Sign in to follow this  
Deeq A.

 Awaarre:Dad ku sumoobay Neef Geella oo ay hilibkiisa cuneen

Recommended Posts

Deeq A.   

 Dad ku sumoobay Neef Geella oo ay hilibkiisa cuneen

 geel.jpgemail sharing button

Wararka ka imaanaya degmada Awaare oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in  dad gaadhaya 30 qof ku sumoobeen Neef geel ah oo ay hilibkiisa cuneen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in neefka geela ah ee dadkani hilibkiisa cuneen uu ahaa mid xanuusanaya, dad ka ag dhawaa dadka hilibkan cunay ayaa Warbaahinta u sheegay in neefka geelu uu aad u xanuusanaa, isla markaana uu ahaa neef shubmaya.

Haddaba dadkii ku sumoobay hilibkan ayaa waxaa wakhti xaadirkan lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee ka agdhaw goobta ay dadku degganaayeen, ee dhibku ka dhacay.

Inta badan dadka deggan baadiyaha iyo meelaha magaalada ka fog, ayaa waxaa dhacda in dadku iska qashaan neefkii oo sii dhimanaya, isla markaana uu xanuun ka muuqdo neefku, waxaana dhacda in dhibaato kasoo gaarto dadkaas, sida tan maanta dhacday oo kale.
24 qof oo dadkan kamid ah oo usii darnaa ayaa saacaddan loo soo qaaday magaalada Dhagaxbuur.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this