Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wahadlay xaaladaha Binii’aadanimo ee ka jirta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
6-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wasiirka Gargaarka iyo maareeynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed  Diiriye oo muqdisho kulan kula qaadatay Safiirka Midoowga ee Soomaaliya Yurub Tina Intelman, Madaxa xafiiska hay’adda ECHO ee Soomaaliya Javier Rio Navarro iyo wakiilka ECHO ee Muqdisho Cabdixaliim Bashiir ayaa kawada hadlay sidii diirada loo saari lahaa xaaladaha bini,aadanimo ee dalka ka jira iyo sidii loo yareyn lahaa khataraha masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka dhaca.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray Arrimaha Bini’aadanimo iyo Yareynta Khataraha Masiibooyinka waxa la isku raacay in si dhaqso ah u fulaan howlaha la isku raacay” ayay tiri wasiirka.

Wasiirka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u sheegtay masuuliyiintaan sida lagama Maarmaanka ay utahay in sida deg deg ah wax looga qabto xilliyadda adag oo ay dadka Soomaaliyeed wajahaa maadaama qeybo ka mid ah gobolada dadka ay ka jiraan Abaaro,Biyo la,aan iyo Colaado.

Ugu dambeyn Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaar garoow ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed loogu Gurman lahaa.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wahadlay xaaladaha Binii’aadanimo ee ka jirta dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this