Sign in to follow this  
General Duke

MUQDISHO: Ma iloobi karno, Laakiin waan iska cafin karnaa!

Recommended Posts

MUQDISHO: Ma iloobi karno, Laakiin waan iska cafin karnaa!

 

Anagoo ku hadlayna bahweynta soomaliyeed ee caasimadii soomaliya ee xamar laga sheegtay, waxaan aad iyo aad uga xumaanay hadalka ka soo jeeray nabadoonada xamar jooga ee sida gaarka ah ay u xustay hay´ada wararka ee Shabeelle Nabadoon Axmed Diiriye.

 

Markay taariikhdu ahayd March, 02 2007, hey´ada wararka ee shabeelle waxay qortay in nabadoon Axmed Diiriye isaga ka jawaabaayey dib u heshiisiin ay ku dhawaaqday Dowlada faderaalku uu jiri " in aaneey jirin qabaa'il haatan is dagaalsan, kuwaasi oo u baahan in la heshiisiiyo, isagoo sheegay in colaadihii kal hore u dhaxeeyay beelaha ay yihiin kuwo la iska hilmaamay isla markaana loo baahan yahay dowladda Somalia in dhexdeeda ay heshiiso"

 

Hadaba horaa soomaalidu ugu maahmaahday " Yeelaa waa halmaamaa, laakiinse la yeelaa ma hilmaamo ". Sidaan wada ogsoonahay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka dhacay waxaa dad badani ay ku waayeen xigtadoodii, hantidoodii iyo dhulkii ay awoowayaashood ku dhasheen. Waxaan kaloo ogsoonahay dhibtaas dhacday in ay geysteen 80% ( boqolkiiba sideetan) beelaha soomaaliyeed ee dega inta u dhexaysa Galguduud ilaa xamar, maxaa yeelay iyaga uun baa duulaan ku ahaa deegaano kale.

 

Hadaba nabadonada xamar waxaan weydiinaynaa halkee soomaali isugu timid oo ay isku cafisay? Goormaase ergo u dirteen oo aad cafis ka dalabteen dadkii kale ee soomaaliyeed ee aad dulmiseen? Waa tiiyoo weli dulmigii sii socdaa oo dadkii deegaanadooda loogu tegay biyihii laga iibiyaa.

 

Hadaba anagu ma qabno in marka hore dib u heshiin la samayo, sida ay ku baaqayso dowladu, ee waxaan qabnaa in marka hore beelaha aan ku soo xusnay ay cafis ka dalbaan beelaha kale ee soomaliyeed iyagoo ergo u diraaya beelkasta oo ay dulmiyeen. Ileen qof hadaad denbi ka gasho waa inaad isaga cafis weydiisataaye. Sidoo kale cid kasta oo wax dulmisay waa inay cafis eydiisataa cidii ay dulmiday.

 

Nabadoon Axmed Diiriye wuxuu sheegay in la iska hilmaamay wixii qabaaílka soomaali kala gaaray. Hadaba nabadoonow waxaanu ku leenahay " waa mustaxiil ama wax aan dhacayn in qofku hilmaamo hadii la dulmiyo, waalidkiisba ha ahaadee" Laakiin dadkii la dulmiyey waxaa suurta gal ah in ay idin cafiyaan hadii loo hoydo walow ay tahay arin iyaga u taalo. Waana wax ay ayaku istikhyaar u leeyahay oo aan la khasbi karin.

 

Hadaba nabadoonow We can't forget but we can forgive! Hadiiba dalab xagiina ka yimaado, waayo waxaaba laga yaabaa inaydinaan weli garwaaqsane.

 

 

Nabadoon Caliyow Mamad

aliyow.mamad@gmail.com

 

FG: Kala xiriir Nabadoonka ku saxiixan yahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
DigibAc   

Alot of people were wrong in the civil war.

 

I hope some people are not looking for revenge. I hope some people are not using the TFG and it's foriegn fire power so they can get revenge for the events of 91-92.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Nobody is here for revenge. The TFG is comprised of all clans. Highlighted by the fact that many of it's leadership come from different, gobols, clans and even speak different dialects of Somalia (Af maxaa tiri and Af maay maay etc).

Share this post


Link to post
Share on other sites
DigibAc   

^^Taako, I hope what you say is true about the TFG. But the TFG needs to show that by it's actions not just by appointing this name to this post or that post.

 

Actions, actions, actions!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think actions are here. Albeit not at the level it's citizens want, but it is present. Progress is a slow process, but the TFG is here to proceed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland Jen. Max’uud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ayaa ka hadlay fekerkiisa ku wajahan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee uu ku baaqay madaxweyne Yuusuf, isagoo sheegay in isaguu qabo in shirkaasi loo baahan yahay iney ka qeyb galaan dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeda dowladda federaalka, isagoo dhaliilay qaabka ay hadda dowladda federaalku u qorsheynayso shirkaasi oo ah in la isugu yeero odayaasha qabaa’ilka iyo ururada bulshada.

 

“Anigu waxaan aaminsanahay ineysan jirin qabaa’il dirirsan oo iska soo horjeeda maanta, waayo? Ninka soo baxa Puntland wuxuu tegi karaa min Muqdisho ilaa Kismaayo, ninka labadaasi meelood ka soo baxana wuxuu si xor ah u dhexmari karaa magaalooyinka Puntland isagoo aan waxba ka baqeynin, marka beelo dirirsan ma jiraane siyaasad ahaan baa loo dirirsan yahay, dib u heshiisiintana sidaa in lagu saleeyo ayaa wanaagsan” ayuu Jen. Cadde Muuse oo dhinaca kale ka gaabsaday inuu ka hadlo cida ay la tahay iney ka dambeeyaan weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale Cadde Muuse ayaa ka waramay wada hadal hordhac ah oo Gaalkacyo ku dhexmaray isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed isagoo sheegay iney isla soo qaadeen arrimaha ku saabsan dib u heshiisiinta ay dowladdu waddo iyo qaabkii ay wada shaqeyn lahaayeen maamulka Puntland iyo dowladad federaalka Soomaaliya gaar ahaan sidii loo dejin lahaa nidaamka canshuuraha iyo sida ay labada uga wada shaqeynayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this