Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan oo ku ballamay in si hoose loo xalliyo Arrinta PSF

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadka dambe Boosaaso u safro, si loo xalliyo Arrinta PSF.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa doonaya in uu Boosaaso kula kulmo qaar kamid ah Isimada dhaqanka Gobolka Bari, oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Madaxweynaha iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Khadka Taleefonka ku wada-hadlay ayaa ku ballamay in Boosaaso lagu kulmo, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen dhinacyo kala duwan.

Madaxweynaha iyo Boqorku waa wada-hadleen waxaana lagu ballamay in Boosaaso lagu kulmo islamarkaana si hoose loo xalliyo Arrintaas” ayuu yiri qof ka war-haya labada dhinac.

Isimada uu hoggaaminayo Boqor Burhaan ayaa horay u soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay Hay’adda PSF.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan oo ku ballamay in si hoose loo xalliyo Arrinta PSF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this