Sign in to follow this  
Coloow

Af-qalaad(gaalaad) cilmi ma noqon karaa?

Recommended Posts

Salaan...

 

Hadii kaliya ay Soomaalida dhamaantood ogaan lahayeen muhiimka uu af-Soomaaliga lee yahay saan ma dhacdeen. Dad badan ayaa is moodo in ay tahay ilbaxnimo lakiin jaahilnimo ku jiraan markee ku faantamaan af-qalaad.

 

Tusaale aan ku siiyo:

 

Kasoo qaad cunug yar Soomaali eh ayaa ku dhashay dalka Denmark, cunugaasna ku koray inuu ku hadlo kaliya ama uu kaso afka Danishka. Isla cunugaas ilmo ay ilmo habreed yihiin ayaa dagan dalka Mareykanka, ilmahaasna ay qaraabada yihiin waxee kaliya ku hadlaan ama fahmaan Ingiriis. Isla labadaan ciyaal abtigood ciyaal uu dhalay ayaa dagan Sacuudiga oo ku hadlo kaliya af Carabi, oona fahmin af kale. Sadexdaan ciyaal ayeeyo iyo awoowyaashooda waxee dagan yihiin Soomaaliya oo ku hadlaan kaliya af Soomaali.

 

Dalkii ayaa nabad ka dhacday oo la isku wada yimid. Ciyaalkiina wada koreen. Kii Denmark ku dhashay ayaa ka yimid dalkaas, asagoo wata afkiis Danishka kaliya ahaa. Kii Mareykankana dhaqankiis iyo Ingiriiskiis la yimid. Kuwii Sacuudigana afkii Carabtooda.

 

Su'aal: see la isku af fahmi doonaa????

 

Ma turjumaan ayee u baahnaan doonaan mise waala is fiirfiirin doonaa? Ma ayeeyo iyo awoowyaashooda habaarkooda ayee u adkeysan doonaan maxaa yeelay afkii suubanka Soomaaliga ahaa ayee fahmin?

 

Dad badan ayaa ku faantamo af qalaad, yacni ku hadlo madaama ku hadal faan yahay adigoo garaneysid afkaaga, qaas ahaana ciyaalka ku koray wadamada Ingiriiska loogu hadlo, lakiin balan aan ka qaaday maalin ayee ka shaleen doonaan af Soomaalinimadii ay inkiri jireen inee wax u tari doonto. Maalintaasna Ilaahey aan ka baryaa inuu i tuso, insha allaah. :cool:

 

Hadaba afkaaga hooyo sumcada leh baro intee ceeb iyo wax jini kugu dhici lahayeen.

 

Intii diiday inee baratana, Ilaahaa u maqan, Ilaahna haka jaahilbixiyo: Aamiin.

________________

 

Macsalaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Su'aal: see la isku af fahmi doonaa????

 

Ma turjumaan ayee u baahnaan doonaan mise waala is fiirfiirin doonaa?

Ama farahaa la isku taag taagi doonaa sida dad wada dhaga la'. :D

 

Entrepreneur,

 

Articleku wuu igu dheeraaday, markaa hadhowto ayaan si fiican u akhriyi doonaa Insha'Allah. Iga war sug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Af qalaad cilmi ma aha ee wuu ka mid yahay; macnaha qof horay cilmi u lahaa ama hadda baranayaa waxbuu u kordhiyaa ee kaligiis cilmi ma aha. Saasaan u mudaa ee idnka xay idinla tahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Originally posted by muraad:

Af qalaad cilmi ma aha ee wuu ka mid yahay; macnaha qof horay cilmi u lahaa ama hadda baranayaa waxbuu u kordhiyaa ee kaligiis cilmi ma aha. Saasaan u mudaa ee idnka xay idinla tahay?

Kaaba, luuqad shisheeye barashadeeda ma laga hadlooyo. Luuqad walba aa baratid waa iska muhiim, waxna wey kuu siyaadin doonta. Lakiin su'aasha waxee ahayd, dad badan oo af-Soomaaliga kuu yaqaano ayaa ku qoraan af Ingiriis, iskuna deyaan inee Ingiriis ku hadlaan meelo badan oo Soomaalida iskugu imaadaan.

 

Tusaale ahaana bogaga internetka aaba kugu filan. Boqolkiiba sideedan meelaha ay Soomaalida wax ku qoraan waxee u badan tahay Ingiriis iyo afaf kale oo ajanabi eh. Kuwii luuqada Soomaaliga kaseynin meeshii ay ka shaleen lahayeena wayba ku faraxsan yihiin oo afka kasoo giliniyaan afkooda ajnabi. Ma u maleyneysaa isla qofkaas in uu ku dhahaayo ma aqaano Ingiriis? U fiirso, waligaa ma aragtay qof Soomaali cadadka internetka wax lagu qoro ku dhahaayo "Af Ingiriis ma aqaano ee ku dhig Soomaali?" Ma arkeysid oo waa shiixaayaan oo ka baqayaan in badoownimo tahay, lakiin kuwa kalena ku faantamayaan garasho la'aanta Soomaaliga.

_______________

 

Macsalaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Assalamu calaykum, Muraad, Miskiin-macruuf-qadiim, Barwaaqo iyo inta kale.

 

Runtii maqaalkaan wuxuu igu noqday "wake-up call" sababtoo ah marar badan ayaan isweeydiyey arrinta ah luqad barasho ma wax cilmi lahaa. Waxaa jirta in sababo badan awgeed af somaligii uu nagu yeeraday. qaarkeena waxaa na sameeyey wadamada aan ku soo kornay amaba aan ku dhalanay- tusaale anigu AF MAXAA TIRIGA anigoo qof weyn ayaan bartay- lahjidaha somaliyeed oo kala duwana (sida maay-maayga, borana etc) waan ku hadlaa.

 

Afafka gaalada iyagana xoogaa ayaan aqaanaa- inkastoo aanan si fiican u xafidin (dhibaatada qaxootinimada waxaa ugu weyn afaf badan oo aad ku hadli taqaanid- adigoo aan midnaba si fiican u xafidin). waxaanse la yabaa markii aan safar ku tagay dhowr wadan oo aay somaliddu degtay beryahaan dambe in af somaliga aad moodid in laga faatamo- waxaad arkeeysaa qof somali ah oo qaan gaar ah, joogeyna wadamada reer galbeedka amaba carabta oo iska doondoonayo inuu af gaaleed ku hadlo (Markaad tagtid ingiriska waxaad arkeeysaa qof somaliyeed oo dhehayo (walaahi waa BOORIN), Amerika (BIG TAAYM), Kanada (AAY AM KANEEDHIAN) etc.

 

Dhulalka gaalada aan joogo waxaa jira dad badan oo aqoon sare gaarey, kuna qoro maqaal af qalaad si loo daabaco (hase yeeshe markii aay wadankooda joogaan doododa waxaay ku qoraan luqadooda hooyo).

 

Anaga se keena xoogaa farta gaalada (kaftan) la geliyey waxaa uu isku deyaa inuu ku faantamo.

 

waxay aniga ila tahay in af qalaad ama mid hooyo uusan ahayn cilmi- ee uu yahay aalad war isgaarsin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

LOL!

 

Yaa soo faagay?

 

Af qalaad aqoonta miyaa?

Ma ahe af qalaad aqoon miyaa?

 

Magool and Hassan diiriye!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this