Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews The Somaliland elections will be on 26 June 2010

Recommended Posts

War Deg Deg Ah: Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Maalinta Ay Doorashadu Dalka Dhacayso

 

 

Hargeysa (Oodweynenews)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa hada ku dhawaaqay in 26-ka bisha juun ay dalka ka dhacayso doorashada madextooyada.

 

Cayimaadan waxaa ku dhawaaqay xubnaha komishanka doorashooyinka oo hada 5: 00 galabnimo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta komishanka ee caasimada Hargeysa, waxaanay ku dhawaaqeen in doorashadda madextooyada Somaliland ay dalka dhici doono 26-ka bisha juun oo ay inaga xigto bil iyo badh.

 

Sida oo kale xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in ay hawsha qaybinta kaadhadhku dalka si fiican uga socoto, waxaanay shacabka u soo jeediyeen inay ilaaliyaan nabadgaliyada. Iyaga oo raaligelin ka bixiyey dib u dhicii saaka ku yimid furitaanka qaar ka mid ah goobihii qaybinta kaadhadhka.

 

Khaddar Ali Hussein [Khadar-shiine]

 

khadarshiine@hotmail.com

 

Oodweynenews.com/Harg/Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Thankful:

Who are the opposition leaders?

The presidential Candidate For the Kulmiye party

Mudane Axmed maxammad maxamuud Silanyo

Vice presidential candidate for the Kulmiye

Mudane Abdirahman Seylici

 

The presidential candidate for the Ucid party

Mudane faisal cali xusseyn

Vice president Candidate for the ucid party

Mudane dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan

 

The presidential candidate For the udub party

Mudane Daahir rayaale kahin

Vice presidential Candidate for the udub party

Mudane Axmed yusuf yasin

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

[quote^the kingpin, the old fart and the loony.

]

being that bitter is not good for your health. no wonder they came up wih that phrase Kanax oo nafta waa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Doorashada Madaxtooyada U Cayimay 26 June ee 2010

Written by Qarannews

May 13, 2010 at 12:52 PM

Hargeysa,(Qarannews)-Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa mudeeyey xiliga rasmiga ah ee ay qabsoomayso doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ah 26-June ee sanadkan.isla markaana ugu baaqay Axsaabta qaranka inaanay ku dhaqaaqin olole ilaa inta ay komiishanka doorashooyinku u cayimayaan,

 

Sida waxa uu Afhayeenka Komiishanka doorashooyinka Somaliland Md. Axmed Maxamed Xirsi Geele uu kaga dhawaaqay Shir-jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xarunta Komiishanka ee Magaalada Hargeysa.

 

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray inay maanta duhurkii Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ay kulan ay la yeesheen ay ugu gudbiyeen qoraal rasmi ah oo ay saxeexeen todobada xubnood ee guddida doorashooyinku wakhtiga loo cayimay doorashada madaxtooyada.

 

Md. Maxamed Axmed Xirsi Geele waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu la qaatay wakhtigan ay u cayimeen, hasayeeshe ay ka sugayaan inuu digreeto ku soo saaro maalinta loo cayimay doorashada Madaxtooyada oo ah maalin Sabti ah 26 bisha June ee Fooda inagu soo haysa.

 

26-June waa maalin taariikhda Somaliland baal-dahaba kaga jirta, waana maalintii ay Jamhuuriyada Somaliland xornimadii madaxbanaanideeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 26 1960-kii, iyada oo boqortooyada ingirisku xukumi jirey Somaliland 83-Sanadood.

 

“Doorashadu waxay dhacaysaa 26 June ee soo socota, maalinta Sabtida oo waafaqsan 14 bisha Rajab taariikhda ayaa komiishanku isku raacay, marka aanu aragnay sida ay hawshu noogu socoto, ayaanu garanay in wakhtigaas lagu qaban karo doorashada madaxtooyada”ayuu yidhi Afhayeenka komiishanka doorashooyinku Maxamed Axmed Xirsi Geele.

 

Afhayeenka Komiishanku waxa uu Shacbiga reer Somaliland ugu baaqay inay si nabdoon kaadhadhka Cusub ee Codbixiyayaaasha u qaataan.

 

Next>

Back

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this