Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo qorshaynaya tallaabo ka dhan ah wasiiro ka tirsan xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Baarlamanka Puntland uu qorshaynayo tallaabo ka dhan ah wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland u saaray arrinta xukuumadda ayaa soo gudbin doona warbixin ay ku jiraan eedaymo ka dhan ah wasiirada qaarkood, si uu goluhu tallaabo uga qaado.

Puntland  Post ayaa heshay magacyada ilaa saddex wasiir oo ku jira warbixinta guddiga, islamarkaana loo jeedin doono eedaymo kala duwan, si Baarlamanku go’aan uga qaato.

Wasiirka arrimaah gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wasiirka duulista hawada Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ku jira mas’uuliyiinta lagu so daray warbixinta.

Warbixintan ayaa lagu wadaa in laga hor akhriyo fadhiga Baarlamanka ee Isniinta soo socota oo ku beegan 26 September 2022.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo qorshaynaya tallaabo ka dhan ah wasiiro ka tirsan xukuumadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this