Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma ogtahay in sanadka 2030 laba jeer la soomi doono?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ma ogtahay in sanadka 2030 laba jeer la soomi doono?

Ramadhaan

Muslimiinta ayaa sanadka 2030 laba jeer soomi doona, sida uu sheegay khabiir cilmul falaga bartay oo Sacuudiga u dhashay, laguna magacaabo Khaalid al-Zaqaq.

Ramadhaan kasta waxa uu soo durqaa 10 ilaa 11 maalmood, maadaama bilaha sanadka Hijriga ay ka maalmo yar yihiin kuwa sanadka Miilaadiga, taasoo ka dhigan in sanad kasta uu Ramadhaanka u soo dhawaado bisha January.

Kala duwanaanshaha maalmaha labada tirsi ayaa ka dhigan in dhowr iyo sodonkii sano ba sanad Miilaadi ah laba goor la soomo. Markii ugu dambeysay ee taasi oo kale ay dhacday ayaa ahayd sanadkii 1997.

Marka aad eegto kalendarka Sacuudi Carabiya ee sanadka 2030 oo aad ka heli karto timeanddate.com, waxaad arkaysaa in Ramadhaanka koobaad uu billaaban doono 6-da January, halka Ciidda ay ku beegan tahay 5-ta February. Ramadhaanka labaad ayaa ku beegan 26-ka December ee isla sanadkaas.

Ramadhaan

Taasi ayaa ka dhigan in sanadka 2030 ay Muslimiinta ka soomi doonaan qiyaastii 36 maalmood, Ramadhaan 1451H oo dhamaystiran iyo Ramadhaan 1452H oo ay lix maalmood ka qaadan doonaan.

Sanadka Hijriga ah ayaa ka kooban 354 ama 355 maalmood, halkan kan Miilaadiga uu ka kooban yahay 365 maalmood.

Muslimiinta isticmaala Twitter ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay labada soon ee 2030.

But did u guys know in the year 2030 we will experience Ramadan 2 times, once in January and once in December. may Allah allow us to live long enough to experience it inshallah 🥺

— Gul (@zaahragul) April 15, 2021

The Saudi Arabian calendar for 2030 on the website https://t.co/Hji9sJ29AD explains that #Ramadan  is likely to be observed on January 6, 2030, followed by Eid Al-Fitr on February 5, and then a second Ramadan starting on December 26. pic.twitter.com/1nDhARrrwl

— amir (@amir_manzoor_) April 7, 2022

By 2030, it will fall in January. But because the Islamic year is shorter than the western year, it will also come round again at the end of that year.

— MUHAMMAD ONYANGO (@Moha001_Onyango) April 9, 2021

Ramadhaanka hadda lagu jiro, dalalka ay Muslimiintooda saacadaha ugu badan soomaan ayaa kala ah Iceland, England, France, Portugal, iyo Poland. Waxay soomaan in ka badan 16 saacadood.

Dalalka saacadaha ugu yar sooma ayaa kala ah New Zealand, Koonfur Afrika, Paraguay iyo Uruguay oo soonkoodu yahay 11 ilaa 12 saacadood.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this