Deeq A. Posted December 20, 2021 (SLT-Chile)-Gabriel Boric oo ka socday xisbiga bidixda ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Axadi shalay ka dhacday dalka Chile, isaga oo noqday madaxweynihi ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda dalkaasi dhaca Koofurta America. Kaddib marki la tiriyay 99% codadka ku jiray sanduuqyada, Boric oo 25 jir ah ayaa helay 55.86%, halka musharraxi ka socday midigta fog Jose Antonio Kast uu helay 44.14%. Jose ayaaba sii qirtay guuldarrada soo gaadhay, ka hor inta aanay soo bixin natiijada. Taageerayaasha libaraalka ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Santiago, iyaga oo lulaya calamo isuguna bogaadinaya guusha uu gaadhay siyaasigi ay taageereen. Source Share this post Link to post Share on other sites