Recommended Posts

Munaasabad lagu xusay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (15-ka Maajo) oo ku beegan 63-guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkii SYL ayaa maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

 

Munsaabadan oo sanad walba Soomaaliya laga xuso ayaa lagu maamuuusay markii dhidibada loo aasay ururkii magaciisa loo soo gaabin jiray SYL (Soomaali Youth League) oo la aasaasay 1943, muddo laga joogo 63 sano sidii dalka Soomaaliya uu noqon lahaa dal ka madax banaan gumaystaha.

 

Munaasabadan lagu xusay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa soo abaabulay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee dawlada federaalka iyo ururka Dhlinyarada Gobolka Baay oo uu Gudoomiye u yahay Cali Sheekh Xuseen "Cali Shiino"

 

Dadwaynihii ka qaybgalay xuska ayaa waxay socod ka soo bilaabeen Hotel Edin ee magaalada Baydhabo waxayna socod ku soo mareen wadooyinka waawayn ee magaalada Baydhabo waxayna isugu soo urureen garoonka kubadda Cagta Baydhabo (Ayuub Stadium)

 

Waxaa dadwaynihii isugu soo baxay garoonka kubadda Cagta Baydhabo la hadlay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed Cabdullaahi Jaamac Daakir.

 

Wasiirk ayaa sheegay in dhalinyaradu ay laf-dhabar u yihiin ummad kasta asagoo xusay in aasaasayaashii ururkii SYL ay ahaayeen 13 dhallinyaro ah oo u guntaday dhulkooda, wuxuuna dhalinyarada reer Baydhabo uga mahadceliyay sida quruxda badan ee ay uga qaybqaateen xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

1093650611.jpg

 

Aabiyaashii Gobanimadoonka:

  • Yaasiin Xaaji Cismaan
  • Xaaji Maxamad Xuseen
  • Cabdiqaadir Sakhaawadiin
  • Khaliif Huudoow Macallin
  • Max'ed Cismaan Baarbe.
  • Cismaan Geedi Raage
  • Max'ed Faarax Hilowle
  • Dheere Xaaji Dheere
  • Max'ed Xirsi Nuur [siidi]
  • Max'ed Cabdalla Xayeesi
  • Max'd Cali Nuur
  • Cali Xasan Max'ed [Faranaaji]
  • Daahir Xaaji Cismaan [Dhagaweyne]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanadguuradii 63 ee maalintii la aasaasay kasoo wareegatay ururkii gobanimadoonka waa bari.

 

Shan iyo tobanka Maajo [15th May, 1943.]

 

Waligeena ma ilooweyno magacyadooda halyeeydaas iyo intii kale magaca iyo jiritaanka Soomaaliya u halgamay.

 

Magacyada Aabiyaashii Gobanimadoonka:

  • Yaasiin Xaaji Cismaan
  • Xaaji Maxamad Xuseen
  • Cabdiqaadir Sakhaawadiin
  • Khaliif Huudoow Macallin
  • Max'ed Cismaan Baarbe.
  • Cismaan Geedi Raage
  • Max'ed Faarax Hilowle
  • Dheere Xaaji Dheere
  • Max'ed Xirsi Nuur [siidi]
  • Max'ed Cabdalla Xayeesi
  • Max'd Cali Nuur
  • Cali Xasan Max'ed [Faranaaji]
  • Daahir Xaaji Cismaan [Dhagaweyne]

474px-SomSYL2.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^^^^^ Whatever good these men have done has been utterly washed away by the likes of Afweyne, Caydiid Sr. and wild dog Yey among other shameless characters.

 

MMA, do you happen to know the biographies of these men? Including which clan each belonged to? It would be instructive to learn the path each took to get to the SYL and how they dealt with clan politics among themselves and in the society at large.

 

Thanks for the timely reminder dude. See, you're not just a partisan moderator but an unsung educator as well. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Including which clan each belonged to?

^lol, :D who cares the clan they belonged to, they were true heros,who fought for Somali Independence and Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

XUSKA 15ka MAY EE MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED

 

(Waxtar La’aanta dhalinta Maanta & Hufnaanta Dhalintii Hore..)

