Sign in to follow this  
Gabbal

Regional war preparation ensues after former ICU members bring support to Afgaduud.

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamo xoogan oo u horkacaayo xildhibaan Geele Saliid oo soogaaray Buulogadud

 

Kismayo, Somalia - Ciidamo sita gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee qaada xamuulka gaaraayana boqolaal ayaa kasoo ruqaansaday magaalada Bu'aalle ee xarunta gobolka J/dhexe si ay markaasi u caawiyaan ciidamada degaanka Buulo Gaduud ee Jubbada hoose, waxaana sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil uu ka mid yahay Col. Ducaalle Ganane Cuncun oo ku sugan magaalada Bu'aale uu intaas ku daray in ciidamadaani uu wato xildhibaan Geele Saliid oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka DFK iyo Sheikh Maxamed oo hore uga tirsanaa midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka J/dhexe.

 

Ciidamadaani ayaa waxaa ay sheegayaan wararka ka imaanayo Bu'aalle in ay ka mid yihiin ciidamadii deegaanka Bu'aalle ee gobolka J/dhexe. Xiisadaha colaadeed ee J/hoose ayaa saameyn weyn ku yeeshay guud ahaanba gobolada Jubooyinka, waxaana degmooyinka gobolka Gedo laftooda 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka socday abaaul ciidan aydoo degmooyinka Baardhere, Garbahaaray, Buurdhuubo, iyo meelo kale ay ka socdeen aruurinyta ciidamo iyo gaadiidka dagaalka oo loo soo diraayo magaalada Kismaayo.

 

Guud ahaana magaalada Kismaayo sadexdii cisho ee ugu dambeeyey ayaa laga dareemayay abaabulka ciidanka iyo saameynta dagaalada. Sidoo kale, waxaa xirmay dhamaan goobihii ganacsiga, Iskuulaadkii iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada, goobaha wax lagu kala iibsado.

 

Magaalada Kismaayo, saacadba saacada ka dambaysa ayey dadku saadaalinayaan dagaalo xoogan oo ay isaga hor yimaadaan mileeshiyada Buulo gaduud ku sugan iyo kuwa magaalada Kismaayo ayada oo ay hadda ciidamadu isu jiraan wax ka yar 1 KM.

 

Waxgaradka beelaha ***** iyo ***** ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa wada diraayo baaqyo nabadeed. Ugaaska Beesha ***** ee J/Hoose Ugaas Maxamuud Xaaji Xuseen Baqow ayaa ka mid ah wagradka ***** ayaa sheegay in xiisadaha colaadeed ee hadda taagan lagu dabaalo wada hadal iyo heshiis rasmi ah.

 

Sidoo kale, dhanka beesha *****; Suldaanka beesha - Maxamed Bashiir Madoobe Yarrow ayaa waxuu ku baaqay in xabadda la joojiyo wada hadalna laysla meel dhigo si xasaradaha loo damiyo.

 

Aydoo taasi ay jirto ayaa haddana aanay jirin waan-waan muuqaneyso oo ah in la kala dhex galo dhinacayada isu hub aruursaanaaayo, isla markaana weli ma jiraan wax hadal ah oo ku saabsan mushkiladaan ka aloosan Gobolada Jubooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo kasoo baxay DFK ah.

 

 

Laylo Sh. Aadan, Allgedo - Kismaayo.

 

 

Allgedo News Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayo: Xiisadaha dagaal ee ka jira Jubada hoose ,oo gurmadyo kala duwan ay gaarayaan.

21. juni 2007

 

APL

 

Kismaayo(AllPuntland)- Warar naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi gaarayaan maleeshiyo laga keenay gobalo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

Boqolaal Maleeshiyooyin ah ayaa waxaa lasheegay in ay diyaar garow dagaal ka wadaan gobalka Gedo.

 

Waxaana lasheegay in ay saaka halkaasi ka baxeen maleeshiyo loogu talagalay in ay ka qeybqaataan xiisadaha dagaal ee ka jira gobalka Jubada hoose,gaar ahaana deegaanada Buula-Guduud iyo Yoontooy oo ka wada tirsan gobalkaasi.

