Sign in to follow this  
Member-sol-

What is going on in puntland?

Recommended Posts

Ciidamada Puntland oo mar kale afduubay rag reer S/Galbeed ah

Beerdhiga 14.05.2008 02:37

 

Ciidamada P/Land ee ku sugan gegida dayuuradaha ee magaalada Boosaaso ayaa xoog kaga kaxeystay madaarka magaalada Boosaaso shan nin oo diyaarad kaga yimid dhanka Jabuuti kuna socday magaalada Boosaaso.

 

Ciidamada raggan afduubay oo amar ka heystay ku xigeenka Cadde Muuse oo lagu magacaabo Xasan Daahir Af-qudhac ayaa isla judhiiba raggaas shanta ah ula dhaqaaqay dhanka magaalada Garoowe oo ay ku sugan yihiin saraakiil xabashi ah oo loo maleynayo iney halkaa u joogaan gacan ku dhigista ciddii maamulku uga soo afduubo gobollada Puntland.

 

Qaar ka mid ah waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo acyaanta ku sugan Boosaaso ayaa dadaal adag u galay sidii ay raggaas uga badbaadin lahaayeen gacanta ciidamada puntland, iyagoo waxgaradka iyo culimaa'uddiinkaas wacad ku maray inay kalsoonida kala laabanayaan maamulka Puntland isla markaana ku dhawaaqayaan in aysan Puntland ka jirin kala dambeyn iyo maamul toona haddii raggaas xabashida loo dhiibo.

 

Ilo xogogaal ah oo kamid ah qeybaha bulshada ee arrintaa kala xiriiray maamulka P/land ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in raggan laga qabtay gegida dayuuradaha Boosaaso abaaraha duhurnimadii Talaadada, isla galabkiina loola carraabay dhinaca Garoowe halkaas oo ay ku sugan yihiin saraakiil Itoobiyaan ah oo halkaa u jooga howlo ay kamid tahay afduubidda dadka socotada ah iyo shacabka ku dhaqan gobollada lagu magacaabo Puntland.

 

Xasan Daahir Af-qudhac, oo ah ninka amarka ku bixiyey afduubka raggaas shanta ah ayaa ku andacooday in raggaas ay khatar ku ahaayeen amniga iyo xasilloonida Puntland sidaas aawadeedna ku adkeystay in uu u gacan gelinayo saraakiisha gumeysiga xabashida ee fadhigoodu yahay magaalada Garoowe. Xasan Daahir Af-qudhac ayaanan haba yaraatee soo bandhigin wax caddeymo ah oo la cuskan karo, tilmaamayana in raggaasi ay khalkhalinayeen amniga gobollada Puntland.

 

Dhinaca kale dadaallo ay sameeyeen waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo acyaanta magaalada Boosaaso ayaa ku guuleystay inay raggaas si dirqi ah dib ooga soo dhigaan ciidamadii la aaday magaalada Garoowe, iyagoo ay ragggaasi haatan ku sugan yihiin magaalada Qardho, laguna wado in isla berriba dib loogu soo celiyo Boosaaso.

 

Waa markii saddexaad muddo qiyaasta saddex usbuuc gudahood ah oo isku day ceynkan oo kale ah uu maamulka Puntland ugu gacan galinayo ciidamada xabashida, rag deegaan ahaan iyo dhalasho ahaanba kasoo wada jeeda beelaha dega gobolka S/Galeeb ee xabashidu gumeysato, isuguna jiray qaar soo maciinsaday gobollada Puntlnd halkaana muddo degganaa iyo qaar halkaa socoto ku ahaa.

 

 

http://www.beerdhiga.org/index.php?action=fullnews&showcomments=1&id=3550

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka PIS ee Puntlland oo 5 nin ka qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso

Posted to the Web May 14, 01:42

 

 

Boosaaso:-Waxaa xalay ay ciidan ka tirsan kuwa PIS Puntlland ay qabteen 5 nin oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ,raggaan ayaa waxaa ay ka yimaadeen dhinaca Jabuuti iyadoo la sheegayo in ciidankaan ay ku andacoonayaan in raggaan ay ka mid yihiin Isbahaysiga dib u xoraynta halka wararka qaar ay sheegayaan in raggaan xiritaankooda ay ka danbayso arin siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin madax ka tirsan maamulka Puntlland.

