyay hadalkii ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee ahaa in xilligii halgankii SNM uu aaminsanaa Nidaamka Federal-ka oo weliba waraaq ka qoray. Waxa aan is leeyahay jawaabtii aad bixisay ceeb iyo turxaantoona may lahayn oo weliba waxa aan aaminsanahay in jawaabtayda ku dheehneyd dareen wadaninimo iyo mid daacadnimo labadaba. Waxa hadaladaydii ku jiray intii geba-gabada ahayd in aan idhi, in kasta oo aanay shaqadeyda ahayn oo arrintani ay tahay arrin u gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidanka nabadgelyadda waxa aan ku talin lahaa cidkasta oo aan aamisnayn qadiyada Somaliland markaa ha noqoto gudoomiyahu hadii uuna aaminsanyn ama yahay mid wata oo ku dhawaaqay nidaamkaasi in uu cafis soo qorto inta aanu dalka ku soo laaban sidii muwaadiniintii hore ee aaminsanaa fedaraalka ay u soo qorteen. Annigu magaca iyo afka xukuumada toona kuma hadal mana aha mas'uuliyadayda, awoodayda iyo waajibkayga shaqo intaba in aan idhaahdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ma soo geli karo dalka isaga oo aan cafis soo weydiisan xukuumadda, runtiina waxba kama jiraan in aan anigu idhi gudoomiyahu dalka yaanu imanin ama soo galin

 

Su'aal. Iminka wasiir ma waxa aad leedahay hadalkaasi ma odhan oo waa been abuur mise wax aad leedahay wixii aan idhi ayaa la buunbuuniyay, bal noo kala saar labadaasi ?

 

Jawaab. Annigu kuma lihi ma odhan, balse wixii aan idhi ayaa si kale loo dhigay oo la buunbuuniyay oo weliba been qaawan lagu daray. Anniga la iga ma hayo in aan idhi hadaladda ku jira warka ku saabsan arrintan ee lagu shaaciyay shabakadaha wararka qaarkood oo maanta oo taariikhdu tahay 24/01/2010 aan arkay sida ...xukuumad ahaan ka go'aan ah in Gudoomiye Axmed soo geli Karin...in ciidamadda nabadgelyadda la socdaan dhaqadhaaqa gudoomiyaha....in ciidamadu la socdaan dhaqdhaqaada gudoomiye Axmed ka wado dalka dabadiisa. Adiguba waad raadsan kartaa sida warkaasi wax uga jiraan iyo wixii lagu daray, balse waxa aan kuu sheegayaa in weriyaha warka wax ku day ee soo qoray aanu fahansanayn in wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha debeddu aanu ku hadli karin afka xukuumadda, amar siin karin ciidanka nabadgelyadda, waxa shaqo ah aanay ku lahayn ciidanka Boliiska ee Somaliland dhaqdhaqaayadda dalka debadiisa laga wado, iwm.

 

 

 

Su'aal. Wasiir maxaad u maleynaysaa ujeedada warkaagan la qaloociyay in laga wado?

 

Jawaab. Horta waxa ay ku haboon tahay su'aashani in la weydiiyo dadkii ama ciddii ka denbeysay buunbuunintan iyo been abuurkaba, balse anniga waxa ay ila tahay:- 1. In jariimad iyo denbi laga galay ummadan reer Somaliland lagu qarinaayo, 2. In dadka lagu dhex abuurayo fidno, qabyaalad, cunfi, iyo tashuush si loo wiiqo wada-jirkooda iyo midnimadooda? 3. In dad rabay in ay xajiimeeyaan ama eedeeyaan xukuumaddu ka faa'iideysteen oo laga dhigay wax xukuumadda ka soo baxday , 4. In weriyaha warkan TV ka qoray ay bas iyo aqoon ka tahay ama cid kale adeegsatay. Turjumidu way badan tahay balse afartaasi ayaan ku dhaafayaa.

 

 

 

Su'aal. Wasiir maxaad fikir ah ee aad ka qabtaa In dadka aaminsan Federal-ka ee ka soo jeeda Somaliland laga yeelo?

 

Jawaab. Marka hore waxa aan aaminsanhay in fikirka ma-dhalayska ah ee shakhsi iyo kooxi qabaan ama ay aaminsan yihiin aanay hor istaagi karin waxna u dhimi karin qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo baadigoobka ay ugu jirto in ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalami ah. Haddii aan intaasi ka gudbo, waxa aan aaminsanahay in aan dalka loo oglaanin in ay soo galaan cid alle cidii ka hortimaada rabitaanka iyo doonista shacabka iyo ummadda Somaliland. Kuma jiro qofkii cafis loo fidiyo. Balse waxa qabaa in qofka Shiikh iyo Shariif toona loo eegin ee qofkii denbi ka gala dalka la abaal mariyo. Wasiir, Mujaahid, Gudoomiye, Sarkaal, Xildhibaan, Suldaan, iwm sharciga u sinaadaan oo qofkii la soo eedeeyo ama qaranka denbi ka gala sharciga la horgeeyo, adduunkana ma jiro qof sharciga ka sareeyaa. Runtiina waa fikir macquul ah in qofku waxa uu dadkiisa iyo dalkiisa gashado ama u qabto ee wanaag ah ama xumaan ah taariikhda loogu qoro ama loo geliyo. Balse ma qabo in la yidhaahdo hebel wax fiican buu dalka u soo qabtay ama wuu soo halgamey eh haddii uu denbi galo indhaha ha laga qarsado. Taas maya taas maya taas maya.

 

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=7119&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this