Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Fighting closer to Villa Somalia + 100 injured, 30-50 dead

Recommended Posts

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inay dib ula wareegeen goobihii ay qabsadeen saaka.

 

Dr. Cumar Iimaan ayaa ku eedeeyay Dowladda inay dagaalka ku soo qaaday Muqaawmada iyo Mujaahidiinta, isagoona tilmaamay inay ka bar bar dagaalamayaan Ciidamada AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

 

"Dowlad ku sheega weerarka ay soo qaadeen waa mid ay maalmahan abaabulayeen, waxaa jirtay inuu Hub uga yimaaday Uganda iyo Ethiopia"ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan Abuubarak oo intaa ku daray in dagaalka uu haatan marayo agagaarka Madaxtooyada.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidamadii Dowladda oo uu ku tilmaamay kuwii dulmiga waday ay haatan isku uruursanayaan Madaxtooyada, waxaana uu cadeeyay in halkaas uu dagaal ka socda, laguna jebiyay sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa marba waji sii yeelanaya, iyadoona dhinac dagaalamaya ay guulo kala sheegayaan, waxaana ciidamada ay yihiin kuwo meel isku riixaya oo ay wali dagaalada u caaboon yihiin.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ka socda Muqdisho (Dagaalka oo iska daba wareeg noqday)

 

Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa sii yeelanaya wajiyo cusub, iyadoona kolba meel u guur guuraya, waxaana haatan dagaalada ay yihiin kuwo saf ballaaran ku socda, dhowr jihana ay ka dhacayaan rasaas xoog badan.

 

Dagaalada oo waabarigii saaka ay ka bilowdeen Xaafadaha Hodan, H/wadaag iyo Wardhiigley ayaa ku fiday gobo dhowr ah, iyadoona dagaalka uu yahay mid marba marka ka dambeysa ay qolo ku gacan sareyso oo dhinacii meel ku fida laga soo durjinayo.

 

Ciidamada Dowladda oo saaka ilaa barqanimadii maanta dagaalka horumar ka sameeyay, kadib markii ay qabsadeen gobo dhowr ah, ayaa iminka u muuqda kuwo dib loo soo caabiyay, oo laga soo saaray meelihii ay qabsadeen.

 

Dadka Muqdisho oo la yaaban sida daqiiqad kasta wax isu badalayaan, isla markaana dagaalka uu marba aag u bedalanayo ayaa aad ugu jahwareersay sida ay wax u socdaan, waxaana dadka ay aad ugu mashquulkeen xaaladaha bed bedelka badan ee dagaalka.

 

Ciidamada Dowladda oo saaka weerar ballaaran qaaday ayaa si kedis ah waxay kula wareegeen inta badan Wadada Wadnaha oo mudooyinkii u dambeeyay aheyd goob gacan ku heynteeda ay ku loolamayaan Mucaaradka iyo Dowladda, waxaana ay qabsadeen Isgoyska H/wadaag, Aadan Cadde iyo Isgoyska Bakaaraha, inkastoo markii dambe laga soo saaray.

 

Dagaalada ayaa hada ah mid goos goos ah, waxaana ay ka socdaan xaafado ka tirsan Degmooyinka H/wadaag iyo Wardhiigley, waxaana dagaalka la soo sheegayaa inay geysteen qasaaro lixaad leh oo ah dhimasho iyo dhaawac.

 

Ku dhowaad 100 ruux oo ku dhaawacmay dagaalada ayaa la geeyay saddex ka mid ah Cusbitaalada ku yaal Magaalada Muqdisho, kuwaasoo 58 ka mid ah la dhigay Cusbitaalka Madiina, sidoo kale dhimashada ayaa gaareysa ilaa 30 ruux sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka.

 

Dadka dhintay oo u badan dhinacyadii dagaallamay ayaa waxaa ku jira dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Wariye C/risaaq Gaadaco oo Idaacadda Shabeelle ka tirsanaa.