 

Waxaa soo baxay isla xalay in raggaan loo safriyey magaalada Garoowe taas oo ay dad badan ay walwal ka muujiyeen in raggaan loo dhiibo ciidanka Itoobiya balse arinkaas ayaan dhicin ka dib markii ay dabagal dheer iyo dadaal dheer ay muujiyeen culimada iyo Isimada Gobolka Bari ayaa ku guulaysatay in raggaan la sii daayo waxaan la xaqiijiyey in raggaan ay hadda ku sugan yihiin magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

 

Ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay u xaqiijiyeen Shabakada wararka ee Halgan in amar ka soo baxay Madaxweyna ku xigeenka Puntlland lagu qabtay shanta nin oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha walow uusan Xassan Daahir Afqurac ilaa hadda cadayn wax uu ku xiray raggaan.

 

Warkaan oo tafatiran iyo waraysi arinkaan ku saabsan ayaan ka qaban doonaa qaar ka tirsan waxgaradka iyo culimada ku sugan magaalada Boosaaso.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

 

 

http://www.halgan.net/view_article.php?articleid=9215

Share this post


Link to post
Share on other sites

dribraahim.jpg

 

Ciidamada nabdsugida Puntland ee loo so gaabiyo magacooda PIS,dadkuna u yaqaan (Ashadaado la diririka) ayaa haysta dhakhtar Somali-Kenyan ah,oo ka hawlgali jirey xarunta caafimaadka Salaama Medical Centre ee magaalada Boosaaso.

 

Dhakhtarkaas oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Gorija Cali ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeday reerkiisa oo ku nool magaalada Nayroobi,iyadoo ragii qabanayey ay ku eedeeyen in uu xidhiidh la leeyahay argagixisada.

 

Ciidamada CID-a Puntland ayaa beryahaan wada hawlo ay ku ugaadhsanayaan dadka soomaaliyeed ee martida ku ah Puntland,waxayna iyaga oo la shaqaynaya gacanta u geliyeen cadowga tigreega rag badan oo isugu jirey culimo,ganacsato,iyo weliba rag muruq maal ah oo denbiga keliya ee ay galeen uu yahay inay ka yimaadeen ********iya.

 

Dhakhtarkan ayaa wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in uu sitay laba baasaboor oo sida caadiga ah midna Kenyaati yahay midna Soomaali yahay,taasoo badanaa ay soomaalidu laba basaboor isticmaalaan.

 

Xaaska u dhaxday Dhakhtarkan lagu eedeeyey inuu yahay argagixiso Balqiisa Saciid Baana,ayaa sheegtay in aan ninkeedu wax argagixiso ah shaqo ku lahayn,halkaana uu u joogay inuu fuliyo hawlo qalitaan,oo uu shaqo u tegey,markuu dad badan qalayna uu u soo socday gurigiisii.

 

"Waxaa markii hore la ugaadhsanayey dadka reer ********iya,hadana waxaa bilaabatay ugaadhsiga dadka reer NFD," sidaas waxaa yidhi nin reer Boosaaso ah oo ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ee Salaama Medical Centre oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin,isaga oo u baqaya amingiisa.

 

 

Afnugaal news Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Hassan Dahir AfQudhac officially made it to the list of Guiness Book of Puntland Records, Xiin-ow better note him down into that list of your ignoble Puntlanders.

 

Waar Xoolayowgaan layiri Madaxbaa tihiin yaa Ummada ka qabta.... Niman dulli ah ayaa wadanki wada heesta sidee kayeelnaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Waar Xoolayowgaan layiri Madaxbaa tihiin yaa Ummada ka qabta.... Niman dulli ah ayaa wadanki wada heesta sidee kayeelnaa

Good to have you seeing the light. Even you still have hope. Sidaan ku soco, abti.

