Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: ROOBLE oo u baxayo safar dibadda ah + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheynayo safar uu ugu baxayo dalka dibaddiisa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Qatar, isla-markaana uu saacadaha soo socda u safrayo magaalada Dooxa ee dalkaasi.

Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulam gaar gaar ah la qaadan doono madaxda dalka Qatar, wuxuuna safarkan noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku tego Dooxa.

Qatar ayaa xiriir dhow la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo la-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyada oo su’aallo badan la’iska weydiinayo safarka Rooble ku aadayo wadankaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qatar ayaa dooneysa inay soo fara-geliso xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, si hoos loogu dhigo khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Sidoo kale wuxuu socdaalkan ra’iisul wasaaraha kusoo aadayo, iyada oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Farmaajo iyo Fahad, kaas oo saameeyey wada-shaqeyntooda.

Rooble ayaa horey u booqday dalalka, Jabuuti, Kenya, Masar, Sacuudiga & Ingiriiska isaga oo kulam gaar  gaar ah la soo yeeshay madaxda wadamadaasi.

Si kastaba, saaka ayey aheyd markii uu isna Farmaajo u baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan Itoobiya, halkaas oo uga qeybgalayo caleema saarka R/wasaare Abiy Axmed.

The post XOG: ROOBLE oo u baxayo safar dibadda ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this