Sign in to follow this  
Deeq A.

Qareenada U Dooddayay Badda Soomaaliya Oo Beeniyay In KENYA Loo Xukumay Dhulka Qaniga Ku Ah Shidaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Mid kamid ah Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya ayaa beeniyay warar warbaahintu tebinaysay oo ku saabsan, in Kenya loo xukumay dhul baddeedka qaniga ku ah shidaalka iyo Saliidda.

Paul Reichler oo wareysi siiyay idaacadda VOA Somali, ayaa ku sheegay wareysiga, in ayna xilligan jirin wax ceelal ah oo lagu sameeyay shidaal qodis dhab ah oo ay maxkamadu dhinaca Kenya raacisay.

Paul wuxuu sheegay dhulka lagu muransanaa in ay shirkaddo baadhis ku sameeyeen, isla markaana ay leysimada bixiyeen Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo uu sheegay in ay badnaayeen leysinada ay Kenya bixisay.

“Ceel ayaa loo qoday in shidaal laga sahmiyo, laakiin salliid lagama soo saarin. Waxaa ceelkaas uu maray dhinaca Kenya loo xukumay,” ayuu yidhi qareenku.

Qareen Paul Reichler, wuxuu sheegay in Soomaaliya dhulka ay ku dacwoonaysay loo xukumay 75%, halka Kenyana uu sheegay in loo xukumay 25%.

“12ka Mayl ee u horreeya, maxkamaddu waxay isticmaashay xarriiqda tooska ah, waxayna Soomaaliya maxkamaddu siisay 100%. Dhulka ka dambeeya aagga dhaqaalaha oo ah dhulka ugu weyn ee saddexda qeybood ee maxkamaddu qeybisay, waa dhulka loo yaqaano EEZ, oo ah dhulka u dhaxeeya 12Nautical Mile, illaa 200 nautical Mile, Soomaaliya waxay ka heshay 75%, halka Kenyana ay ka heshay 25%,” sidaasi waxaa yidhi qareen Paul Reichler.

Qareenka ayaa ugu dambayn sheegay in ay Kenya waajib ku tahay in ay aqbasho xukunka maxkamadda isla markaana shirkaddaha caalamiga ah ay u hoggaansamaan xarriiqdu ay maxkamaddu jeexday.

20211014637698151465547892.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this