Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Caku iyo Af Shisheeye!!!!!

Recommended Posts

Salaan...

 

Ila aqribo meeshaan.

__________________

 

Indho-gashiggii goortuu Faarax si haboon ugu hubsaday labadiisa indhood ee waaweyn ayuu qun yar u weyddiiyey afadiisa Kaltuun:

 

"Naa heedhe, horta sidee loo qoraa ereyga "heart" (wadne)? Ma shibbane labalaabmaa, oo laba rr ayaan is-raacshaa, mise waa shaqal dheer oo laba ee ayaan isdaba dhigaa?"

 

Labada dibnood doc intay isugu leexisay, iyadoo shanteeda farood oo isku naban Faarax labada indhood uga halgaadaysa, gacanta kalana ku haabanaysa tafta diraceeda khafiifka ah bay Kaltuun ku war-celisay:

 

"War heedhe, carruurta weyddii waxaakani, maxaan ka garanayaa af-shisheeye."

 

Caku iyo af shisheeye! Nebciyaa!

 

"Marka hore, ereyga heart macnihiisu muxuu ahaa? Ma sanbabadaa, mise...?" Ayey daba dhigtay Kaltuun hadalkeedi.

 

"Waa yaab! Maxaan falaa haatan?" Faarax oo ciil-kaanbinaya ayaa niyada isaga sheegay, isagoo hadba goor-sheegtada indhaha ku xadaya.

 

Faarax waa inuu degdeg u buuxshaa warqada caafimaadka, ka hor intuusan tegin isbitaalka. Laba toddobaad ka hor waxaa Faarax lagula taliyey laba daran midkood dooro: Hawada nasteexada leh ee Soomaaliya inuu ku laabto, si caafimaad buuxa oo taam ah uu u helo ama inuu door bido cadka wadnaha in lagu farsameeyo qaliin ballaaran oo culus, oo uu dalka Ingiriiska iska jooga. Talo ayaa ku cadaatay Faarax.

 

Waxa kale oo fara-kulul ku haya Faarax Waaxda Adeega Arrimaha Bulshada {Social Services}, oo ku cadaadinaya inuu barto afka Ingiriiska, haddii kale lacagta cayrta in laga goosan doono. Intaa waxaa u dheer weliba, oo welwel weyn ku haya inuusan qaadan doonin dhalasho Ingiriis ah, haddaanu afka Ingiriiska si hufan u baran.

 

Weli kobtii isagoo iska fadhiya, hadba doc u rog-rogaya warqadaha laga doonayo inuu buuxsho ayuu Faarax misna wajihay erey wadne-qabad ku noqday, cabsi iyo yax-yaxna ku biiriyey naftiisa cadiban: "Sex"

 

"Naa heedhe, Kaltuun, waryaa Eebbe af garanaya! Naa heedhe," Inta sacabka calaacashiisa midig ku nabay dhafoorkiisa, "Maxay ula jeedaan ereygan sex? Sow ma'aha "isutagga ragga iyo dumarka?" Naa gaaladu waa waasheen. Ma xishoonayaan!"

 

Kaltuun, oo u muuqato inay xoogaa ka fahmad badan tahay, kagana soo horaysa ninkeeda nolosha Yurub ayaa ku warcelisay, "sex miyaanay aheyn ragga iyo dumarka? Waxaa laga wadaa sinnaanta ragga iyo dumarka! Si aan loo kala soocin."

 

Indho-sarcaad intuu ku eegay Kaltuun ayuu iska aamusay misna. Wadan yaab leh!

 

Caku iyo af shisheeye, maantay bay i haysataa.

 

"Rag iyo dumar! Wager! Sow kuwa dhaha ma aha "man iyo woman?"

 

Caku iyo af shisheeye.

