Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti Ka Socda Jabuuti Oo Booqday Suuqa Gubtay Ee Waaheen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefti isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, kuwaas oo booqday halkii uu ahaan jiray suuqa Waaheen ee Jimcihii dabku baabiiyey.

WaftiJabuuti.jpg

Weftigan ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa waxa hoggaaminaya wasiirka Arimaha gudaha ee Jabuuti iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga, waxaana markii ay soo gaadheen garoonka diyaaradaha ee caasimada Somaliland ee Hargeysa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan xukuumada oo uu horkacayey Wasiirka Aricaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo xubno kale oo ka socday xukuumada Somalilan

 

Socdaalka xubnahan wasiirada ah ee dalka Jabuuti ayaa daaran sidii ay shacabka Somaliland ula qaybsan lahaayeen tiiraanyada ka dhalatay dabkii qabsaday ee baabiiyey Suuqa Waaheen ee Hargeysa, kaas oo ay ka dhalatay khasaare maaliyadeed oo baaxad leh oo lagu qiyaasay 2 bilyan oo dolla

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti oo warbaahinta la hadlay kadib booqashadaasi ay ku soo indha indhaynayeen Suuqa gubtay ee Hargeysa ayaa sheegay in Jabuuti ahaan ay aad u taabatay dhibaatada dabkan ka soo gaadhay shacabkab Somaliland isla markaana ay la qaybsanayaan murugada iyo tiiraanyada shacabka aanu walaalaha nahay ee Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this