Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Aan Si Weyn U Bogaadinaya Doodda Ka Dhacaysa Caawa Baarlamaanka Ingiriiska Ee Ku Saabsan Geedi-Socodka Ictiraafka Iyo Aqoonsiga Somaliland…” Murrashax Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si weyn u soo dhaweeyay dooda uu baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo Aqoonsiga Somaliland.

Murrashax Cirro ayaa qoraal uu baahiyay ku yidhi sida tan:

“Waxa aan si weyn u bogaadinaya doodda ka dhacaysa caawa Baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan Geedi-socodka Ictiraafka iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale waxa aan ku hambalyeynayaa Xildhibaan Gavin Williamson iyo Mudanayaasha kale ee ku taageeray garwaaqsigooda ku wejahan Qaddiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay dooddaas hor dhigaan xubnaha kale ee Baarlamaanka Ingiriiska.

Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero oo la muujiyo ka go’naanta dedaalka lagu baadi-goobayo Ictiraafka dalkeenna.

Jamhuuriyadda Somaliland, waxyaabaha caalamka ku soo jeediyey waxaa ka mid ah: Nabadda, Dowlad-wanaagga iyo Dimuqraadiyadda oo Doorashooyinku tilmaan u yihiin. Waxa aan Xukummadda u soo jeedinayaa in Doorashada Madaxtooyada oo ah hadda midda taagan wax-kastaana u diyaarsan yihiin in lagu qabto xilligeeda ay dalka waxtar weyn u tahay iyo in ay soo dedijin karto aqoonsiga qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this