 

Anigu nimankan gaalada ah waxaanba ku nacay gacan ku dhiiglayaashii Soomaaliya bur buriyey bay xataa kol kooliyaan, hadba ereyo qurxoon oo ay heybad iyo wanaag san ka muuqato bay ugu yeeraan, bal eeg waa kuwa leh "Warlords!" Ma taqaan macnaheeda "Lord?" Waa boqor, caaqil, ma istiri iyagaaba nagu kacshay gacan ku dhiiglayaasha!"

 

Caku iyo af shisheeye!

 

"Bal waa kaa maanta meel i dhaqaaji!"

 

Caku iyo af-shisheeye!

 

"Maanta waa inaan sugaa intay Raxmo ama Rashiid midkood ka soo rawaxayo." Ayuu Faarax niyada isaga sheegay, isagoo aan doonayn muragada iyo caqabada hortaagan inuu tuso afadiisa. Waa laba xaniinyood, waa inuu qarsadaa jabkiisa.

 

Dhakhtarka iyo gaalada cadcad ee wadanka joogta sidaan rabo ulama hadli karo, ayuu hadba iskula qanbiyaa. Cadkayga hadal kuma goosan garo. Xataa haddaan si fiican u barto afkooda weli waxaan ahay nin shisheeye ah, Caku iyo af-shisheeye! Ayuu misna niyada isaga sheegay, isagoo hoos ka eegaya Kaltuun.

 

In yar dabadeed waxaa degdeg u soo gashay Raxmo oo uu weheliyo saaxiibkeed "Warlord."

 

Goortay aabbaheed iyo hooyadeed bartay ninka reerka ka ku cusub, Warlord, ayaa waxaa soo dhawaaqay taleefankii reerka. Faarax oo dhiiggu kor u kacay kolkuu arkay Warlord oo garabka haysta Raxmo baa degdeg ugu orday taleefankii, si uu isu dhaafiyo caloo-xumada u muuqata. Falka iyo dhaqanka ka muuqda gabadha qura ee fir tirsita Faarax. Falka Warlord iyo Raxmo Faarax waxay soo xasuusisay maqaal dheer ee uu xalay ka akhirstay warsidaha “Qab-qablayaasha Dagaalka”, hal-ku-dhegiisuna ahaa "Qaran iyo Qoys Burburay."

 

"Maay watar is not guud" (My water is not good), Faarax oo la hadlaya ninkii hagaajin lahaa qasabada aqalka ayaa sidaas u sheegay, si uu uga dhaadhacsiiyo in qasabada biyihu jaban tahay, isagoo la lagdamaya afka shisheeye, niyadana ka leh Caku iyo af-shisheeye!

 

"Ee aabbe, ha dhihin "water" Marka afka Ingiriska lagu hadlayo "Watar" lama yiraahdo, waxaa la yiraahdaa "wadhar," si laguu fahmo, haddii kale gaalada dhoore ayey kuu malaynayaan nooh. Ma garatay. Yaakhay odaygaan sidee u galaa, weligiis ma ilbaxaayo ka waran. Aabbe, maalin dhaweydna waan ku maqlaayey," Bay Raxmo hadalkii si xanaaq leh u raacisay, "Markaad nimanka ku laheyd "i]Minasoota[/i] ayaan la hadlay." Sow kuma oran lama dhaho "Minasoota," waxaa loogu dhawaaqaa "Minasoodha," ma i garatay!? Duqa ha na ceebeyn yaakhay!" Iyadoo Raxmo iska eegaysa saaxiibkeed Warlord.

 

"Afka iyo bishimaha qal-qalooci markaad af Ingiriiska ku hadlayso, haye dheh, aabbe."

 

Caku iyo af shisheeye!

 

Faarax oo gariiraya, dhiigana uu aad u karayo, aroorayaasha iyo halbowlayaasha dhiiguna ay taq-taqayaan baa isagoo aan is ogeyn taleefankii iska dhigay, oo dib u laqay cundhuuftii caro darteed. Marna isagoo la yaaban innantiisa Raxmo ee u gacan gashay Word Lord, marna aan garaneyn hadal meel uu ka bilaabo; marna ka arga-gaxsan "Warlord" ayuu salka dhigay mar kale.

