Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto maamulkaas.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada heer Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, ayaa lagu soo bandhigay jadwalka doorashada Aqalka sare.

Jadwalkan ayaa waxa ku cad in maanta oo Sabti ah la diiwaan-gelinayo murashixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Axadda berri ah ayaa xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed dooranayan kuraasta ka harsan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xalay soo saaray liiska lix murashax oo ku tartamaya saddex kursi oo ka harsan Aqalka sare.

3-13.jpg?resize=720%2C932&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this