Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xiiso leh:Sawir -Qaade Caan ah oo Araga  la’+Halkuu wax ka arko

Recommended Posts

Deeq A.   

Sawir -Qaade Caan ah oo Haddana Araga  la’ balse Dhegaha Wax ka arka!

Cabdu Saciid

Waxaa laga yaabaa dadka sawirrada qaado marka aad la kulanto inay sameeyaan waxyaabo caado u ah si sawirrada ay kaa qaadayaan ay u noqdaan kuwo qurux badan, sida inay ku yirahdaan sidaa u istaag, halkan u jeedso, istoosi, dhoolla caddee iyo wixii la mid ah.

Marka sawir qaadaha uu u arko inuu sawir qurxoon ka soo bixi karana batanka sawirka uu taabto. Haddaba sawirqaadayaashu arrimahaasi oo dhan waxa ugu muhiimsan ee ay u adegsadaan waa aragga.

Balse sawirqaade Cabdi Saciid sheekadiisu taa wey ka duwan tahay.

Sawirkasta oo uu qaado qaabka uu noqonayo wuxuu kaga qiyaas qaataa codka ama shanqartra dhagahiisa soo gaaraya. Dhagahiisa ayaa booska aragga u galay.

Cabdi oo yaraantiisa sababa aan la garaneyn aragga ku waayey ayaa qaado ‘Sawirro qofka arko uu isleedahay sideey ugu suuragashay?’

Sawir qaadaha dhagaha wax ku arka

Cabdi oo ku dhashay magaalada Addis Ababa wuxuu aragga beelay isagoo laba jir, wuxuuna waxbarashada uu ku soo qaatay dugsiga dadka aragga la’ ee ku yaalla degmada Sabata.

Ilaa uu ka gaarayey fasalka 10-aadna wuxuu marweliba ku taami jiray inuu sawir qaade noqdo maadamaa uu aarintaas xiiseyn jiray, inuu araga la’yahayna kama aanay hor istaagin in riyadiisa ay u rumowdo.

Kaddibna wuxuu ka qalin jabiyey jaamacadda Addis Ababa qaybta luuqadaha. Wuxuuna ka shaqa galay magaalada Addis Ababa isaga oo xirfadda wariyenimo ku shaqeynayey taasoo u abuurtay fursad uu markale riyadiisii ahayd inuu sawirqaade noqdo uu ku gaaro.

“Madaama aan ahaa wariye wararka soo uruuriya waxaan inta badan shaqada wada qaban jirnay sawir qaadayaal iyo kuwa muuqaallada duuba, halkaas ayaan ka billaabay inaan xiriirkii ugu horreeyey kaameerooyinka la yeesho’ ayuu yiri Cabdi oo xusuusanayo sida uu wax ku billaabay.

“Hubka ugu weyn ee aan u isticmaalo qaadidda sawirrada waa maqalka” ayuu yiri isaga oo sheegay in dadka uu sawirrada ka qaadayo uu su’aala dhowr ah weydiiyo, sawirka uu qaadayana ay ku xiran tahay jawaabta ay su’aalahiisa ka bixiyaan.

Mar welibana waxaan raacaa ayuu yiri codka jihada uu ka imanayo.

Marka ugu horreysa qofka sawirka aan ka qaadayo qaabka uu u yaallo iyo dhererkiisa si aan uga qiyaas qaato waan taataabtaa, kaddibna qofka aan sawirka ka qaadayo waxaan weydiinayaa waxa uu doonayo inuu sawrika ka muuqdo kaddibna waxaan ka codsadaa inuu halka uu doonayo isku aaddiyo.

“Balse qof keligii haddii aan ka qaadayo oo uu ii dhowyahay anoo hortiisa taagan ayaan la sheekeystaa waxaanna weydiiyaa sida magaciisa, inuu dareenkiisa xaggeyga soo aaddiyo, inuu kaameerada soo fiiriyo, codka qofka ka imanaya aniga oo ka qiyaas qaadanaya iyo xaaladda uu ku sugan yahay ayaan sawirka qaadaa” ayuu yiri.

Cabdu Saciid oo sawir qaadaya

Mararka qaar waxaa dhacda in qofka codkiisa uu ka garto xaaadda uu ku sugan yahay kaddibna uu ka codsado inuu dhoollacaddeeyo.

“Tayada sawirka aan qaadayo iyo inuu si sax ah kaameerada iigu aaddan yahay ‘Focus’ maadaamaa aan tababar wanaagsan u leeyahay ma gafo oo sawir taya leh ayaan qofka ka qaadaa, macamiisheydana badanaa kama cawdaan sawirrada aan ka qaado” ayuu yiri.

Wuxuuna intaa ku daray mararka qaar inuu la kulmo waxyaaba saameynaya inuu qofka codkiisa si wanagsan aan u maqli waayo ama xiriirka uu xumaado, tusaala ahaan qof haddii uu ku jiro hool lagu qabanayo xaflad qalin jabin ama shir oo kale maadaamaa codbaahiyeyaal la adeegsanayo codkeyga iyo kan macamiisheyda waxaa ka qaalib noqonaya sameecadaha.

Waa mid ka mid ah sawirradi uu Abdu qaaday

XIGASHADA SAWIRKA,ABDU SEID

“Marbaa waxaa dhacday qof aan ka qaaday sawir oo sawirkii uu aad uga helay inuu ii yimid iguna yiri adiga oo aragga la’ sidey kuugu suuragashay inaad sawir noocaan qaado? wuuna rumeysan waayey oo okiyaalaha ayuu iga bixiyey si uu u hubiyo inaan aragga naafa ka ahay” ayuu yiri Cabdi Saciid.

Cabdi Saciid xirfaddiisa kuma koobno sawrqaadidda wuxuu sida oo kale leeyahay xirfad kale sida dayactirka qalabka korontada ku shaqeeya oo inta badan gurigiisa wixi koronta la xiriira oo ka xumaada inuu isaga gacantiisa ku dayactirto.

Cabdi wuxuu ku taamayaa sawirrada ilaa iyo hadda uu qaaday inuu soo uruuriyo kaddibna uu soo bandhigo si dadka isaga la midka ah ee aragga la’ ay u ogaadaan qofka aragga la’ inuu u xoogsan si la mid ah dadka caadiga ah.

Wuxuuna aaminsan yahay in indhaha uu Ilaahey ugu talagalay in wax lagu arko balse uusan ahayn kan lagu fakaro.

Cabdi oo ay da’diisu tahay 33 jir waa xaasle 2 carrur ah dhalay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this