Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Hop#039

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladaas oo xarun u ah Hiiraan.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#039 ayaa waxaa ku tartamaya musharixiin ay ka mid tahay Maryan Axmed Haaruun, oo ku fadhisay kursigaasi taas oo wajaheyso loolan adag.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa la filayaa in gelinka hore ee maanta ay diiwaan-geliyaan xubnaha musharixiinta ah, si doorashada loo qabto gelinta dambe ee isla maanta.

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ayaa dhankooda soo gudbiyey ergada ka qayb-geleysa doorashada kursigaas oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa waxaa ku harsan illaa 7 kursi oo lix ka mid ah ay taallo Jowhar, halka kursiga kale ee HOP#135 uu yaallo Beledweyne, kaas oo ay ku fadhisay AUN Aamina Maxamed Cabdi oo dhowaan lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay halkaasi.

Inkastoo ay gabagabo mareyso doorashada HirShabelle, haddana maamulkan ayaa ka mid ah maamul goboleedyada ka daahay doorashada, si loogu dhammeystiro waqtigeeda.

Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad kala guur ah, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay dalka, waxaana arrinta uga sii daray is jiid-jiidka ka dhashay hannaanka doorashooyinka.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Hop#039 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this