Sign in to follow this  
Siman

Hablaha Geeska Africa

Recommended Posts

Siman   

Ma geyoon ma gamashiyin

ma gommodin ma gaaggixin

ma gabloolin maan gudhin

mana gabin halkaygii

Gabaygiina maan deyn

Imminkaan gardaadshoo

Weli maan gunaanadin

.........

 

Hablihii wax geli jiray

Hablihii Wax goyn jiray

Hablihii wax gudi jiray

Goldaloolo iyo ceeb

Hablihii ka guban jiray

Hablahaan gankoodiyo

Hilbahooda gadan jirin

Hadii aad gumaysaan

Guulguul ku laysaan

Gelin qudha ku mooddaan

 

Gabbalkooda dumisaan

Hadba tooda goosha ah

Ganacdeeda jebisaan

Dadku gabanno-xoor iyo

Garacyaley yidhaahdaan

Innagoo gumoowniyo

Dhaqan guurnay weeyaan!

 

Gocashada xanuunka leh

Waxaan uga gol leeyahay

Godob aabbe falay baa

Ubadkiisa gocondhiyo

 

Gumar shidan ku noqotoo

Gebi dheer ku dumisee

Ninka inan ma geyda ah

Gurrac kaga danaystee

Gol-qaniin ku maalow

Gefka aad falaysiyo

Gashigaad cunaysaa

Ruuxay ka go'an tahay

Gabadhaada weeyoo

Xumahaad geleysiyo

Waxaad geysanaysaad

Galab kale ka sheekayn!

 

Gebagebada sheekada

Bal aan soo gunaanado

Guddoonsiiyo jiiftada

Gebigeed adduunyadan

Gobol gobol u qaadoo

Hablo weerar geli kara

Hablo geela dhicin kara

Hablo geesi dili kara

Gobanimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashada isaga mida

Quruxdana ka wada goba

Geeskeenna mooyee

Geyi kale ma joogaan!!

 

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi from

Hal-Aqoon Journal of Somali Literature and Culture

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Siman,

 

You know, I absolutley and totaly LOVE that song. It so beautiful when our men praise us like that isn't it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Siman

Hadraawi is my hero not only for his beautiful poems but also he is conducting peace march in every Somalian cities. Here is one of many i wrote for my mali queens I hope you people like it.

 

Qaban qaabadaan wadayee

gabadhaan lahaa racaaye

sow tan daris kayga noqotee

qaybaha aduunyada

aan qaar badan kasoo maray

adaan kaa qiyaastoo

waa qiiro caashaqu

waad qiimo galisaa

todoba sano iyo bilahaa

aan is naqaanana

wali quruxow moyee

qalad kaama aan maqal

kimis malaba lagu qoray

qureesh tii samaysaaye

waan kuu qushucoo

quruuntaan ahayn iyo

aan qarankii u noqonoo

caanihii qaboobaa

aan wada qurqurinoo

qalanjadii haweenkee

qaalida ahaydeey

waynu aqal galaynaa

waynu aqal galaynaa

waynu aqal galaynaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

war nimankeen maxaa saas u diiday!!! Haddi mid walba saas laga helaayo maanagaaba dacwadeena la maqli lahaa!

 

 

Those were both really nice. thanks guys.

peace and luv

Share this post


Link to post
Share on other sites
Siman   

guleedyare,

Did you wrote that yourself?

Wow, Hadrawigii labad baad noqon rabtaa ma istiri!

 

Hablah Geeska Africa Song is much longer than I posted here, and it is more magnificent when U read the whole thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Wrayaa, guuleeed, ileeyn daba ma shdeysid.. that was hectic bro. Man Sha Allah, please post more of your poetry when you get the time.

 

 

I really love hadraawis poetry, espcially Sirta Nolosha and Jacayl Dhiig ma lagu qorey.. those poem are just full of philosophy :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this