Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Turkiga oo ka horyimid $30 malyan oo Erdoğan ugu yaboohay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
4-11.jpg?resize=864%2C486&ssl=1

Dhinacyada mucaaradsan madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si adag uga horyimid kaalmo dhaqaale oo dowladda Turkigu ugu yaboohday Soomaaliya.

Dowlaha Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa maalmo ka hor kala saxiixday heshiis ku saabsan kaalmo dhaqaale oo gaaraysa $30 malyan oo Dollar, taas oo dowladda Turkigu siinayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ha yeeshee, xisbiyada mucaaradka Turkiga ayaa ka horyimid tallaabadan, waxaana ay sheegeen in dalkooda ay ka jirto dhaqaale la’aan daran, islamarkaana uusan awoodin uu lacagta intaas le’eg siiyo Soomaaliya.

Lacagta uu Turkigu ballan-qaaday Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa, xilli Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashada madaxtinimada 2021, taas oo lagu dooranayo labada Aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka.

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka Turkiga oo ka horyimid $30 malyan oo Erdoğan ugu yaboohay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this