Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Al Qaacida oo soo duubay Muuqaal uu Gabadh ku amaanayo xilli la la’aa 

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Al Qaacida oo soo duubay Muuqaal uu Gabadh ku amaanayo xilli la la’aa

Hoggaamiyaha ururka Al Qaacida Dr Ayman al-Zawahiri oo muddooyinkii dambe la waayay war iyo wacaalkiisa ayaa muuqaal cusub uu soo duubay lana baahiyay ku amaanay gabadh muslimad ah oo u dhalatay dalka Hindiya.

Ayman Al-Zawahiri ayaa sannadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay war sheegayay in uu u geeriyooday xanuun muddo fog hayay, waxaana xilligaasai kaddib yaraaday muuqaalka iyo codadkii uu soo duubi jiray hoggaamiyaha Al Qaacida.

Muuqaalkan cusub uu soo duubay hoggaamiyaha Al Qaacida ayaa waxa uu ku amaanayaa gabar ardayad ah oo u dhalatay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Muskan Khan, waxaana muuqaalkan cinwaan looga dhigay “Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya”.

ayman.jpg

Gabadhan uu amaanay Dr Ayman oo kunool gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa  muuqaal laga duubay iyada oo koox rag ah ku mudaharaadayaan kana soo horjeedaan xijaabka ay xirneed, gabadhan ayaana iyada oon cabsan ku dhawaaqeysay Allahu Akbar.

Muuqaalkan gabadhan laga duubay ayaana si weyn ugu faafay caalamka gaar ahaan dunnida muslimka, waxaana gabdhan lagu colaadinayay xijaabka ay xirneed heer xitaa loo diiday goobtii ay wax ka baraneysay in ay xijaab la gasho.

Hoggaamiyaha Al Qaacida ayaana ku amaanay gabadha reer Hindiya sida ay ugu dhagan tahay diinta Islaamka , waxa uuna u muujiyay xushmad weyn isaga oo ku amaanay geesiyad diinteeda ku weyn tahay.

Muuqaalkan uu soo duubay hoggaamiyaha Al Qaacida ayaa meesha ka saaraya shakiga la galinayay geeridiisa, waxaana dhacdada uu Ayman Al-Zawaahiri ka hadlayo dhacday  8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this