 

As for yaa Umada ka qabta. Wax yar noo kaadi. Waxaa ku mashqoolsanahay Amxaar-ka iyo dhabo-dhilif-kooda sida aa aga natheefin lahaayn najaasadooda Koonforta. Soon as we liberate the South, restore law & order, and a governing admin, our next stop is Garowe. Ikhawatul khawana wal khanazeer(PIS and Dhabodhilif, Inc) aala exterminate garaynaa inshallah. Waala cirib tiraa, bi'kuli macnaa al-kalima.

 

No Somali dog will ever remotely contemplate treason or prostitution.

 

Wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Indeed I await and hope to live to see your prediction...

 

Laakiin wax yar bal Ukuntaada aan jabiyo, Xoolayawga include the ones your support too, I never meant to dissappoint your high expectations but I done it so for the sake of clarity...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shame!

Boosaaso: 5 Nin oo lugu qabtey Garoonka Boosaaso.

14. maj 2008

 

Boosaaso(AllPuntland)- Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa qabtey Shan Nin oo ka soo dagayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ,sida ay sheegayaan Warar Madax banaan.

 

Ragan la qabtey ayaa lugu tuhmayaa in ay ka tirsan yihiin Jamhada Hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda Itoobiya ee ONLF ,sida ay tibaaxayaan Warar hoose oo ka soo baxaya dawladda Puntland.

 

Ciidamada Sirta ee Puntland ayaa ragan ku qabtey Garoonka Boosaaso ,ayadoo ay arintan uekayd Arin mudo dheer lala socday ,ayagoo nimanka soo maray Maamulada Jabuuti & Hargeysa.

 

Ciidamada Sirta ayaa nimankaasi geeyey Saldhig kuyaala Gudaha Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso ,halkaasi oo su'aalo ay ku weydiiyeen Sirdoonka Xukuumada Puntland ayagoo xalayna la gaarsiiyey Magaalada Garowe.

 

Wada hadalo badan oo ay yeesheen Culumada Puntland & Madaxda dawladda Puntland ayaa suurtagaliyey in Nimankaasi dib loogu celiyo Magaalada Boosaaso oo laga qabtey ,ayna halkaasi ka socdaan Baaritaanada ku aadan Dambiyadooda.

 

Xukuumada Puntland oo dhan waxa ay ka gaabsadeen ka hadlida qabashada Nimankaan ,waxa ayna Puntland maalmihii ugu dambeeyey ka jirey Tuhun ay qabeen Dadweynaha oo ku adaan heshiis dhexmaray dawladda Puntland & Xukuumada Itoobiya oo ku aadan isku celinta dadka lugu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Jamhada la dagaalamaya Maamulka Meles Zanewi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Your are taking the idea of turning and fighting against the system to a whole new and different level...

 

Somalia needs Solutions that's based on compromise and peaceful protest, not another war and neither will you be able to eradicate misjustice by the use of bullets...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Something gotta give. Compromise and peaceful protest are not exactly terms familiar to Cadde and Co but to be fair,let's judge them on merits when it comes to key issues.

 

Security-utter failure, Puntland was lot safer under Yeey and under the SSDF back in da day.

 

 

Inflation- It took an intervention by Culimada and compromise by ganacsatada to slow the flow of counterfeit currency into the market.

 

Infrastructure and Social Development-nonexistent granted they didn't have much to work with.

 

Corruption-Cadde admin become synonmous with nepotism and corruption.

 

Self-Rule..What was once thought to be a fairly independent entity has obviously client ministate of Zenawi, there to serve his every need. He practically runs the place and Ethio secret service are involved with every aspect of Puntland life.

 

Now how would a peaceful protest change anything?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Understood, but what are the alternatives. People all over Somalia and now Puntland in particular have no sense of ownership their land and affairs.And I'm not suggesting interclan, but fight for common cuase shared by all. Demonstrations have already in every city in Puntland.Now we need that on bigger level.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Yes demonstrations from Ulema and civil society groups in PL. Lakin, picking up arms and removing the admin by force? Nobody has the capacity to take up such a momentous task without creating a humanitarian crisis and the admin calling more and more people to massacre it's own people. Demonstrations and pressure from civil society group and Ulema are the best way forward. .........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this