Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Guruuje oo Xaal & Raaligelin ka bixiyey Xaflad lagu maamusay oo xoog lagu joojiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaan Guruuje oo Xaal & Raaligelin ka bixiyey Xaflad lagu maamusay oo xoog lagu joojiyey
guruuje-e1629087962518.jpg
xaal iyo apologize ” .
Habeen dhawayd ayay hablo ka mid ah dadkii isoo doortey igu casuumeen xaflad hotel xayaad , xafladii oo aanan waxba kala socon Qaban qaabadeeda ayaa maqribkii la igu wargeliyay in la keeney askar police ah , ka dibna waxaan ku wargeliyay in xafladda la iska joojiyo si aan Muranba u imanin ,ana waan iskaga joogey , waxaanan hawadda u mariyey qoraal aan ku raaligelinayay hablaha I casuumey .
Hadaba wixii ka dhacey hotel xayaat oo ahaa gef sharci darro ah oo aniga la iila jeedey , waxaan ka raali gelinayaa ,hablaha xafladoodii xooga lagaga joojiyey , Xildhibaanadda xasaanada leh ee goobta joogey , hoteelka xayaat iyo guud ahaan shacbigga warkaa xumi gaadhey ,waxaanan leeyahey walaalayaal dhamaantiin xaal iyo apologize IGA gudooma , iskana raali ahaada . aniguna xumaantaa la iila badheedhey waxaan u leeyahey dul madaximo oo aan ku qaado aniga ayaana iska raali geliyay .
Qore Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this