Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo Ma Aha Madaxweyne Soomaaliyeed Waa Qabyaaladiste…” Indha-Cade

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa ka hadlay dib u dhaca hadheeyay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo abaabul ciidan oo uu sheegay inuu ka socdo magaaladda Muqdisho.

Indha Cade oo kamid ah saraakiisha ciidanka Badbaado Qaran ayaa sheegay in dhammeystirka doorashada ay u xayiran tahay oo kaliya kuraasta taalla magaalada Garbahaareey, isagoo madaxweyne Farmaajo ku tilmaamat shaqsi qabyaaladdu ay ku weyn tahay, sida uu hadalka u yidhi.

“Farmaajo haddii uu madaxweyne Qaran yahay 16-ka kursi ee Gedo kuma dhageen, ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste. Kama baqeyno oo runta ka xishoon meyno, saddex sanno ayaa la taliye u ahaa waxa uu yahay oo uu ka shaqeeyo ayaa ognahay.” ayuu yidhi

Waxa uu dhinaca kale ka digay qorshe uu sheegay inuu damacsan yahay Farmaajo marka la gaadho 12-ka bishan April oo ku beegan xuska maalinta ciidanka xoogga dalka, wuxuuna tilmaamay inaan jirin xiligan cid u dagaalameysa Farmaajo, si gaar ah saraakiisha iyo askarta u dhalatay deegaankan oo uu Muqdisho ula jeeday.

“Dadkaan lagu dhaaranayo oo qoryaha sita oo ciidanka iyo saraakiisha ah ee la siiyay garaadada ee la rabo inay dadkooda ku laayan waa dad damiir leh, Farmaajow garaadaha ha iska bixin wiilashaan dadkooda layn maayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this