Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay gaari siday qaraxyo kuna socday..

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashaanaya kuwa Galmudug ayaa howlgallo ay ku sameeyeen gobolka Galgaduud waxa ay ku soo qabteen gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo raggii la socday.

Gaariga la qabtay oo uu noociisu yahay  Probox ayaa sidoo kale siday jaakadaha qaraxyada iyo miinooyin, wuxuuna ku sii jeeday dhanka magaalada Guriceel, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada ee hoggaaminayey howlgalkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in la qabtay in laba nin oo la socotay gaarigaasi, kuwaas oo loo gudbiyey saldhigga Booliska ee Guriceel.

Waxay saraakiishu intaasi ku dareen in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen, sida ay hadalka u dhigeen.

“Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, ee naftood halligeyaasha ay adeegsadaan, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan nimankan cadowga ah baa waxay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo raggii watayba.” ayuu lagu yiri warkan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ee ku sugan deegaanada Galmudug ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Danab oo howlgal ka sameeyey koonfurta gobolka Mudug ay gacanta kusoo dhigeen gaari kan la mid ah oo qaraxyo siday.

The post Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay gaari siday qaraxyo kuna socday.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this