Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Sagaalka Dal Ee Lagu Tegi Karo Viiso La’aan Baasaboorka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baasaboorka Soomaaliya ayaa sannadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka.

Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.

Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka ah wata baasaboorka Soomaaliya ku geli karo Visa la’aan.

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Dalalkan ayaa kala ah:

Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Haiti – oo ah waddan ku yaalla Latin Ameerika.

Dominica – oo ah dal kale oo ku yaalla isla gobolka Caribbean. Balse ma aha waddanka la yidhaa Dominican Republic, inkastoo ay isku gobol yihiin.

Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xidhiidh siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific.

Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Saint Vincent and the Grenadines – oo ah waddan jasiirado ka kooban oo ku yaalla koonfurta gobolka Caribbean

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this