 

Waxaa lasheegayaa in ay magaalada kismaayo ,xalay ka baxeen maleeshiyooyinkii lawareegay 23-April waxa ayna udhaqaaqeen dhinaca degmaa Buula-guduud oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya.

 

Dhinaca Magaalada Bu'aale ayaa waxaa lasheegayaa in ay xalay ,ka ambabaxeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya waxa ayna gaareen maanta degmada Buula-guduud ,waxaana wararka laga helayo goobaha ay isku horfadhiyaan dhinacyadan ,waxa ay ku waramayaan in saac kasta lafilan karo dagaalo dhexmara labada dhinac.

 

Maleeshiyooyin hor leh oo ka socda degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan wararku in ay ka ambabaxeen degmadaasi,waxa ayna ku sii jeedaan magaalada Kismaayo.

 

Xiisadahan dagaal ee ka jira Jubooyinka ayeysan dawlada Soomaaliya ka hadlin,waxaana lasheegayaa in ay jiraan diyaar garoow balaaran oo ku aadan hawlaha ka socda Jubada Hoose.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisado colaadeed oo ka soconaya goboladda J/Hoose

 

June -21-2007-HornAfrik, Mogadishu.

 

dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisado colaadeed ayaa kajira gobolada jubbooyinka kadib markii Ciidamo fara badan oo ka soo baxay degmada Bu’aalle ay shalay soo gaareen degmada Jilib xili Ciidamada beelihii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ay iyaguna isku horfadhiyaan deegaanka Goobweyn kuwaas oo isu jira in ka yar hal kiiloo mitir.

 

Boqolaalkaan Ciidamada ah ee ka soo baxay Magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka J/dhexe oo soo gaaray Magaalada Jilib shalayto galinkii hore ayaa waxaa ay wataan Ciidamadaasi gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee xamuulka qaada.

 

Saraakiil kusugan degmada Jilib ayaa Hornafrik u xaqiijiyey in Ciidamadaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqooda qeybo badan oo ka mid ah J/dhexe waxaana ay sheegeen in uu hogaaminayo xilibaan Geelle Saliid oo katirsan mudanayaasha Baarlamaanka dowladda fadaraalka iyo waliba Sheekh Maxamed oo isaguna katirsan Mas’uuliyiinta deegaanka J/dhexe gaar ahaana degmada Bu’aalle.

 

Abaabulka Ciidan iyo waliba gaadiidka dagaalka ee loo soo rarayo J/hoose ayaa sidoo kale si xoogan uga soconaya degmooyinka gobolka Gedo qaar kood sida wararku ay sheegayaan gaar ahaan degmada Baardheere.

 

Xiisadaha colaadeed ee iminka ka taagan goboladaasi ayaa waxaa ay saameyn balaaran ku yeesheen sadaxda gobol ee degmooyinkaasi ee kala ah J/dhexe J/Hoose iyo waliba Gobolka Gedo.

 

Sahro Cabdi Axmed "Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^lol@Former ICU members coming to the rescue of Afgaduud...

 

War maad naga yareeysid bahasha, Allgedo and co are getting desperate, aigh?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Emporer, HornAfrik writes it as well but you did not see that as usual of course, you were too captivated by the world Gedo. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maleeshiyo Ka Tirsanaa Ururkii Midowga Maxkamadaha Oo Ku Soo Biiray Maleeshiyo Beeleedka Ku Sugan Buulogaduud Iyo Xildhibaan Ka Tirsan DFKMG Oo Ka Dambeeyey Arrintaasi

 

Jun 21,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Qaar ka tirsanaa maleeshiyo beeleedkii midowga maxkamadaha oo ku sugnaa howdka gobalka Jubbada Dhexe ayaa la xaqiijiyey inay ku soo biireen maleeshiyo beeleedyo taabacsan Col.Cabdirizaq Afgaduud iyo Col.Aadan Koojaar oo ayagu bishii April dagaalo la galay ciidamo ka tirsan guutada 3aad ee ciidanka dowladda, loogana awood roondaay gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

 

Afhayeenka beesha **** ee gobollada jubbooyinka Xasan Maxamed Cali (Xasan Dheere) oo ku sugan tuulada Goobweyn oo goor dhoweyd la soo xiriiray Gedonet ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsanaa ururkii midowga maxkamadaha oo uu tiradoodu ku sheegay ilaa 220 maleeshiyo ah oo ka yimid degaano ka tirsan gobalka jubbada dhexe ay soo gaareen, kuwaasoo uu yiri inay soo abaabulay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada dowladda federaalka oo lagu magacaabo Geele saliid asagu hadda ku sugan degaanka Buulogaduud.

