Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo ku baaqay in la qabto doorasho degdeg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay kadib markii codka kalsooni kala noqoshada ee looga horjeeday Ra’iisul wasaaraha uu si lama filaan ah u joojiyay ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka.

Xisbiga Khan PTI ayaa u lumiyay aqlabiyaddii uu ku lahaa Baarlamaanka Qaranka usbuucii hore markii 7 xildhibaan oo ka tirsan isbaheysiga ay go’aansadeen inay ku biiraan mucaaradka.

Khan, ayaa ku andacoonaya inuu jiro “shirqool caalami ah” oo uu Mareykanku hoggaaminaayo si xilka looga qaado,wuxuu khudbad u jeediyay shacabka, isagoo codsanaya  in la isu diyaariyo doorasho.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay in tallaabadani  ay siisay fursad dhab ah oo ay ku ceyrin karaan Khan, oo xilka hayay tan iyo 2018-kii, laakiin ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Qaasim Khan Suri ayaa arrinkaa ku sababeeyay faragelin shisheeye.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo ku baaqay in la qabto doorasho degdeg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this