 

Dhimashada ugu badneyd ayaa ka dhacday agagaarka Isgoyska Baar Ubax, halkaasoo gaari rakaab ahaa uu ku habsaday Madfac habow ah, waxaana ku dhintay in ku dhow dad gaaraya 10 ruux oo ahaa rakaabkii gaariga.

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho ma xasiloona, welina waxaa qeybo ka mid ah degmooyinkii saaka dagaallada ka bilowdeen ee Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid laga maqlayaa rasaas ay isku ridayaan dhinacyada dagaalladamaya.

 

Xafiiska Jowhar.com Muqdisho

jowharnews@gmail.com

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Dagaaladi Muqdisho oo la isku habeensaday iyo madaafic la laga seexan la'yahay (warbixin dheer oo ku saabsan dagaaladi maanta iyo caawa )

22. maj 2009

 

Muqdsiho(AllPuntland )- Dagaaladii soo bilawday saaka ee u dhaxeeyey cidamada dawlada iyo kooxaha mucaaradka ayaa caawa la isku habeensaday, waxaana lagu kala habeensaday meelihii xabadu saaka ay ka bilowmatay.

 

Dagaalki maanta oo ahaa mid aad u culus marka la fiiriyo hubka la isku adeegsanayey ayaa galaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 50- iyo dhaawaca dad ku dhaw 100-qof oo isugu jira rayid iyo dhinacyadi dagaalamayey.

 

Dad ku dhaw 15-qof ayaa hal goob ku geeriyooda maanta markii gaari ay la socdeen oo ahaa Basaska yar yar uu ku habsaday madfac dusha sare kaga soo dhacay , waxaana la sheegay in gaarigaas uu ka badbaaday kaliya ha wiil oo 13-jir ah.

 

Isgoyska Hawlwadaag waxaa ku dhimaaty ku dhawaad 17-qof oo u ay ku jiraan dhimacyadi dagaalamayey , waxaana sidoo kale gudaha suuqa bakaaraha la sheegay in dad ku dhaw 9-qof ay wiifto ku dishay ama rasaasta habawga ah.

 

Ciidamada dawlada ayaa saaka weerarki ay soo qaadeen waxa ay isu qeybiyeen dhawr aag .

 

Ciidamo dacad u ah Taliyaha police-ka C/qeybiid ayaa ka soo galay dhanka Tarabuunka oo soo gaaray ilaa Taleex , halka ciidamo wasiirka arimaha gudaha hoostagana ay ka soo galeen dhanka warshada Caanaha iyo wadada wadnaha , waxaana labada ciidan ay ku kulmeen wadada wadnaha marki si saf ah ay dagaalka ku soo wadeen laakin dagaal rogaal celis ah oo ay so qaadeen xoogaga mucaaradka ayaa ciidamadi dawlada dib loo celiyey .

 

Dhinaca W/Muqdisho waxaa dagaalka kaga jiray ciidamo gaar u ahaa gudoomiyaha G/Banadir dhagaxtur iyo xildhibaano ay ka mid ahaayen Muuse Suudi , Salaad Jeele , iyo Xuseen Caraale waxaana ay tageen Hotel Tawfiiq laakin galabta ayaa loo soo celiyey oo la keenay isgoyska darjiinka.

 

Cisbitaalada Madiina iyo keysaney ayaa la dhigay dad ku dhaw 90-qof sida ay APL u sheegeen hawlwadeenada labadaa cisbitaal , wxaana ka badan kuwa aan cisbitaalo helin ee guryahooda jiifa .

 

Dawlada Somaliya ee dagaalki saaka soo qaaday ayaan soo kordhin wax aan ahayn khasaare askarteeda iyo shacabka soo gaaray , waxaana aad loola yaabay markii maanta daqiiqao looga soo qabsaday dhul baaxad leh oo ay saaka ku kalaheen ciidamda dawlada dhawr aag.

