Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Shay Oo Sababa Depression-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Depression: waa xaalad caafimaad oo qofka la soo derista taas oo Khalkhal gelisa nolol maalmeedkiisa. Waa xaalad caafimaad oo bedesha fekerka, dhaqanka, iyo dareenka qofka. Waa xaalad uu qofku dareemo murugo iyo tiiraanyo is-daba jooga iyo rajo la’aan baahsan. Taas oo mararka qaar qofka ku keenta in noloshan uu noolyahay aanay uba qalmin.

Maxaa sababa Debression-ka?.

Depressionka ma sababaan xaalado cayimani. Waxaaa keeni kara asbaabo -doora oo ka dhasha xaalado kale geddisan. Depressionkuna maaha xaalad si kedis ah kuula soo dersaysa ee waa xaalad xillli dheer imaanaysa.

Hadaba waxaa jira afar shay oo si aaada u sababa depression-ka, waxaana kamid ah:

Dhibaatada Qoyska, iyada oo aanay jirin hiddasidayaal la aqoonsaday oo layska dhaxlo, keenina kara depressonka, hadana waxaa layska qirsanyahay in qoyskaaga qaar kamid ahi haddii ay qabaan depression ay suurogal tahay in aad qaado.
Xanuun iyo xaalado caafimaad: xanuunada jidhka, ama dhaawac soo gaadha xubno muhiim ah oo saamayn ku yeesha maskaxdu waxay keeni karaan dhibaato maskaxeed. Xanuunada soo jiitama ee uu qofku la noolaado waxay keenaan isbedel ku dhaca hab-nololeedka qofka kaas oo maskixiyan u saameeya aakhrikana keena isku buuq jooto ah. Xaaladaha ugu badan ee keeni kara isku buuqa maalin laha ah waxaa kamid heerka sonkorta oo hoos-u-dhaca, xaaladda caada haweenayda, iyo saamalaylka badan ee keena hurda la’aanta baahsan.
Daroogada, alkoosha iyo daawooyinka qaar: daawooyinka qaar baa keena in ay sababaan side-effect ama saamayn taban oo aan ahayn habkii daawanimada ee loo adeegsaday. Markaad bilawdo daawo waxaa suurogal ah inaad dareento isbedel ama isku buuq aadan hore u lahayn. Qofku haddii uu yahay daroogayte aad u adeegsada noocyada daroogada waxa la soo dersa depression iyo isku-buuq joogto ah, taas oo aakirka galaafata noloshiisa. Daroogada keenta isku buuqa waxa ugu horreeya alkoosha, xashiishadda, qaadka iyo noocyo kale.
Shakhsiyadda qofka: sida abuurka dadku ukale duwanyahay ayaa ay ugu kale adkaysi badanyihiin isbeddelka nolosha. Shakhsiyadda qofku haddii ay tahay mid aan u adkaysan karin dhibta badan, werwerka iyo culaysyada nolosha, shakhsiyaddaasi waa mid isku buuqa noloshana u nugul.
Ugu danbayntii, waxyaabaha kale ee keeni kara iskubuuqa nolosha waxaa kamid ah: inuu qofku waayo qaar kamid ah qaraabadiisa, in ay la soo deristo shaqo-la’aan baahsani, inuu noqdo qof keligii socod ah, in ay qofka ay kale tagaan lamaanihiisa, inuu ka shaqeeyo haqo aad u adag, iyo inuu waayo jacaylkiisa.

Sadam Osman Kaabash.

Freelance editor.

Hargeysa

Somaliand

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this