Sign in to follow this  
QabiilDiid

The personal safety of MPs in Mogadishu is in jeopardy!

Recommended Posts

XILDHIBAANADII KA SOO TEGAY NAIROBI EE YIMID MUQDISHO OO KA SHALLAYNAYA IMAATINKOODA

 

 

Xildhibaanadii ka soo tegay magaalada Nairobi soona gaaray Muqdisho ayaa la sheegayaa inay haatan ka shallaynayaan imaatinkooda, iyagoo sheegay in nabadgelyada magaalada Muqdisho aan la isku halleyn karin, haatanna qorsheynaya sidii ay dib ugu noqon lahaayeen magaalada Nairobi.

 

 

Xildhibaanadan ayaa markii hore magaalada Muqdisho u yimid inay xarun u noqoto Golaha Baarlamaanka, iyadoo la sugayay inay yimaadaan in ku dhow 189-Xildhibaan taasoo noqon lahayd kooramkii lagu suuragelin lahaa in lagu qasbo Dowladdu inay soo degto magaalada Muqdisho.

 

 

47-xubnood oo isugu jira labada Gole ee Dowladda ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo xubnihii kale ee la filayay inay soo gaaraan Muqdisho ay dib uga laabteen qorshahoodii hore taasi oo kala dhantaashay ujeedadii laga lahaa imaatinka magaalada Muqdisho, waxayna warar ku dhow dhow Xildhibaanada sheegayaan inay si aad ah uga welwelsan yihiin joogitaankooda magaalada Muqdisho. :confused:

 

Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho

 

somoginfo@somaliweyn.org

 

http://www.somaliweyn.com/pages/news/Abril05/16abril_11.htm?name=News&file=article&sid=408

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jumatatu:

^^What a rubbish...!

Why insults? Somaliweyn editors have dignity. They do not write rubbish. I thought you are a bright individual who even though has the interest of Mogadishu at heart, would not exchange the public good for anything else i.e. above the irrational tribal politics. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid ah Xubnihii Baarlamaanka ee Muqdisho soo gaaray oo mar kale dib ugu laabanaya Magaalada Nairobi

 

Sabti, April 16, 2005(HOL)@20:20GMT: Qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ee dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay mar kale dib ugu laabtaan magaalada Nairobi kadib wada hadallo hoose iyo xiriir ay la soo sameeyeen qaar ka mid ah madaxda sare ee dowladda oo arrimaha dib u laabashadooda u soo xil saartay ganacsato ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan ilaa 30 Xubnood ay dhowaantan bilaabayaan socdalkooda dib u laabashada, waxaana Jimcihii dib ugu laabtay magaalada Nairobi Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, walow uu isagu sii sheegay in dib u laabashadiisa ay la xiriirto sidii uu xubno kale u keeni lahaa magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la filayaa in todobaadkan ay dib u laabtaan Xubno ay ka mid yihiin Caasha Axmed Cabdalla iyo Cabdi C/lle Jinni Boqor, walow la sheegayo in ay iyaguna sheegteen in ay arrimo u gaar ah dib ugu laabanayaan.

 

Qaar ka mid ah Xubnaha Baalamaanka oo codsaday in aan la faafin magacyadooda ayaa sheegay in ay Muqdisho ugu yimaadeen xaalad cabsi leh iyo dhaqaale la’aan u diiday in ay dhaafaan Hotelkii ay ku soo degeen, halka ay qaarkoodna ay u suurtogeli weysay in ay guryahoodii soo booqdaan, isla markaana ay dhacday in xubnaha qoyskooda loogu keeno Hotelka ay degan yihiin ee Saxafi si ay u kulmaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo “Waxaan ka codsanayaa madaxweynaha & ra’isul wasaaraha in laba mid-ba ay ka fiirsadaan, ummadda Soomaaliyeed hogaan buu u yahay madaxweynuhu, ra’isul wasaaruhuna waa fuliyihii waana nin u dhashay Xamar, waxaa loo baahan yahay

 

Cashara.JPG

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in isaga ay ula muuqato in laga dhur-sugo wax-qabadka wasiiradda & xildhibaanada Muqdisho ku sugan, lana taageero haddii ay nabadeeyaan magaalada ayna dowladdu si shuruud la’aan ah ku degto magaalada Muqdisho.

 

 

“Soomaaliya waxey ka socon weysay hubka badan ee gudaha dalka daadsan, wasiiradda & xildhibaanada Muqdisho tegay ee doonaya in ay jidka u jilciyaan dowladda, kana shaqeynaya siddi dadka hubka lagaga qaadi lahaa ummaddana loo dhacsiin lahaa in dowladdu soo guurto waxaan qabaa in fikirkaasi uu yahay mid sax ah oo u baahan taageero, haddii xittaa xubnahaasi ay ku baxeen talo la’aan waxaa wanaagsan in qorshahaasi la baxnaaniyo, lana taageero oo la sugo waxa ay qaban karaan & halka ay wax gaarsiin karaan ee ma ahan in loolaan & khilaaf la geliyo tegistooda Muqdisho, sababta aan sidaa u leeyahay waxey tahay waxaan ognahay in maanta shacab weynaha Muqdisho ku nool uu gartay nabaddii, haddii marka ay isla saan-qaadaan hogaamiyeyaashii iyo shacabka ku dhaqan Muqdisho waxey ila tahay in dowladdu ay fursad siio, midda labaad waxey tahay in marka la arko in howlahoodu isku duba-dhaceen in aanan lagu fiirsan oo adduunweynuhu soo dhex-galo lalana qabto howsha†ayuu yiri xildhibaan Casharo in qodobo badan oo dastuurka ku qoran si kula-talagal ah loo jebiyey.

