Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Ururada siyaasadda oo ka horyimid doorashada muddeysan ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16214261980344152.jpg?resize=720%

Ururada siyaasadda Puntland ayaa ka horyimid doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinkan Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Qoraal wadajir ah oo ururada siyaasada Puntland u direen madaxweynaha Puntland iyo guddiga doorashooyinka ayaa lagu caddeeyay dhowr sababood oo aan doorashada muddeysan u dhici karin.

Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada.

Sababa kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran.

Ururada ka horyimid doorashada hordhaca, waxaa kamid ah ururka madaxweyne Deni hoggaamiyo ee KAAH, waxaana saxiixiisu ka maqan yahay Mideeye.

FB_IMG_16302338631425453.jpg?resize=720% FB_IMG_16302429223976913.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Puntland: Ururada siyaasadda oo ka horyimid doorashada muddeysan ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this