Duufaan

BREAKING: President Farmajo "suspends" PM's powers following weeks of power struggle

Recommended Posts

Duufaan   
1 hour ago, Che -Guevara said:

It looks the letter might be authentic.

 

It is authentic when compared the others he wrote last week. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

I hope it is fake. If not , this man is very dangerous and could do anything including igniting civil war just to make money. 

He doesn't know honor,  duty and country. hE should know money is the last thing a leader should be worrying during adversity.

I hope it is fake or we are doomed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

War ninkan belo ku shaqeeysaneeysa, he seemed fish out of water, out of his depth, ilaa belo u gacan galey?  Haven't you heard  while still with Mursal and agreed to reconciliation and his handlers released a letter, he didn't even know.

Mushkiladu  waa Farmaajo oo is yiri doqon  u dhiibo meesha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

^Agreed, Farmaajo own fault for sure, here's another example...

He shared this yesterday thru his Twitter feed, then removed it today. Fudayd badanaa wuxu - The guy is a loose cannon, devoid of any knowledge of diplomatic shellacking ... he's being rebuffed and the dude was endorsing it d$mn.

Someone must have explained to him the real meaning behind the State department's tweet...

 

Rooble.png.4ab3e77f5ec2475a324ea888b8726549.png

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

 Farmaajo oo la yimid laba shuruud iyo wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegaya inay weji cusub galeen caawa, ayada oo Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo uu heshiis ku qaadan karo.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda. 

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu caawa la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo kala ah:

1- In Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana wasaaradda amniga loo magacaabo shaqsi ka imanaya dhankiisa.

2- In Bashiir Goobe, oo uu Rooble u magacaabay taliyaha NISA, la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA, oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo isaga.

Sida ka muuqata labadan shuruud ee uu soo bandhigay, Farmaajo ayaa aad u daneynaya inuu gacanta ku dhigo hay’adaha amniga, taasi oo haddii Rooble uu aqbalo u suurta-gelin karta inuu mar kale si qaldan u adeegsado ciidamada.

Ma cadda in Rooble aqbali doono labadan shuruud, balse waxaa maanta jiray warar sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo inuu isaga tanaasule, kadib markii Farmaajo uu diiday inuu tanaasulo, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in R/W uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook.

Sida ka muuqata labada shuruud ee uu wato Farmaajo, in xal laga gaaro wada-hadalladan ayaa weli fari ka qodneyn, mana muuqata in Rooble uu aqbali doono arrimahan, sida ay saadaaliyeen xubno ku dhow. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada?

241195425_4495529563839033_3433393710562

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla,  sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xubnaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.