Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano, Siyaasiyiin Iyo Ururro Taageeray Dooda Aqoonsiga Somaliland Ee Baarlamaanka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Xildhibaannada kala ah Stephen Doughty, Tom Tugendhat iyo Zac Goldsmith oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, James Carver oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub iyo ururka waddamada aan la aqoonsan ee loo soo gaabiyo UNPO, ayaa soo dhaweeyay dooda uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland.

Tom Tugendhat oo ah madaxa Guddida Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in uu taageerayo soojeedinta xildhibaan Gavin Williamson uu ku doonayo in Somaliland la aqoonsado.

“Tani waa dood muhiim ah. Waan taageeri doonaa dooda soojeedinta Gavin Williamson ee ku aadan in loo hadlo bulsho iyo waddan sannado badan xornimada u taagnaa” ayuu yidhi Tugendhat.

Xildhinaan Zac Goldsmith iyo Stephen Doughty ayaa iyaguna aad usoo dhaweeyay, waxay ku tilmaameen qadiyad muhiim, waxayna sheegeen in ay ka qayb galayaan oo ay sugayaan.

Ururka ay ku midoobeen waddamada aan la aqoonsan ee losoo gaabiyo UNPO, ayaa qoraal ay ku baahiyeen bogooda Twitterka ku bogaadiyay dooda uu Baarlamaanku Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland, iyagoo xusay sababaha ay Somaliland aqoonsi ugu qalanto.

Dhanaca kale Games Carver oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub, ayaa u sacabo tumay doodan ku saabsan aqoonsiga Somaliland “Maanta Gavin Williamson ayaa hogaamin doona dood ku saabsan qadiyada balaadhan ee aqoonsiga Somaliland, waddankan amaanka ah ee dagani, wuxuu u qalmaa in fursad la siiyo”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this