Sign in to follow this  
Hunguri

Dhisida Dakkada Laasqoray

Recommended Posts

Hunguri   

2615.jpg

 

London:- Waxaa dhamaan la ogeysiinaayaa Jaaliyada Maakhir iyo inta kale ee jecel kheyrka in la furey [ 6/02/08] Account-kii loogu talo galey dhaqaale ururinta dibu dhiska Dekeda Laasqoray isla markaana ay ku soo diri doonaan dhaqaalaha lagu taakuleynayo hawlahan wadaniga ah.

 

 

Accouunt:-91-76-35-71

Sort Code:-40-07-31

Name:- Horn Relief UK.

Bank: HSBC

 

 

Waxaana dhamaan laga codsanayaa dadka tabarucaada bixinaya iney meel fiican dhigaan RECEITE-ka isla markaana ay lasoo xiriiraan Mudane Cabdi maxamed Saalax oo taleefaniisu yahay 0208-980-96-27

 

 

JAZAKUMU-ALLAHU KHEYR

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Thanks for the Info brother. Somehow your special notice to Maakhir diaspora does not call on the inclusionary spirit of this project. Inta jecel kheyrka was not enough, me thinks. :D All Somalis should contribute and Help all they can because in the end it is our country and people that benefit from such major major project.

 

I hope many places would follow suit and Somalia would once again stand on its feet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

At the project's official website, the news reads "36-month project ready for take-off" "Economic feasibility study positive" "Project development kicks off". It is good news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^inta aad bixisid, iyo wax dheerba belaa cashuur ba lagu siin. :D

 

Inkastoo meesha waraaqo kaa yaalin, oo danbigaana sidii lagaaga dhaafi lahaa ay taalo meesha. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Minneapolis: Xafladii dib u dhiska dekeda Laasqoray oo nagu soo fool-leh dhawaan.

 

Bulshada ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Poul ayaa dhowaanahan guntiga dhiisha kadhigay sidii ay u dardargelin lahaayeen hawlaha dekada lafilayo in dhowaan labilaabo dhismaheeda, waa “Dekada Lasqoray”. (Halkan ka eeg Sanduuq cusub oo loo furey lacag uruurinta dekeda)

 

Waxaa bulshada oo aan ukala hadhini bilaabeen nidaamyo kaladuwan oo ay kaga qayb qaadanayaan dhisamaha dekada taas oo lafilayo inay soo dedejiso hawlaha iyo qorshaha bilaabida dhismaha dekada sida ugu dhakhsaha badan.

 

Haweenka reer Minnesota ayaa noqday kuwa sida aadka ah uga dhex muuqday qorshayaashan dardargelinta Dekada Lasqoray. Waxay haweenku diyaariyeen iskuna soo dubarideen xaflad ay ku casumeen dhamaan bulsha waynta reer Minnesota taas oo ah nidaam loogu talagalay in qofkastaa kaga qaybgalo xaflada isagoo ku deeqaya dekada $20 Dollar.

 

Waxaa sidoo kale aad uga dhexmuuqday maamulka iyo ardayda Schoolka caanka ah ee International Education Center oo ah goobta xafladan balaadhan lagu qabanayo ee islamarkaana dhabarka u ritay soodhowaynta dhamaan bulshawaynta reer Minnesota si’ay habeenkaa xafladaa uga qaybqaataan loogu talagalay Dekada Lasqoray.

3900.jpg

 

Waxaa iyana dedaal aad uwanaagsan muujiyay dad yoowga reer Minnesota oo qaarbadan oo kamidihi ay iyagu qaybinayaan kaadhadhka xaflada ee casho sharafta habeenka Dekada Lasqoray kuwaas oo ugu horeeyo Adeegaha Dekada u fadhiya Minnesota waa Ibrahim Huruuse iyo dad kale oo aanan halkan kusoo koobayn magacyadooda balse la’arkay waxqabadkooda iyo dedaalka ay muujiyeen oo kuwajahan xafladan iyo dardar gelinta hawlaha Dekada Lasqoray.

 

 

Xafladan waxaa lafilayaa inay kasoo qaybgalaan ama marti inoogu ah inay hadal ka jeediyaan dadbadan oo debed iyo gudaba ka imanaya islamarkaana ay ugu horayso hogaanka hay’ada iyadu hawshan wayn dhabarka u ridatay ee Fatima Jibril iyo xubanaha faraha badan ee magacyadoodu ku qoranyihiin card ka halkan ku sawiran.

 

Waxaan marlabaad ku baaqaynaa inaan lookala hadhin xafladan ujeedadeedu tahay dhisida wadankii hooyo gaar ahaan Dekada Lasqoray oo iyadu ah meesha hawsheena ugu horaysa wakhtigan aynu joogno aanuna filayno in hawlo kale oo badanina ay inoogu xigidoonaan insha allah kuwaas oo aynu iyagana si wadajira uga wada qaybqaadan doono.

 

laasqorayportproject2_1.jpg

 

 

Abdullahi Sallah

 

Minneapolis, MN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this