 

syl.jpg

Member of the Central Committee of S.Y.L Standing from Right o Left: Ahmed Addaw, Vice President, Ahmed Shirreh Lawaha, Member: Abduullahi Isse Mohamed, Secretary General and Osman Sheikh Ma’ow Member:- Sitting:- Sheikh Isse Mohamed Treasurer

Officer and General Cashier

 

Sanad walba waxaa dalka looga dabaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15ka May taasoo ka soo bilaabatay sanadkii 1943kii markii dhidibada loo taagay ururkii dhalinyarada ee SYL, kaasoo ay aasaaseen 13 dhalinyaro Soomaali ah, iyadoo isla markiiba ay kuwada biireen dhalintii dalka gaar ahaan goboladii uu gumeysan jiray Talyaniga.

 

Dhalinyradaas oo aqoontooda ay aad uga hooseysay tan ay heystaan dhalinta maanta, isla markaasna ku shaqeeynayeen xaalad cakiran oo gumeysi hoostiisa ah, ayaa waxeey ku guuleeysteen, in ay xaqiijiyaan hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystah isla markaasna ay dhisaan dowlad madax banaan oo dunida laga aqoonsanyahay, iyagoo aan dan ka laheyn in ay ka mid noqdaan dowladaas ay asaaseen iyo in aysan ka mid noqon. Ururkaas SYL ee ay aasaaseen dhalinyaradaas oo markii dambana noqday xisbigii siyaaseed ee waddanka u weynaa intii aysan xukunka la wareegin ciidamadii Melateriga ayaa wuxuu ahaa mid kasbaday dadweynihii Soomaalida ee waqtigaasi joogay ayagoo intii ay ku jireen halggankii gobanimo doonka ahaa lala garab taagnaa taageero hiil iyo hooba isugu jirto.

 

Waxaa si gaar ah loo xusaa dhaqaalahii ay ku shaqeynayeen oo ahaa mid ka yimaada dadweynaha Soomaaliyeed, in haweenkii xiligaas ay gaareen heer ay sameeyaan ilo dhaqaale oo iyaga si gaar ah ugu taakuleeyaan SYL kaasoo gaaray in gabar kasta oo Soomaali ah ay ka qeyb gasho,kuwo ayaa waxeey lacagaha ay bixiyaan ka keeni jireen tinaar muufo lacag ay ka shaqeeyeen iyadoo kuwana ay iibiyin jireen dahabkooda. Kasbashada kalsoonida shacabka aya inta badan ku timada hadba sida hoggaamiyayaasha ay ugu soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo qorshe howleedkooda ay ku howlgelayaan iyo Hadafkooda ay higsanayaan. Taasoo ururkii SYL dadkooda ay ku qanceen sida ay wax u wadaan.

 

Haddaba, haddii aan qiimeyn ku sameyno waxqabadkii dhalinyaradii SYL iyagoo ku shaqeynayey isticmaarka hoostiisa,sida ay ugu guuleysteen ujeeddooyinkooda isla markaasna ay ugu magac yeesheen, iyo dhalinta manta ee nasiibka u yeeshay in ay indhahooda ku arkaan sida sahlan ee ay u bur burtay dowladdii dhismaheeda ay kusoo howshoodeen dhalinyaradii SYL, ma inoo suurta geleysaa in aan aragno heerka uu gaarsiisanyahay waxtar la’aanta dhalinta manta iyo waxgalka iyo hufnaanta dhalintii hore…..?

 

Waxaa Diyaariyey

Safiyo Abuukar Karaani

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Castro:

Do you happen to know the biographies of these men? Including which clan each belonged to? It would be instructive to learn the path each took to get to the SYL and how they dealt with clan politics among themselves and in the society at large.

They mostly downplayed their qabiil identities runtii; and they utmostly succeeded on that.

 

Very, very few Soomaalis know their clans and those whose clan they know are a handful number of them only. I am very glad they achieved to downplay their qabiils completely.

 

The little info. I do know is.

 

Daahir Xaaji Cismaan and Yaasiin Xaaji Cismaan were brothers, and their pictures are the top, slight right corner, along with Cismaan Geedi Raage, who is on the top right corner, next to Daahir Xaaji Cismaan Dhagaweyne.

 

Several of them were named after several public schools pre-war. Mostly famous schools were Cismaan Geedi Raage in Wardhiigleey; Yaasiin Xaaji Cismaan; Saqaawadiin; Max'ed Cismaan Baarbe in Wadajir [?].

