Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland:Dhul Qofkii lahaa aanu ogeyn oo dad kale isku dacweeyaan loona xukumo+Sababta 

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland:Dhul Qofkii lahaa aanu ogeyn oo dad kale isku dacweeyaan loona xukumo+Sababta

 mandela.jpg
Waxaa Qorey Garyaqaan Jamaal Mandeela
Dulmiga dalka yaala waxa ka mid ah dhul aaad leedahay ayaa laba nin ama laba dhinac oo tuug ah oo iyagu is og ay iska dhigayaan in ay iyagu isku haystaan oo ay isku dacwaynayaan. Ujeedkooduna waa in ay helaan xukuno ay meesha ku xalaalaystaan.Adna maba ogid.
Wax ay wadaan ba marka mid loo xukumo ayuu kii xukunku u soo baxay uu xukunkii soo qadanayaa. Waxaanu dalbanayaa fulin.
Kadib adiga oo aan war horeba qabin ayuun baa subax lagugu waa bariisanayaa oo go’aano fulin ah dhulkaagi loola soo baxayaa.
Waa arin caado noqotay oo tuug waa wayn oo dalka joogtaa ku shaqaystaan. Dad badan oo danyar ahna hantidoodi lagaga qaaday.
Bahda garsoorku arimaha noocaas ah aad ha ugu fiirsadaan oo yaanay odhan uun anagu xukun ayaanu fulinaynaa ee marka ay meel fulinayaan hadii meeshii ay fulinayeen ay cid kale oo aan labada dhinac ee xukunku ku soo baxay ahayn ay ugu tagaan ciddaa kale ha dhagaystaan oo ha u ogolaadaan in ay dacwada soo dhexgalaan oo ay garnaqsadaan.
Iga dhan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this