Arafaat

Somali region of Ethiopia changing for the positive

Recommended Posts

Arafaat   

Madaxwayne Mustafe cagjar " Cid maanta Ciidamada Itoobiya, degaanka Soomaalida ku dhibaateeyeen lama hayo " 

WWW.HIIRAAN.COM

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ka qayb galay...

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ka qayb galay shirka madasha aragti-wadaagga ee uu soo diyaariyay Mac'hadka Heritage oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida, iyo wixii ka dambeeyay isbaddalkii si guud uga dhacay dalka Itoobiya.

Haddaba Madaxwayne Mustafe cagjar oo si gaar ah uga hadlay xaaladda dowlad degaanka Soomaalida, iyo wixii isbaddalka ka dambeeyay, ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin wax maamul ah oo dhanka fadaraalka ka yimaadda oo  dhibaato ugaysta dowlad degaanka Soomaalida, haddii wax la xirana uu go'aankeeda leeyahay xukuumaddiisu, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Haddii wax la xiray anagaa wax bi'inay aniga hala i waydiiyo, way jiraan  dad mucaarad ah oo la xiray, ceebteeda anagaa leh, laakiin nalooma sheegin, go'aankeeda anagaa iska leh".

Sidoo kale isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in saddexdii sano ee u dambaysay aan la helayn ciidamada Itoobiya oo shacabka dowlad degaanka Soomaalida dhibaato u gaystay, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Cid maanta ciidamada Itoobiya ama maamul Addis Ababa ka yimaadda degaanka Soomaalida ku dhibaateeyeen, cid ay ku xiraan,cid ay dhibaato ugaysteen lama hayo".

Balse taa baddalkeeda waxa uu sheegay in dadku heleen xoriyad dhammaystiran oo dhan walba ah,  waxa uuna yiri " Dadku xoriyad aan caadi ahayn, ayay haystaan, dhanka dhaqdhaqaaqa, xoriyadda hadalka, xoriyadda dhanka ganacsiga, ayaa ka jirta degaankayaga". 

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay dhinaca soo xulashada baarlamaanka degaanka, waxa uu sheegay in horey aysan u dhicin in degaanku isagu iskii u dhisto xubnaha baarlamaankiisa, balse wixii isbaddalka ka dambeeyay xubnaha baarlamaanka degaanku laga soo dhex xusho bulshada, iyadoo aan loo eegin waxa uu aaminsan yahay, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Baarlamaankii aan soo xulanay ee 273 xubnood anaga ayaa gacantayada ku qoronay, horey uma dhicin, in iyadoo aan la lahayn hebel diintaasuu ku adag yahay, iyadoon la lahayn waa urur hebel, in baarlamaan la doorto ma dhicin".

Ugu dambayn Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa xusay in Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed uusan waxba yeelin degaanka Soomaalida, balse taa baddalkeeda uu wax u taray, waxa kaloo uu sheegay in kooxda TPLF oo wakhtigii ay xukunka dalka Itoobiya haysay dhibaatooyin badan u gaystay shacabka dowlad degaanka Soomaalida, uu Abiyi maanta la dagaallamayo, waxaa uuna yiri " Kooxdii TPLF ee 27 sano Soomaali xasuuqaysay, ee Soomaaliyana dhibaatadeeda gunta u ahayd, ee meesha ka baxday ayuu maanta Abiyi Axmed hortaagan yahay, dagaalna kula jiraa".

Hadallada Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u muuqday mid dadkii madashan isugu yimid si waafi ah looga dhaadhicinayay xaaladda dhabta ah ee wakhti xaadirkan ka jirta guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
jawharyare@hiiraan.com 


 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

When the official name of gobolka is Deegaanka Soomaalida (Soomaali Region) ee maxaa magaca Xabashada u daba raacineysaa? 

Dee meeshu waa ETHIOPIA ma Xamarbaad mooday. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
14 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

When the official name of gobolka is Deegaanka Soomaalida (Soomaali Region) ee maxaa magaca Xabashada u daba raacineysaa? 

Luuqada laftigeeda la isku gumeeystaa, 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Secessionists always eager to give occupied Soomaali regions to Xabashida iyo Kiikuuyada. Like that would make them get their elusive, never-coming aqoonsi. Keep dreaming and keep attributing Soomaali lands to whoever you fancy in the era, be it Ingiriis, Faransiis iyo kuwaan kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
On 12/14/2021 at 6:41 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

When the official name of gobolka is Deegaanka Soomaalida (Soomaali Region) ee maxaa magaca Xabashada u daba raacineysaa? 

Somali region anigu waxa u aqaanaa deegaanka somalidu degto ee qarada Africa ka degaan. Dib u eeg qoraaladeyda markasta Somali region qoray waxa ka hadliyaa gobolka somaligu ka degto Africa.

deegaankani maha gobolka kaliya ee Somali degto, marka ama wa Ina ugu yeedhno Somali galbeed, ama Hawd & Reserve area ama Somali region of Ethiopia oo kuli deegaankaas tilmaamiya. Ama adigu Magac cusub la imo. 
 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
4 hours ago, Arafaat said:

ama Hawd & Reserve area

Mr. Carafaat, there is a big difference between Somali Galbeedc as whole and Hawd &Reserve. THe so called Ogaden region which was dominated by the OG which allied themselves twith emperor Haile Salasie was given to EThiopia in 1949. The Hawd & Reserve which is the most fertile and grazing land of the Somalia was given to the king in 1954.

On 12/14/2021 at 10:55 PM, maakhiri1 said:

Luuqada laftigeeda la isku gumeeystaa, 

 

Our fathers used to call the border " xuduud beenaad" . People in Hawd criscrossed with disregatd of thar border. That is why the Somali region remained Somali after 70 years of occupation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.