 

Read this essay a founding member wrote few years ago.

 

In that essay, Daahir Xaaji Cismaan writes:

 

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda maanta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la'aan, daryeel la'aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.

 

[sNIP]

 

Shan ilaa lix bilood markuu furanaa Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh. Dhiinsiga Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran farta Cismaaniya. Wuxuu yiri "Warqaddaan waxaa laga helay jeebka nin shufto ah oo ciidamadu dileen, sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa ianaad joojisaan hawsha Xisbiga oo dhan ilaa iyo inta arrintaan laga baarayo, lagana salgaarayo inaad lug ku leedihiin iyo in kale". Arrintii markii la baaray waxay noqotay warqad uu ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo ku sugan, kana wareeysaneeysa xaaladiisa iyo sababta akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay Hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda loogu hayey Xisbiga.

 

[sNIP]

 

Intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatda uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed.
  2. Inkastoo Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la istusay inaan la aamini Karin Ingiriiska. Leegadu waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir ah oo aan la iska kicin Karin mar hadday kugu habsato.
[sNIP]

 

Dhacdadii Dhagaxtuur

 

Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani.
Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii
.

 

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Ingiriiska wuxuu soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas loogu baxshay Dhagaxtuur. Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

 

Ingiriisku intaas kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriye Aniga oo Daahir ah, Maxamuud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

Their initial manifesto was simple, yet powerful, unheard in those days in Soomaaliya:

 

  • In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
  • In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
In Afsoomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka
iwm.

And this is 1943! Ka waran kuwa maanta Soomaali iska sheeganaayo oo waxaas inaay kusoo dhacdo iska dhaafee, xataa intii hartay in la kala tirtiro rabo, qabyaalad qurunkeeda ku nool, takoornimo, quursi iyo cunsurinimo ku dhaqma.

 

-------------

 

Daahir Xaaji Cismaan [Dhagaweyne) i think is the only member still alive?

Haa. Of the original 13, only Daahir Xaaji Cismaan and Cali Xasan Max'ed Faranaaji ka noolaa. Eebba ha u naxariistee, however, Faranaaji Qoryooleey ayuu ku geeriyooday laba sano kahor. Marka that makes in uu maanta ka noolyahay Daahir Xaaji Cismaan Dhagaweyne, oona ku nool Ottawa, Kanada.

 

dhagaweyne.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meelahee iyo sanidhii ay dhasheen Aabiyaashii Gobanimadoonka.

-------------

 

1. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii

 

2. Max'ed Xirsi Nuur (Siidi) waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka G/guduud sanadku markuu ahaa 1915kii

 

3. Yaasiin Xaaji Cismaan waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii

 

4. Xaaji Maxamed Xuseen waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii

 

5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii

 

6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii

 

7. C/qaadir Saqaawadiin waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii

 

8. Cali Xasan Maxamuud (Faranaaji) waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii

 

9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii

 

10. Daahir Xaaji Cismaan waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii

 

11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi) waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii

 

12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii

 

13. Maxamed Cismaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Syl_8.jpg

 

Syl_10.jpg

 

Bal ufiirso dhaniyaradanimada ka muuqata iyo taariikhda weyn ee ka tageen

 

Magac Da’da

 

1. Cabdulqaadir Sakhaawadiin 24 Jir

 

2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) 28 Jir

3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke 26 Jir

4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad 26 Jir

5. Cusmaan Geeddi Raage 18 Jir

6. Dheere Xaaji Dheere 17 Jir

7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne) 18 Jir

8. Cali Xasan Maslax 24 Jir

9. Maxamed Cali Nuur 16 Jir

10. Maxamed Faarax Hilowle 18 Jir

11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi 25 Jir

12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax 17 Jir

13. Maxamed Cusmaan Baarbe 33 Jir

 

 

Inta badan ummadaha dhaniyaro isku duuban sida SYL, ayaa dadkoo iyo dhullkooda u hogaamiya madaxbanaanida iyo xoriyada

 

Maanta dhaniyarada soomaaliyeed ayeey u taala inay howshooda ka soo baxaan, oo ka saaraan ciidamada xabashida oo midiiyaan dhaamaan dadka iyo dalka soomaaliyeed waa howl aad u weyn..liikiin tii utaalay dhaniyarada SYL ayaa ka weyneed

 

 

Maanta, waxaan la yaabaa shakhsiyaad sida Cabdulaahi Yusuf oo leh, xabashida waa dal aanu walaalanahay, ciidamadoodana waa joogi karaan somalia, iyo somaliweyn waa siyaasad gabowday,ma isweydiiyey americaanimo, indianimo, xabashinimo magaboobeen?

