Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo xabsiga dhigay Ciidamo ku dagaallamay magaalada Marka

Recommended Posts

Deeq A.   
Afhayeen.jpg?resize=630%2C363&ssl=1

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay askar ka wada tirsan ciidamada dowladda oo shalay israsaaseyn dad ay ku dhinteen ku dhexmartay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dhammaan askartaas ku eedaysan shaqaaqadii ka dhacday Marka.

Af-hayeenka ayaa tilmaamay askartii la soo xiray ay hadda ku jiraan xarunta hay’adda danbi-baarista ee C.I.D-da laguna wareejin doono maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka.

Ciidamada ayuu sidoo kale uga digay in ay qayb ka noqdaan shaqaaqooyinka la xiriira muranka iyo aanooyinka Qabiilka.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Soomaaliya oo xabsiga dhigay Ciidamo ku dagaallamay magaalada Marka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this