Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada iyo go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxa uu uga warbixiyay golaha doorashada Aqalka Sare, isagoona siiyey go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda.

Waxa kale oo uu sheegay in kulan ay iskugu imaan doonaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib marka lasoo afmeero doorashada Aqalka Sare, kaasi oo looga arinsan doono sidii horey loogu sii amba-qaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu golaha uga warbixiyay dhex-dhexaaditii uu ka sameeyay khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland, oo ayagu u kala jabay labo garab, islamarkaana uu mid kastaa leeyahay guddoon u gaar ah.

Waxa uu sheegay Rooble in uu waqti badan ku bixiyey sidii uu is-faham uga dhex abuuri lahaa Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshe uu xiligaan go’aansaday in doorashada guddoonka la guda galo, guddiguna uu dhexdiisa is doorto.

Go’aanka uu Rooble ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa qaadacay garabka Cabdi Xaashi oo u arka mid uu Ra’iisul wasaaraha ugu xaglinayo dhinaca Mahdi Guuleed, waxayna arrintaan mugdi hor leh galin kartaa doorashada kuraasta gobolada Waqooyi.

The post Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada iyo go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this