 

"Ma dhamaysay warqadii isbitaalka?" Bay Raxmo weyddiisay aabbaheed.

 

"May, waxaan garan waayey ereyo badan," Faarax oo aad u calool-xun ayaa ku jawaabay, isagoo hadba il-nugul oo baqdin sida isaga eegaya Warlord oo had iyo jeer marna u ilka cadaynaya. Dabadeed hadalkii wuxuu ku daray:

 

"Horta...ee...waxaan ku weyddiinayaa, ma waxaa la yiraahdaa: "I sleep in the bed mise I sleep on the bed, mise I sleep over the bed? Keebaa sax ah?"

 

Caku iyo af shisheeye!

 

"Xafiiska Adeega Bulshada ayaa i soo faray inaan soo qoro warqad aan xanuunkayga uga sheekaynayo."

 

Raxmo qosol ayey la fuurtay; qosol aan dhab aheyn waxaa ka daba xooray Warlord oo aan runtii si fiican u fahmin ujeeddada hadalka, balse gartay sleep (hurdo)iyo bed (sariir). Warlord si kale ayuu sheekada u fahmay. Waxaa mala-awaalkiisa khaldan ku sii taageeray qosolka dheer ee Raxmo afkeeda ka soo haajiray.

 

Caku iyo af shisheeye!

 

"Aabbe soo qaado buugga aniga ayaa kuu yeerinaya," Raxmo oo ka yara xumaatay aragga naxdinta leh ee ka muuqda wejiga aabbaheed iyo hooyadeed ayaa ka codsatay.

 

Aamusnaan yar dabeed ayuu Faarax soo haabtay buuggii iskuulka laga soo siiyey, si uu u barto afka shisheeye ee lagu xiray xoriyada noloshiisa oo dhan; si uu u qaato lacagta cayrta, una qaato dal kumar (baasaboor) Ingiriis ah. Dhibka Faarax iyo Kaltuun ka haysta afka shisheeye waxaa u dheer iyagoo aan dalka ka bixi karin, waayo ma haystaan dal-ku-mar, waana ku qasban yihiin inay bartaan afka shisheeye, si ay u gaaraan yoolkooda.

 

"Marka hore waxaad qortaa isliib (sleep)." Goortuu Faarax qoray xarafka "S" ayuu weydiiyey gabadhiisa Raxmo:

 

"Is-l-ii-l..ee "isliib" (sleep) B'adu ma B'ada Eebbe baryeysaa oo uu madaxeedu samada u jeedo, mise waa B'ada foorarta ee madaxa hoos u rogotay, oo balaayo u jooga ah, waa tee labadooda?"

 

Caku iyo af shisheeye!

 

Raxmo qosol weyn ayaa ka soo haaday, iyaadoo leh ee waa, "p for pen nooh. Ma garaneysid miyaa aabbe? Ma'aha b for book."

 

Caku iyo af shisheeye!

 

"Aabbe xarafka "Sda" waa ooynaysaa, way cabanaysaa, dan-daro iyo dibin-daabyo ayey sheeganaysaa; sidaa awgeed, sidaa doono wax uguma qori karo," Faarax oo weli argaggaxsan baa u sheegay gabadhiisa. In cabbaar kolkuu warqadii qoray Faarax, isagoo la kaashanaya innantiisa Raxmo, mar walbana ka boodaya xarafka "Sda," isagoo u arka in la hagardaameeyey, oo ay u baahan tahay in la baanto ayuu si kedis ah ula soo baaday erey malaha aad u dhibay naftiisa, isagoo leh:

 

"Aabbe, maxay had iyo goor u yiraahdaan "afraid?" Waxaa la ii sheegay cabsida inay tahay. Waxaad ka maqali had iyo goor, "I am afraid, I can't help you."

