Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka DDS Oo Doortay Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta magaalada Jigjiga ku yeeshay kalfadhiga koobaad kulankiisi ugu horeyay kadib doorashadooda.

Xildhibaanada ayaa maanta kulankoodu ajandahiisa ahaa doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, doorashada gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha.

Ayaan Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada sanadkaan ku soo baxay doorashadi ka dhacday dalka Itoobiya ayaa loo doortay in ay noqoto guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad deegaanka Shanta sano ee soo socota.

Halka Ibraahim Xasan Cali, loo doortay in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Mustaga Cumar Maxamed Cagjar u doortay in markale uu noqdo Madaxweynaha dowlad deegaanka.

Cagjar ayaa DDS hoggaamin doono shanta sano ee soo socota, kadib markii xisbigiisa uu guullo ka soo hooyay doorashadii dhawaan ka dhacday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this