Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabaa In Madaxweyne Biixi Iyo Ku Xigeenkiisa Saylici Ay Ku Kala Aragti Duwanaayeen Cidda KULMIYE La Rabo Shir-guddoonka Wakiillada?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warara ay warbaahintu heshay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ay ku kala aragti duwanaayeen Cidda noqonaysa Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland oo maalin saddexaadkii lagu kala calaf qaaday.

Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo arintani xaqiijinaya kaasi oo ku saabsan inay si cad ugu kala boodeen oo ay isku afgaran waayeen cidda ay Ka Xukuumad ahaan ku dhisayaan Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub ee dhawaan lasoo doortay haddana Wararkan ayaa sheegaya inay jirto kala aragti duwanaashiyo u dhexdooda ah. Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi  Iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegay inay si kala madax bannaan mid waliba dhankiisa uu u taageersanaa Cidda Shirgudoonka qabanaysa ee loo dooranayo.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu fursadan uga faa’iidaystay cadhadii uu ka qaaday Hogaankii Kulmiye ee la waydaariyay 2020-kii islamarkaana uu illaa Xubnihii Golaha Wakiiladda  Gobolkiisa ama deegaamada uu kasoo jeedo ka tartamayay uu dhisayay Xubnaha Dhinaca Mucaaridka uga sharaxnaa. Arintan ayaa la sheegay inuu ka dhiganayay fursad uu awoodiisa ku tusinayay Madaxweyne Biixi oo markii hore u arkayay in Saylici uu Gobolka Awdal kaga awood roon yahay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamud Xasan Sacad “Saajin” kaasi oo uu kasoo dhawaystay Saajin. Wasiir Saajin ayaa doorashadii dhawayd ku fashilmay, islamarkaanna ay aad isku badeshay aragtii uu Madaxweyne Biixi ka haystay.

Sikastaba ha noqotee, waxa si weyn u soo shaac baxay in Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici ay ku kala aragti duwanaayeen cidda loo xulanayo Hogaaminta Golaha Cusub ee Wakiilada Somaliland oo ay si weyn ugu loolamayeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, taasi oo la sheegay inuu Madaxweyne ku Xigeenku dhisayay Cabdirisaq Khaliif oo aakhirkii ku guulaystay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this