 

Caku iyo af shisheeye!

 

Kalkaalisada Caafimaadka habeen dhaweyd waxaan ugu jawaabay (mar ee i tiri "I am afraid"), "Eebbe ka cabso, aniga ha iga cabsan, garan maayo inay i fahamtay iyo in kale."

 

Caku iyo af shisheeye!

 

"Waxaan rabaa inaan u sheego Waaxda Adeega Arrimaha Bulshada laba arrimood in ay wax igala qabtaan:

 

B: In gebi ahaanba afka Ingiriiska laga masaxo ereyga "warlord," waayo wadne xanuunka ereygaas ayaan ka qaaday. Afka Ingiriiskana waxaan la baran waayey ereygaas dartiis.

 

T: Muxuu ahaa...Ereyga kale aan doon-doonayo magaciisu muxuu ahaa...

 

Caku iyo af shisheeye!

________________

 

W/Q Samatar Sooyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Good one MMA.

 

For those who have difficulty in understanding written Somali, this is satirical piece. The author weighs on several issues: language barrier (old folks), clash of cultures, humaliation faced by poor refugees, and the life in the west. A lot of humor, true and sad accounts of Somalis in the west. I commend the writter how he managed to put this misery in a lighter note. More power to Samatar Sooyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taqwa   

Salamu Alaikum MMA,

 

I didn't read all that Somalian, not that I would know much of it. Just wanted to drop my Salams to an old friend. N.E. wayz have a good one buddy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

MMA: :D walaahi si aan inaba caadi aheyd aan iiga qoslisay, laakiinse adiga jini kasta waa laga akraadiyaa see camalne... inteed ka keentay ruwaayadaan... laakiinse naxdin ay lee dahay dhibaatada ka heysato waayeelka qurbaha... walaahi masaakiimiinta waa la jahanameeyey iika oo aaqiro gaarin... macbuudka! eeboow maqalkaada waa ku faraxhay nooh... iniid nooshahay leebo ogaadi... qaraabada igu salaan hee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Taqwa, duqa waa lagu salaamay mudane. Nafta aboosto ii dheh; kheyr waa isku ognahay.

 

Baashi, Hibo iyo aqiyaarta kale, take a look at this fine piece account.

 

Purely cunning or simply irrational?

 

You judge:

 

Nin ka mid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ee ah caasimadda Soomaaliya ayaa wuxuu caado ka dhigtay arrin la yaab leh marka uu habeenkii u hoyaadayo xaafaddiisa, waxayna shaqadiisu ahayd mid ku beegan xilliga habeenkii.

 

Arrinta ninkaan uu caadada ka dhigtay ayaa waxay ahayd in marka uu habeenkii xilli dambe soconayo uu is qaawiyo dharkiisana madaxa ku duubto isagoo hoosta ku xiranaya hal biime (matante) oo ah midda laga hoos xirto surwaalka ama macawiista, sababta uu sidaas u yeelayeyna waxay ahayd isagoo ka baqayey inuu ku dhaco isbaaro xoogaaga uu carruurta u watana laga fara marooqsado.

 

Ninkaan ayaa marka uu habeenkii soconayo una socdo gurigiisa ka sokow is qaawinta wuxuu sameyn jiray in uu isla hadlo isagoo kor u qeylyaya si aysan tuugadu u hunguriyeyn, taasna in badan ayuu ku guuleystay mararka qaarna isagoo ku hilan lacag fara badan ayuu soo dhexmari jiray tuugo u taagan in ay dadka baartaan.

 

Ninkaan ayaa mararka qaar la kulmi jiray in dadku ku jees jeeso ama ay hadal ku tuuraan iyagoo u maleynaya inuu waalan yahay, xittaa tuugada lafteedu wey ka mid ahaan jireen dadka ku ciyaar ciyaara isna wuxuu sameyn jiray qofka uu ka shakiyo una fahmo tuug isaga kala hormari jiray qeylo iyo caay, markaasoo haddana u raacin jiray "Isii lacag aan sigaar ku gato."

