Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-lceliyey digniinta kasoo baxday NISA?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal heyn xoogan iyo shaki ayaa ka dhashay digniin culus oo ka soo baxday hay’adda NISA, kadib markii ay shaacisay inay Al-Shabaab wado shirqool dilayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga falceliyey siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tilmaamay in qorshahan uu ka socdo Villa Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka mid ah dadka ka falceliyey qoraalka NISA ayaa sheegay inuu arrintaan u ujeedo gaar ah ka leeyahay Farmaajo, isla-markaana uu dajinayo qorshe uu rabo inuu kusii joogo Villa Soomaaliya.

“SHantii sano oo lasoo dhaafay iyo wixii gaboodfal dhacay, (wixii sharci iyo nidaam Dawladeed la dumiyey, wixii dad cadow loo dhiibay, la dilay iyo wixii jaah-areer la abuursy) Hal ujeeddo uun ayaa FARMAAJO ka lahaa oo ah in maanta oo kale iyo dhamaadka muddo-xileedkiisa ” uu beerto geed gaar ah oo isugu leeyahay, ama uu dejiyo shax gaar ah oo kelidiis u suurtogelinaysa inuu xafiiska gar iyo gardarroba ku joogo” ayuu yiri wasiir hore Juxa.

Mahad Salaad ayaa isna shaaciyey inuu horey uga digay damaca Villa Soomaaliya, wuxuuna boor isku qaris ku tilmaamay hadalka NISA.

“Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday!” ayuu yiri.

Dhankiisa siyaasiga Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadalka NISA uu caddeyn u yahay weeraro la rabo in la fuliyo maalmaha soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qoraal caddayntiisa wata in ay jiraan weeraro saacadaha & maalmaha soo socda la rabo in la fuliyo, Argagixisadana dhabarka loo saaro! Waana mid  looga gol leeyahay qalqalgelinta doorashada iyo cabsi- gelinta xildhibaanada cusub iyo musharixiinta madaxweynaha.!” ayuu falcelintiisa ku yiri.

Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ugu baaqay inuu xoojiyo amnigiisa, uuna dalbado ciidamo dheeraad ah.

“Ma jiro ciidamo amni oo la isku hallayn karo, sidaas awgeed RW Rooble iyo mas’uuliyiinta kale ee weeraradaan lagu beegsan karo waa in ay adkeeyaan amnigooda, soona badsadaan ciidamada ay heystaan! Nin walowba naftaada, nin walowba amnigaada!” ayuu raaciyey.

Si kastaba arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashooyinka dalka.

The post Sidee looga fal-lceliyey digniinta kasoo baxday NISA? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this