Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland, Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Cusub Ee UK

Recommended Posts

Deeq A.   
LIZZAWallkerGudoomiye.jpg

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Arbacada maanta xafiiskiisa ku qaabilay, Wakiilka cusub ee dalka Ingiriisku u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland Amb Lizzie Walker.
Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee ay yeeshaan guddoomiyaha iyo danjiruhu ayaa ahaa mid is-barasho, waxaanu salka ku hayay is-xog-waraysi guud oo ku saabsan iskaashiga soo jireenka ah ee ay waddaagaan dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska, waxanna diirada lagu saaray wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Guddoomiyaha ayaa soo dhawaynta kadib danjiraha uga waramay, geedi socodka toolmoon ee ay hay’adda Garsoorku ku talaabsaday, dib-u-habaynta lagu sameeyay iyo sida ay laf-dhabar ugu tahay hannaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Geesteeda Marwo Lizzie Walker ayaa ku bogaadisay garsoorka dedaalada ay ugu jiraan balaadhinta iyo tayaynta adeega garsoorka dalka, waxaanay hoosta ka xariiqday in dawladda Ingiriisku ay sii amba-qaadayso xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda Garsoorka dalka.
Wa bilaahi tawfiiq

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this