Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay in gobol kale ay ka billaabeyso musaafurinta reer Koonfurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Berbera (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dhawaan billaabi doonta inay musaafuriso dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ku sugan gobolka Saaxil, sida uu shaaciyey maamulka gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey inay bilaabeen tirakoobka dadka Koonfurta, islamarkaana ay deegaanada gobolka ka saari doonaana, sida uu sheegay.

“Anaga waxa noo socda diiwaan-gelinta, inta ay doonaan ha noqdaane waa in marka hore tiradooda la ogaado waxaana u qaban doona waqti, waxaa kala mid noqoneyna dalka Somaliland,” ayuu yiri Badhasaabka gobolka Saaxil.

“Dadka Berbera nala jooga waa dad aan ognahay oo la socono, laakiin kala mid baa nahay sidaa gobolada kale, si amaanka loo xoojiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey badhasaabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajaanib kasta oo ku sugan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay ka saari doonaan, maadama ay laanta socdaalka Somaliland ay soo saartay in deegaanada Somaliland laga saaro dadkaas.

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya, waxayna markii u horeysay ka billowday magaalada Laascaanood, oo si qasab ah looga soo masaafuriyay ganacsato iyo dad kale oo ka soo jeeda Koonfurta.

The post Somaliland oo shaacisay in gobol kale ay ka billaabeyso musaafurinta reer Koonfurta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this