Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Hanti lagu qiyaasay in ku dhow 2 bilyan oo Dollar ayaa ku gubatay suuqa Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Guddiga uu Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay qiimeynta hantida ku burburtay dabkii saacadaha badan socday ee ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay khasaarah hordhac ah ee ka dhashay dabkaas.

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in xog aruurin iyo qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in khasaaraha hordhaca ah ay gaareyso  1.5 ilaa 2 Bilyan oo Dollar oo Suuqa taallay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in khasaaraha intaasi ka badan karo, hayeeshee ay weli wadaan qiimeyn kale si loo ogaado khasaaraha rasmiga ah maadaama Suuqa Waaheen ay taallay Hanti badan oo ay leeyihiin Shacabka Somaliland.

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in 5-ta Bishaan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah Suuqa Magalada Hargeysa ee gubtay laga sameyn doono howlo nadaafadeed inta ka horreeysana dadka weli Hantida ka taallo ay kala baxan.

PUNTLAND POST

The post Somaliland: Hanti lagu qiyaasay in ku dhow 2 bilyan oo Dollar ayaa ku gubatay suuqa Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this