 

Xasan Dheere oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Xildhibaanka iyo maleeshiyo beeleedka ka tirsanaa ururkii burburay midowga maxaakiimta ay la yimaadeen degaanka ay isku horfadhiyaan ilaa iyo 3 tikiniko ah iyo labo baabuur oo xamuul ah. Xasan Dheere ayaa waxaa kale intaasi ku daray inay ka warhayaan gurmadyo kale oo ka soo socdo degaanada Buaale iyo degaano kale oo la doonayo in lagu xoojiyo maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Koojaar.

 

Afhayeenka beesha **** oo sii wato hadalkiisa ayaa sheegay inay "Wax lala yaabo ay tahay in xildhibaan ah uu si hab beeleed ula safto oo soo aruuriyo haraadigii midowga maxkamadaha oo la ogaa ayagu iyo dowladdu waxii soo kale dhex maray, arrintaasina wax indha laga qabsan karo ma ahan, dowladduna inay mowqif cad ka istaagto ayaa la rabaa". Xasan Dheere ayaa sheegay inaysan ayagu marnaba xabadda bilaabeen, balse hadii la soo weeraro ay isdifaaci doonaan.

 

Goog jooge ka soo noqday jiidda hore ee labada ciidan isku horfadhiyaan ayaa Gedonet u xaqiijiyey inay labada ciidan ay isku jiraan in ka yar 3KM, goor kastana ay suurtogal tahay inuu dagaalo ka dhex qarxo oo geysto dhibaatooyin badan. Si kataba ha ahaatee, gurmadyo kale ayaa si xowli ah ugu socdo magaalada Kismaayo gudaheeda iyo degaanada ku dhow dhow, iyada oo la arkayey baabuurta dagaalka oo ay ka buuxaan ciidamo hor ah ku sii qulqulaya degaanada ay labada dhinac isku horfadhiyaan.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

N/AA you must love your Gedo sources and ICU's link to Afgaduud lol, very pathetic attempt...

 

Xasan Dhaahir iyo Hiiraale Jacaylki kadhaxeeyay aaway? Sowtaa tiri isaguu Worldka ugu jecelyahay, so now Mr Aweeys is aiding Afaduud, now thats entertaining

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dahir Aweys and some of the known respectable individuals would never get involved with this. It is the militias of all clans and walks of life who donned fake cimaamad that was my concern and why I had opposed the so-called ICU militia in Jubbas.

 

You reap what you sow. Hypocrites fare worse then all other peoples. We will see how those who donned fake cimaamads and the individuals they came to aid fare. :D

 

 

Isa soo shaac bixiya ragow walle ballo ayaad is tusaysaane! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^If they are part of a clan then thats understandble, it's normal in the Somali way of politiking, however, if they are members of the UIC as you suggest, then I don't see the feasibility of them supporting Afgaduud, the fact that ICU and its members are active and carry out actions and assisinations against the TFG in the country, notably the capital Mogadishu.

 

The ICU have no love for Afgadud thats quite clear to anyone, but if you tell me its the clan thats coming to the aid, then no suprises there as the whole tention in Kismayo is about clans.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Emporer such ignorance is unbecoming of you. :D

 

Islamic Courts was not a homogenous organization. It was an organization that consisted of honest religious people, disgruntled and/or unemployed militias, businessmen, civil society, as well as clan opportunists.

 

Sheikh Hassan Dahir Aweys was the same man on the radio waves apologizing and condemning the killing of the injured POWs while disgruntled militias were celebrating a clean kill. That is the Courts for you and why we, those who understand where such confusion would lead, withdrew our support.

 

Waa alle mahadiis if our concerns have been found to be legitimate today with the support given to Afgaduud by hypocrites who were just wearing bright red cimaamad. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this