 

dagaalka ayaa sida ay sheegayaan labada dhinac ee is haya ma aha mid dhamaad ku dhaw , waxaana dadka ku xeeldhaer siyaasada Somaliya ay sheegayan in dagaalkaa uu adagyahay sida loo kala adkaado marka arimo badan laga eego sida wax u socdaan.

 

Dawlada ayaa gashay heeganki ugu sareeyey waxeyna tijaabisay saaka awoodeedi dagaal ha yeeshee ma noqon mid lagu najaxay , waxaana la filanaa waqtiyada soo aadan in ciidamada dawlada ay galaan weeraro kale oo mucaaradka ka dhan ah.

 

mucaaradka oo ah laba xisbi oo isu tagtay waxa ay heystaan maleeshiyooyin badan , waxaana ay ka yimaadeen gobolada Soomaliya badankood qaab gurmad ahaan ah .

 

Waxaa dadka Muqdsiho ku haray ay dhawrayaan sida xaal ahado dagaalada soo socda ee la filanayo iyo cida Muqdisho u harta.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you know Xamar, the goverment forces has indeed made progress given the fact they started from Sayidka and Dabka, and got all teh way to Bakaaraha iyo Isgoysk Hawl wadaag

 

news contents you posted hardy matches the title of your post Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

From Dabka & Sayidka to Bakaarah and Hawlwadaag, come on Duke. This day belongs to Sharif.

 

We will see whether his troops are able to hold what they captured as promised

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka oo la isku gabal dhacsaday iyo dhaawacyo gaaraya 100 ruux oo la dhigay Cusbitaalka Madiina.

 

Dagaalada maanta ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa galay marxalad aad u adag, iyadoona dagaalka uu waqtiga ugu dumay Degmada Hodan, halkaasoo dagaal xoog badan uu ka soconaya galabta ilaa caawa.

 

Warar laga helay ilo madax banaan ayaa sheegaya in dagaal la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan uu maqribkii caawa soo gaaray agagaarka Baar Jabuuti ee degmada Hodan, halkaasoo labada dhinac uu dagaal ku dhex marayo.

 

Xaalada Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo qeyb ka ahaa dagaalada ayaa xaaladeeda caawa ah mid degan, inkastoo ay is hor fadhiyaan dhinacyadii ku dagaalamay.

 

Labada dhinac oo dagaalkooda yahay mid is heysta ayaa ku kala dagaalamayay maanta xaafadaha Degmooyinka H/wadaag iyo Wardhiigley iyo Hodan, waxaana dagaalka xoogiisa uu galabta u weecday dhanka Degmada Hodan.

 

Isgoyska Bakaaraha ayaa hada la soo sheegayaa inay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, iyadoona Isgoysyada H/wadaag iyo Aadan cadde ay joogaan Xoogaga Mucaaradka, waxaana Wadada Wadnaha ay labada dhinac yihiin kuwo qeyb qeyb kala heysta, loolan xoogan uu ka jiro gacan ku heynteeda.

 

Cusbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa maanta la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa, waxaana Cusbitaalka Madiina oo maanta ahaa mid aad u mashquul badan, marka loo eego dhaawacyada la geynayo ayaa waxaa la gaarsiiyay 107.

 

Agaasimaha Cusbitaalka Madiina Cali Cadde ayaa u sheegay Wariyaha Jowhar.com in 53 ka mid ah dhaawacyada ay yihiin kuwo dhaawacooda uu culus yahay, halka 5-ruuxna ay ugu geeriyoodeen dhaawacooda.

 

Labada dhinac ayaa dagaalka guulo ka kala sheeganaya, mana muuqata ilaa iyo hada guulo muuqda oo labada dhinac ka soo muuqanaya, marka laga reebo in qoloba mar la dib loo riixayo, iyadoona dagaalka uu noqday mid iska daba wareeg ah.

