Sign in to follow this  
Haashim

TO: LONDON NOMADS (NEW BOOK LAUNCH PARTY)

Recommended Posts

Haashim   

Ogaysiis

 

Daah-fur Buug Cusub

 

Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed ee International PEN waxaa farxad u ah inuu kugu martiqaado xaflad lagu daah-furayo bug cusub oo xiisa leh. Buugga magiciisu waa Kaftan-dhable , waxaa qoray qalinlaha ruug-caddaaga ah Siciid Cismaan Keenadiid. Daah-furka buugga waxaa la socda aqoon-wadaag ay ka-qaybgalayaashu ku kala faa’idaysan doonaan arrimo muhiim u ah nolosha dadka Soomaaliyeed.

 

Taariikhda iyo waqtiga: Axadda 24ka Abril 05. 5ta galabnimo (5pm).

Goobta: St. Pancras Church Hall, Lancing Street (off Eversholt St.), NW1

Nearest tube station: Euston, (The hall is just opposite Euston Station)

 

Ka soo qaybgal wacan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ :D Kaftan-Dhable idiin keeni-meyno. Inagaa leh, inagaana heysaneyna smile.gif . Nagumaba filna, nagama-firdho illayn wixii badanbaa firdhee!

 

Idinka qorta Kaftan-dhablahiina! lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Idinka waxba ma aydan bi'inine inaga un bey 'lexjeclada' inagu korodhay! 'Kumi ninkii qabo keeni mah, Kamana maarmo kii lahaay!" ma maqli jirtey odey Baashi?

 

On a serious note laakiin, Muraad wuxuu ii sheegey in buugga fahamkiisa ay aad u adagtahay, sababtoo ah, xuruufta uu qoraaga isticmaaley ayaan ahayn kuwa caadi ah. Marka its going to be a good challenge.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

'Kumi ninkii qabo keeni mah, Kamana maarmo kii lahaay!' :D Xikmadaa waxa laga hayaa ninkii fariidka ahaa ee Taajir kabalaawe...cid kale ha weydiin :D

 

Soomaaliya: Maxaa Dheelliyey? ...Kaftandhable (SQL138)

 

W.Q: Siciid Cismaan Keenadiid

Buuggu wuxuu u qaybsan yahay afar unug. Saddexda hore waxay ku saabsan yihiin xilliyada kala ah waagii Rayidka,waagii kacaanka iyo kan hadda ee dagaalada sokeeye.Unugga afraad wuxuu si dersin ahaana u soo bandhigayaa sida ama qaabka uu u dhaco Shirweyne Jabhadeed:

 

-Soomaalidu waxay tiraahdaa,â€Waayeel hadalkiis kaftandhabluu ku dhammaystaaâ€. Siciid isagoo adeegsanaya hannaanka kaftandhablaha, ayuu inoo diyaarshay buug dhinacyo kala duwan ka taabanaya bulshada soomaalida ? Dhanka suugaanta markii la eego: waa maxay “Kaftandhableâ€? Qoraagu wuxuu ku fasirey iney tahay:-“Arrin dhab ah oo loo bandhigo sidii fikrad fudud oo leh hannaan maadeed. Waa dhabtii (reynreyn,murugo,xumaan,samaan…) oo loo yeelo dahaar kaftan. Haddii uu habku dheelliyo, ujeeddaduna waa saamays beeleysaa. Farsamadu waa isku dheellitiridda dulucda iyo farriinta ay xambaarsan tahay iyo qaabka kaftan ee loo gudbinayo.’Cusbada’ kaftandhabluhu waxay ku jirtaa murtida maldahan oo durbadiiba la haleelo. Qofku ra’yigiisa, tix ama tiraab ha ku soo bandhigo, qiimuhu waa sarraynta qaabka suugaaneed iyo ‘afaysnaanta’ Fiirada.†Tusaale:- Bogga 86aad ee buugga Madaxa Hantidhawrka: Maxaad ku qabateen miisaaniyaddii loogu talagalay horumarinta cayaaraha? Wasiirka Isboortiga: Waan ku cayaarnay. Buuggu waa mid inta runtii kaa qosliya,welina fakar kugu sii reebaya.Haddii qiiro soomaalinnimo kugu jirto – waxaad isku deyi doontaa jawaab u raadinta su’aasha cinwaanka u ah buuggaan. Markaad dib ugu jaleecdid xilliyada uu buuggu ka hadlayao,waxaa kugu soo dhacaysa oraahdii A.Maslov (1908 – 1970) ee ahayd:- “Haddii qalabka keliya ee aad leedahay uu yahay Burrus,waxay dhibaato waliba kuula ekaanaysaa Qodob(musmaar) oo kale. ."

 

Magaca buug ka kooban seddex qaybood iyo lifaaq oo dulmaraya dhinacyo ka mid ah nolosha bulshada (garsoor, qabyaalad, maamul, siyaasad, dayow). Waxa uu lafagur ku samaynayaa xilliyadii Kacaanka, dagaallada sokeeye, iyo shirweynaha jabhadeed

Jamaal, waxay ila tahay ninkii Muraad ahaa iyo addigu inaad noo furi doontaa aqoon is weydaarsi ku aadan erayada adag ee qoraa Saciid uu isticmaalay. Ma lahjad ahaan bey u adag yihiin mise dadka yaa "vocabulary"-gu ku yar yahay?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

One of the presenters of thebook (M.D Afrax) said I would choose: Soomaaliya: Maxaa Dheelliyey? as a main name of the book and not Katandhabaale and i actually agree with him since katan-dhabaale is the way in which the author wants to deliver his message and not the end. but because the author is QORAA RUUGCADDA AH we have to keep as it is.

 

Caamir Sxb. Kaftan means Humor and Dhable means Serious.

 

The author means this is a Humor but it's serious So, if you read the you'll be entertained but he means what he is saying.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by CAAMIR:

What is Kaftan Dhable..? might someone explain the meaning of this word and where it came from?

Kaftan-dhable = Satire.

 

It came from the words "kaftan" and "dhab" as Muraad explained there. Kaftan-dhable is a literary technique (conversational or dialogue style) to expose human folly without offending the target.

 

Hope that helped.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Sxb hadaad ogaan lahayd Muraad siduu khatar ugu yahay micneynta iyo ereybixinta, buug baad ka daba qaadan lahayd sxb. London oo dhan isageey turjumaad radsataa smile.gif . Balse aniga qaybtii igu soo hagaagta diyaar ayaan u ahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Baashi and Muraad thanks for the definition of the Kaftan Dhable word. The book seems very interesting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this