 

Waxaa caado u ahayd ninkaan in marka uu gurigiisa ku soo dhowyahay xirto dharkiisa si caadi ahna u labisto, markaasna xaafadda tartiib u yimaado isagoo soo garaacaya gurigiisa.

 

Iswaalihii wuxuu sidaas yeelaba habeenkii dambe ayaa ceebtiisii la ogaaday markii ay iska horyimaadeen dad xil ku lahaa oo gurigiisa u soo dheelmanayey, markaasna si run ah laysaga horyimid iyagoo aqooday xittaa codkiisa.

 

Dadkaan ka hor yimid ninkaan ayaa waxay ahaayeen sodohdiis iyo seedigiis oo iyaga loo sheegay in gabadhoodii uu qabay ninkaani ay foolaneyso, markaasna xilli dambe u soo dheelmaday xaafadda si ay u caawiyaan qoyska hooyadu ka foolaneyso.

Markii lays aqooday ayey wiilka iyo Hooyadiis garan waayeen wax ay ku hadlaan, waxaana ku dhashay shaki naxdin leh oo ku aaddan in gabadhii wax noqotay amaba qoyskiis masiibo kale ku dhacday, taasna ay ku xambaartay ninka in uu waasho, waxayna ula hadleen si isku dhex yaacsan, iyagoo leh, "War hebel maxaa kugu dhacay xaaladda ka warran, bismilaahi, sidee bey wax u jiraan?"

 

Ninka oo ahaa mid aan reerka wax xurguf ahi kala dhaxayn weliba ay isku macaan yihiin ayaa isna garan waayey wax uu ku hadlo, isagoo ka xishooday in uu hortooda ku labisto, xittaa mar ayuu damcay in uu cararo, si ay tahayba wuu isku dhex yaacay, wuxuuna go’aansaday daqiiqadihii lays hortaagnaa in uu xagga waalida iga laftigooda isaga dhigo qof waalan, isagoo aamusan ayuuna ka dhaqaaqay, kuna laabtay halkii uu ka yimid, weliba u raaciyey hadalo qadaf ah.

 

Wiilkii iyo hooyadiis oo iyaga mar kale ay la soo gudboonaatay jahwareer kale fahmina waayey wax ay ku hadlaan ayaa intey is fiiriyeen, waxay u dhaqaaqeen dhinacaaiyo gurigii ninka oo ay awalba u socdeen, waxayna reerkii u tageen iyagoon weli aqoon wax ay sheegaan, si hoosana waxay ninka walaalkiis ugu sheegeen in ay soo arkeen ninkii oo xooggaa isku qasan, weliba qaawan oo qaba hal matante, dharka intiisa kalana dhammaantiis madaxa ku duubtay islana hadlaya.

 

Ninkii oo talo ka calowday ayaa reerkii isna xilli dambe yimid, isagoo iska dhigaya nin weli isku yaacsan, wuxuuna codsaday in meel qabow loo dhigo sali buuqana laga yareeyo loona doono kaniinayaal madaxa dajiya, wuxuuna sidaas isaga dhigay todobo berri nin wax si ka noqdeen xagga maskaxda, arrintaana waxay ku dhammaantay ninka oo aakhirkii loo qaatay nin mar waashay, taasna waxaa u soo jiidday ka cabsashadii tuugada.

_______________

 

Qaranpress.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

MMA,

Purely cunning or simply irrational? how about survival and trying to make the ends meet in a harsh, dog eat dog, envirnment.

 

Waa yaab, cajiib, dhabanaheys, ashqaraar, anfariir, amakaag, af kala-taag, iyo wax dadkeyaga dhulka shisheeyaha degan ay la fajacaan laakiin qeyb nolasha ka mid ah ka noqotey meelaha nabada iyo amniguba ku yar yahay sida Muqdisho iyo Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this