 

Riyaale kaahin oo leh Melez waa walaalkey oo weyn oo waana na caawiyaa, waana taageersanahay nabada uu koonfirta kawado

 

 

Waraabe oo leh anaga British Somaliland baa nala yidhaahdaa, waayo Ingriis ayaanu ka dhaxalnay dhulka, oo goorma ayuu Ingriis lahaa dhulka? waa su'aale

 

Taa waxaa kadaran, wiilka Hargeysa ku dhashay Hargeysa waxaa xiga wiilka xabashiga ah ee Addis Ababa ku dhashay, marka loo eego wiilka Mogadishu ku dhashay

 

 

Cade Muuse oo asna leh Xbashi waa iii joogtaa Puntland maxaa dadka iga reebay, anuu been sheegimaayo, ma waxaa la rabaa in makhaayada laga yidhaahdo odeygii cadde been buu sheegayaa

 

Xuseyn Caydiid oo asna kadaray oo leh Somalia iyo itoobiya waa dad walaala ah, oo labada dalba waa la mideenayaa,

 

 

Walaahay Illahay haa u sahlo hogaamiyaal ku sheega,

 

Meesha hashii ka durdurisay nirigtii maxaa laga sugayaa?

 

Illahay soomaali haa u sahlo, qofka caqliga leh uun baa garanaya qiimaha ee May 15 u leedahay dadka soomaaliyeed

 

Miyeey isku dhowyihiin dhanayaradii SYl iyo odayaashan aan waxba garaneen waa maya

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Dhageyso Hees Wadani ah: Dhulka Sow aniga malihi

 

SANAD GUURADDA 64-NAAD EE S Y L.

 

so-flag1.gif

 

faras.jpg

 

SYL.jpg

 

Sanad guuradda 64-da ka soo wareegteey Aasaaskii Dhaq-dhaqaaqii Dhalinyaradda Xornimo doonkii Somaaliyeed Sanadkii 1943-kii, aabayaashii xoriyadda qaaliga,Gobanimadda Macaan,Hanashadda ama Helidda Karamadda,Sharafta iyo Maqaamka weyn ee Ummadda Somaaliyeed oo lagu tuuraay Heeryadii Gumeeysiga, dulmigii iyo dhibaatadii heeysteey Dalkeena iyo Dadkeena-Halgan Taariikhda ka galay baal dahab ah,aniga iyo inta qiimaha Xoriyada Garanaayaa ku faaneeyno, qadarineeyno doorkii Halyeeyadda, Geesiyaasha waaweyn.

 

13-kaas Halyeey oo dadoodu aad u yareeyd waxeey gartaan una kaceen gudashadda masuuliyadda Qarameed oo ka saarney Ciidooda Hooyo, waxeeyna abuureen Dhaq-dhaqaaqii Siyaasadeed oo ugu horeeyeey oo isu taagay raadiinta Gobanimadda Qaaligga-sidoo la wadda ogyahay in aan howl yarii lagu hanaan kareen Gobanimadda,balse halgaan iyo naf iyo maal loo hurro oo Wadooyin dhibaato badan loo soo maray, Xarig iyo Masaafuris lagu muteeystay iyo Ciqaab dhibkeeda lehba,SYL Ummadda Somaaliyeed waxeey u dhigeen Taariikha si weyn loo qiimeeyo, waxeeyna Mudan yihiin Mahad celin iyo amaan joogto ah.

 

 

Waxaa Xusuusid mudan Halgankii xaq u dirirka,Xariyadda ee Geesiyaashii Waaweyn dagaalada qaraar la galay guulaha waaweyna ka soo hooreey Gumeeysigii Cadaa iyo kan Madoowba Ummadda u iftiimiyeey

 

 

Xuquuqooda iyo Hanashada Madax banaanidooda sidda:-

 

 

Midab Gumeysi Diida Dila

 

 

*Halyeeygii Weynaa-Imaan Axmed Guray.