 

 

“Xukuumaddu waxey aheyd in ay soo bandhigto aragti siyaasadeed oo Qaranka lagu hago (National Vision) taasoo ilaa hadda aanan ka muuqan maamulka, teeda kala ma kala xadeysna howlaha wasaaradaha si loo helo howlgal qeexan si aaney u dhicin isku qabsi howleed (Avoiding overlapping responsibilitises), qodobka kale ee la jebiyey waxaa weeye in baarlamaanka la weydiisto dalabka ciidamada shisheeye inta aanan la weydiisan dowladdo & ururo sida ku cad axdiga Qaranka faqradiisa (J) oo lagu kabay dastuurkii 1960-kii qodobka 67 waxaana lagu xadgudubay qodobkaasi, iyadoo la wax-yeeleeyey madaxbanaanida dalka (State Sovereignty)†ayuu yiri Xildhibaan Casharo oo sheegay in mas’uuliyiinta dowladda qaarkodo aysan-na aqrin dastuurka taasina ay keeneyso jebintiisa.

 

 

“Madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, xukuumadda & baarlamaanka wax waliba ay sameynayaan waa in ay dastuuri noqdaan oo ay dastuurka ku saleysnaadaan, waxaa dhacday in la jebiyey qodobka guurista oo haddii la guurayo waxey aheyd in baarlamaanka inta la keeno laga tashado oo uu baarlamaankuna ka doodo, hase ahaatee haddiiba ay sheegeen in la guurayo dhulka loo guurayo waa in uu leeyahay inkaaniyadkii muhiimka u ahaa howlaha dowladda, waxaase muuqata labada meelood ee la magacaabay-ba (Jowhar & Baydhabo) in aysan laheyn inkaaniyaadkii dowladnimada oo ay farsamo badan ka dhiman tahay haddey ahaan laheyd dhaqaale, dekad, garoomo, waana in ay noqotaa meel aan leysku haysan oo maleeshiyo beeleedyo isku haysan, meel aanan dalka maleeshiyo isku haysana waxaa ka jira Somaliland & Puntland, inta kale oo dhanna maleeshiyooyin iska soo horjeeda ayaa degan taasina kama duwana, marka in la yiraa Xamar meel kale ayaa ka fiican ma ay dhici karto, qodobka labaad ee ay jebiyeen waxaa weeye guddiyaal bey dhiseen, guddiyaasha inta aanan la dhisan waxey aheyd in sharcigii lagu dhisi lahaa la hor keeno baarlamaanka, qarashka ay damcaan in ay isticmaalaan oo ay dowladaha ka heleen ma aysan soo marin baarlamaanka, marka hore ee la weydiisanayey ciidamadana iyadoo aanan baarlamaanka lala soo marin baa lala tegay Addis Ababa†ayuu yiri Xildhibaan Casharo oo sheegay in dhaliishiisu aaney aheyn mucaaridid balse ay tahay mid saxitaan ah, maadaama sida uu yiri howsha xildhibaanku ay tahay ilaalinta sharciga & dastuurka.

 

 

“Khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiinta dowladda waxaan u arkaa in uu labo hab ku yimid, dhowris la’aanta axdiga oo mid ah, tan kalena waa in ay jiraan dad is-eeganaya oo aanan la dhowrin kala dambeyntii, cisidii & karaamadii, hase ahaatee arrimahaasi waa kuwa laga gudbi karo danta Soomaaliyeed ayaana ka weynta tan shaqsiga, waxaan qabaa anigu oo aan ka codsanayaa madaxweynaha & ra’isul wasaaraha in ay laba midba ka fiirsadaan, ummadda Soomaaliyeed hogaan buu u yahay madaxweynuhu, ra’isul wasaaruhuna waa fuliyihii waana nin u dhashay Xamar, waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado siddii loo wada shaqeyn lahaa adduun weynuhuna waa ku soo yiri ilaa aad Xamar tagtaan oo aad Soomaaliya isku duba-ridaan wax mucaawino ah idinma siin karno, waxaa marka loo baahan yahay in la garto danta Soomaaliyeed oo labadooda & guddoomiyaha baarlamaanka inta ay isla shaqeeyaan nimankan Xamar tegay ee wax ka qabanaya nabadgelyada waqti la siiyo, meelaha ay ka jilicsan yihiina laga kabo maadaama maanta dhammaan qeybaha bulshadu ay u hamuun qabto dib u soo celinta adeegyadii dowladda & kala dambeyntii, waxaana ummadda haysata dhibaato abaaro & sun lagu aasay badaha oo ay ku aaseen rag dhuuni-qaatayaal ah, raga maanta kursiga qaatayna halkii ay iyagu is eegan lahaayeen waa in ay ka fikiraan dhibaatada Soomaalida ku haysata gudaha & dibedda†ayuu yiri Casharo oo ka jawaabayey su’aal aheyd sida uu u arko khilaafka sii xoogeysanaya ee beryahan u dhexeeya mas’uuliyiinta sare sare ee dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haa. Muqdisho waa nabad. Why are they returning to Nairobi so quickly then? I could've saved them the time, money and effort before they left for Muqdisho by telling them that city ain't safe. But they'd rather listen to the apt leadership of war/druglords! Pathetic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this