Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar C/rashiid oo weerar culus ku qaaday madaxda maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee dib loo bilaabay, kadib heshiiskii Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, wuxuuna sheegay in weli kuraasta baarlamaanka lagu hayo boob, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaciyey in boobka socda uu ka awood badan yahay habraacyada doorashada ee lasoo saaray, taasina ay keentay in la xakameyn waayo.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madax goboleedyada oo uu tilmaamay in awooda oo dhan loo gacan geliyey, isla-markaana ay iyagu maamulanayaan ergooyinka, halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen, ayna soo saarayaan xildhibaano daacad u ah.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto in xoog lagula soo baxo xildhibaanka la rabo, taasina ay tahay mid xilligan aan habooneyn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dardar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee 2022.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranada heereeyey doorashada oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

The post Cumar C/rashiid oo weerar culus ku qaaday madaxda maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this