 

 

*Halyeeygii Weynaa-Darwiishkii-Sayid Max'd C/Dalla Xassan.

 

 

*Halyeeygii weynaa-Sh-Bashiir.

 

 

*Halyeeygii Weynaa-Sh-Xassan Barsane.

 

 

*Halyeeygii Weeynaa-Faarax Oomaar.

 

 

*Halyeeygii Weeynaa-Yuusuf Samatar.

 

 

*Mujaahidiintii Lafoolle.

 

 

SYL-waxeey ka duuleen,kana shiidaal qaateen guulihii iyo mirihii Halgankii ka Horeeyeey oo eey hab Casriyeeysan u bedeleen iyo hanaan Siyaasadeed eey Aduunka u soo bandhigeen codsigooda xaqa ah ee Xoriyadda iyo Dhibaatadda Gumeeysigu ku heeysto iyagoo ku gaashaaman taageeradda Ummadooda Somooliyeed iyo Tawakalka Raxmaanka weeyna hanteeyn guushii, Waxaan halkan uga soo gudbinaayaa guud ahaan Ummadda Somaaliyeed Hambalyo Munaasabadda 64-naad ee ka soo wareegteey markii la Aasaasay Dhaq-dhaqaaqii Dhalinyaradda SYL, waxaana ku boorinaayaa in Maanta loo baahan yahay soo nooleeynta Dhaq-dhaqaaqaas iyo halgankii xaqa ahaa maadaama Dalkeena hooyo xiligan ku jirro Gacanta Gumeeysiga Madoow Itoobiya iyo Sheeydanka Weyn ee Mareeykanka iyo Cawaanta Khaayiniinta ah oo Kabaha u sidda Isticmaarka.

 

 

Gusha iyagaa leh

 

Maanta waxaa la joogaa ama lagu jiraa waqti adag iyo xili cakiran oo Dalkii ku Jirr Gacanta Gumeeysiga, waana arrin ayaan daradeeda leh markna loo dul qaadan kareeyn,Dadka ama Muwaadiniinta Wadaniyiinta ah,Damiirka iyo Dareenka nool leh iyo Qiiradda Wadaniyadeed ka gilgilanaayaan, isuna taagaayaan Dib u Xoreeynta Dalka iyo Soo celinta Karaamada iyo Sumcadda Dadkeena iyo Maqaamka Dalkeena, Maanta waa Maalin Jihaad iyo Halgan Siyaasadeed,waxaana mudnaanta leh wada jirka,Midnimada iyo mideeynta Codka iyo Cududda,sidoo kalle waxaa waajib ah u gargaarida,caawinta iyo Taakuleeynta Dadkeena tabaaleeysan,guryahoodii , degaankoodii laga barakiciyeey iyo kuwa sida xaq daradda ah loogu geeysteey tacadiyada xad dhaafka ah,isbitaaladda Jiif una baahan daaweeynta iyo Daryeelka Caafimaadka.

 

 

-Somaaliyeey Kaca-Kaca Somaaliyeey-

 

 

-Diidneey Gumeeysiga Iyo Heeryadiisaba.

 

 

-Diidneey Daba-dhilifyadda Iyo Khaayiniinta-

 

 

-Diidneey Dhaawaca Karaamadeena Iyo Sharafteena-

 

-Diidneey Walaahi Diidneey Gumeeysiga Itoobiya Diidneey-

 

 

-Somaaliya Somaali baa leh-Guushuna weey Imaan-

 

 

-Tawakalka Raxmaanka Iyo Wada Jirkeena Mudnaanta leh -

 

Qorre-Xassan C/Laahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalkan Reer Hargeysa iyo Xamar, labada daawaysay

Dulligii rag baa uga guntaday, oo dagaallamaye

Dadaal baannu haynnaa hadduu, Eebbe nala doono

Wixii dibadda jira saaddambaa, laysu soo dumiye.....by Cali Xuseen Xirsi (AHUN)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Syl_10.jpg

 

Bababa, ababaay. Fashionkaan ileen 1940s ayuuba jiray. Ar yaa u sheego jeegadheeriyaashii Nayroobi ku gishan jiray in the 1990s surwaaladda holofholofka ahaa in loogu horeeye.

 

Xataa surwaalka hoos laga soo laabay ayaaba i dilay. I thought that style in uu soo baxay in mid and late '80s.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.