 

Dhimashada dadka rayidka oo aan xisaab laheyn ayaa caga cageynsa in ka badan 30-ruux oo ah dad ay Madaafiicdu leysay, rasaasta wiiftana ay dishay, dadkaasoo ahaa kuwo aan waxba galabsan oo aan dagaalka ku laheyn.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Jowhar.com isha koowaad ee wararka xaqiiqda ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isgoyska Bakaaraha ayaa hada la soo sheegayaa inay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, iyadoona Isgoysyada H/wadaag iyo Aadan cadde ay joogaan Xoogaga Mucaaradka, waxaana Wadada Wadnaha ay labada dhinac yihiin kuwo qeyb qeyb kala heysta, loolan xoogan uu ka jiro gacan ku heynteeda.

 

Perhaps it's the somali language that is failing duke. Xaggee laysku haystaa maanta? Awalse xaggee lakala joogay adeer?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Its breaking news adeer and Jowhar are well known like you to give a feel good factor. you are looking for good news

 

Even if this is true your success today is that 30-50 died, and a hundred injured so your troops with AU firepower could capture a road near the Villa? :rolleyes:

 

You have fallen to lower depth than one imagined.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qasaaraha Dagaalo xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay.

 

Posted: 5/22/2009 2:32:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Dagaalo xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan una dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Xoogaga Mucaaradka ayaamaanta ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyadoo qasaaraha ka dhashayna uu sii kordhay.

 

Dagaalkaani oo ahaa mid aad u xoogan isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ku bilowday kadib markii ciidamada dowalada ay dagaal qorsheeysan ku soo qaadeen saakay inta badan wadada wadnaha oo ay ku sugnaayeen xoogaga ka soo hor jeeda dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ahaa mid maanta oo idil si xoogan uga socday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska K.p.p halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda KMG iyo Xoogaga Mucaaradka waxaana dagaalku markii dambe uu dib uga laabtay Suuqa Bakaaraha halkaasi oo subuxii hore uu dagaal xoogan ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Hubaysan.

 

Inta la ogyahay in ka badan 35-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka kuwaasi oo 7-ka mid ah uu madfac kula dhacay gaari Bl-ah oo ay ka raacayeen Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho,waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay in ka badan 80-kalena iyadoo la arkayay gaadiidka gurmadka deg deg ah oo galaya goobaha dagaalka kana baxaya iyagoo sida dhaawacyo kala duwan.

 

Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la geeyay dhaawac ka bdan 55-ruux kuwaasi oo maanta ku waxyeeloobay dagaalada ka dhacay Magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta u xaqiijiyay agaasime ku xigeenka Cusbitaalkaasi Daahir Max'ed Max'uud Daahir Dheere.

 

Dagaalada oo marba dhinac isku rogayay ayaa dhinacyadii dagaalamay waxaa midba uu guul ka sheegtay Dagaalka waxaana ciidamada dowladda KMG Soomaaliya maanta ay gacanta ku dhigeen fariisimo horay loogala wareegay iyadoo halkaasina uu dagaal xoogan ka socdo.

 

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa iyadu sheegtay in dagaalkaasi ay qaadeen ciidamadeed islamarkaana uu qeyb ka yahay howlgalo lagu sifaynayo sida ay sheegeen kooxaha mucaaradka ku ah dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dagaalka oo galabta gabaldhicii ka yara qaboobay sidii hore ayaa waxaa labada dhinac ay isku horfadhiyaan Agagaarka Tarbuunka ee degmada Hodon Halkaasi oo laga maqlayo dhawaqa rasaata iyo madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayeen.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa caawa degan xaaladda goobaha ay dagaaladu ka dhaceen inkastoo dadka fara ku tiriska ah ee ku haray xaafadahaasi ay heeyso cabsi ku aadan dagaalo mar kale ka qarxa goobaha ay wali isku horfadhiyaan labadii dhinac ee maanta ku dagaalamay gudaha Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this