Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Tanya is In Town

Recommended Posts

Hargeysa (Somalilandpress)- Mss, Tenya oo ah Fanaanadaa u dhalatay wadanka Norway oo ku heesta Afka Sooomaaliga oo uu weheliyo Maxamed Aadan Cali (Himilo), ayaa maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport.

 

Fanaanada Tenya oo abaaro 2:30 duhurnimo ka soo degtay diyaarada iyada oo laabta ku sidata maro uu ku sawiran yahay Calanka Somaliland, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan oo ay horkacayaan madaxda Wasaarada Dalxiiska, fanaaniin iyo Abwaan magac wayn ku leh dhulka Soomaalida oo uu ka dhex-muuqday Axmed Saleebaan Bidde.

 

Markii ay ka soo dageen madaarka ayaa waxay warbaahinta ugu warameen qolna nasashada.

 

Mss, Tenya oo Luqada Soomaaliga ugu hadlaysa sidii qof u dhashay, ayaa ugu horayn waxay hadalkeeda ku bilawday. “aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ILaahay ayaa mahad leh, waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa,dhama an Dawlada Somaliland. maanta waa maalin farxad leh, waxa ila socda Cabdisamad Maxamed Cabdilaahi iyo Maxamed Aadan Himilo waxaanu nahay Urur la yidhaahdo Tusmo oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada iyo arrimaha la xidhiidha qurba jooga ku nool Norway iyo wadamo kale, Himilo waa Injineer, Cabdisamadna waa siyaasi, waa Injineer waana hogaamiyaha safarkayaga. Waxaan idiin hayaa hees cusub oo uu sameeyay Abwaan SIciid Saalax Axmed oo aan dhawaan kula kulmay wadanka maraykanka oo uu hadyad ahaan iigu soo dhiibay dadka reer Somaliland.”

 

Mss, Tenya oo wejigeeda farxad aad u badani ka muuqato ayaa bilawday midhaha heestii Hadyada ahayd, waxayna tidhi;

 

“Hobeeyaay, Hobeey, Hobeey Hobaalayeey,

 

fariin hubaalaan sidaa,

 

afkiinaan ku hadlayaa,

 

inaan heesaan rabaa,

 

heblayaa lay yidhaa, d

 

adkaan u hiloobayoow,

 

jacayl baan idiin hayaa,

 

ee Hargeysaan ma nabadbaa.

Hobeeyaay, hobeey,

 

hobeey hobaalayeey

Fariin hubaal baan sidaa

inaan heesaan rabaa,

hal-hayskiinaan aqaan

hubsiinada waxa la yidhi

hal-geelaad siisataan

haasaawuhu waa kalgacalee

Hargeysaay ma nabad baa.

Hidaha dhaqankiina wacan

ayaan heegaan u ahoo

higaadiisaan bartaa

hoygii murtidaad tahee

Hargeysaay ma nabad baa.”

 

Dhamaanba dadkii iyo warbaahintii wax ka duubaysay ayaa la dhacay hab-luuqeedka ay ku tirinayo mss Tenya heestaasi.

 

Fanaanada ka dib ayaa isaguna waxa erayo kooban oo uu ku soo dhawaynayo Tenya, halkaasi ka yidhi Fanaanka Maxamed Aadan Cali (Himilo) oo isaguna ku wehelinayay safarkaasi.

 

Mss, Tenya waxa isla-markaa Hadiyad ku gudoonsiiyay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md Cabdicasiis Maxamed Samaale

 

Mss, Tenya oo martiqaad rasmi ah ka heshay Somaliland ayaa loo galbiyay si farxad iyo damaashaad ka muuqdo iyada oo la dejiyay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaana la filayaa inay soo bandhigi doonto bandhig-faneedyo cusub oo ay ugu talo-gashay inay ku muujiso sida wacan ee ay ugu heesi karto uguna hadli karto luqadda Afka Soomaaliga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

I don't understand, everything is news these days. :rolleyes:

 

Btw, hook Caano Geel up, he wanted to know yaa qaabah Tanya in another thread. (But that could mean who has her in his dialect, rather than who is she married to) So maybe he thought reer Somaliland kidnapped her or something and hence the search. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

LOOOOOOOOL, caku iyo reer Somaliland iyo shaqo la'aanta heysa...Oo hadana ma naagtaan bey madaxdiina usoo bexeen?

 

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOO L@Himilo waa injineer!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^^ KK yeap the guy is a petro chemical engineer and singing is a hobby of his...During the tour to the USA, he had a job interview in houston with one of the big compnaies there and he has been offered a job there.....Ha degdin yaah KK ninku waa real Engineer and not the reer Xamar Injineere.... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Tanya Somaliga si fiican u baratay, haka tunto bal reer waqooyiga. Lakin madaxdaan qof kasta bey soo dhaweeyaan miyaa? I wonder if this "madax" would welcome at the airport if Eminem decided to visit there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

maybe both ............ i can even mix

Am i hearing a federation here JB icon_razz.gif . As ibti says get the stats will ya ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this