Sign in to follow this  
Deeq A.

 5-ta Magaalo ugu nolosha & Maciishada jaban Caalamka oo dhan,Si raaxo lehna aad ugu noolan karto?

Recommended Posts

Deeq A.   

 5-ta Magaalo ugu nolosha & Maciishada jaban Caalamka oo dhan,Si raaxo lehna aad ugu noolan karto?

maciishad

Qiimaha maciishadu waa muhiim marka aad kala dooraneyso ama aad dooneyso meel aad degto, waxa ayna kaa caawineysaa in aad si raaxo leh ugu noolaato meesha aad dooratay maadaama aad adigu go’aansanayso meesha ugu maciishadda jaban gaar ahaanna guryaha, daryeelka caafimaad, kharashyada safarka iyo cuntaduba.

Waxaa jira magaalooyin ama dalal kharashka ku baxaya nolasha ay aad u sareeyo marka loo eego dakhliga soo galaya dadka intooda badan.

Tusaale ahaan, magaalooyinka sida New York iyo San Francisco ee dalka Maraykanka, maciishadda ayaa ah mid aad u sarreyso marka loo eego inta badan magaalooyinka dalalka Afrika, Aasiya iyo qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka reer Yurub.

Dhanka kale waxaa jira magaalooyin maciishaddu ay aad u jaban tahay, oo waxaad ku noolaan kartaa raaxo, waxaadna qiimo aad u jaban ku heli kartaa adeegyo la tayo ah kuwa magaalooyinka maciishaddoodu sarreyso, kuwaa qiimo ahaan aad macquul u ah.

Dad badan, gaar ahaan kuwa reer Yurub iyo Mareykanka iyo in yar oo ka soo jeeda waddamada qaaradda Aasiya, ayaa nolol ama booqasho u aado magaalooyinka maciishaddu ay aadka u jaban tahay. BBC-du waxay halkan kuugu soo gudbinaysaa ugu yaraan shan magaalo oo nolashoodu jaban tahay, sababtuna waa maciishadda magaalooyinkaasi oo aad u jaban. Waa magaalooyinka aad sidoo kale si fiican ugu raaxaysan karaysid marka aad hawlgabka tahay.

5. La Paz, Bolivia

Bolivia waa mid ka mid ah waddamada ugu maciishadda jaban ee lagu noolaado waddamada Koonfurta Ameerika, taasi oo ka dhigaysa meel ku habboon in lagu noolaado oo la booqdo.

Gaar ahaan magaalada La Paz, oo leh dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi ayaa soo jiidata dad badan sababo la xiriira qiimaha jaban ee nolasha.

Waxa aad magaaladaasi kiraysan kartaa guri leh wax kasta oo aad ku helayso inta u dhaxayso 500 ilaa 600 oo doolar bishiiba.

 

Magaaladaasi La Paz, raashinka iyo cabitaankuba waa ay ka jaban yihiin oo waxaad si fudud uga heli kartaa waddooyinka, waxa aadna booqan kartaa meelaha soo jiidashada leh sida harada Titicaca iyo barxadda milixda ee dalkaasi.

Gudaha Bolivia, meel kasta oo ay ku jirto magaalada La Paz safarka dhanka hawada ayaa ah mid aad u jaban oo waxaad diyaarad ku raaci kartaa wax ka yar 50 doolar. Dad badan oo dalkaasi ku nool waxay isticmaalaan diyaaradaha oo ay ku safraan waayo waa raqiis, balse haddii aad u baahatid in aad marto dhulka oo isticmaasho basaska, iyaduna waa mid kuu furan oo qiimaha basaska lagu raaco waa mid aad u jaban marka loo eego diyaaradaha.

4. Sofia, Bulgeeriya

Bulgeeriya waa mid ka mid ah waddamada reer Yurub ee loo arko in uu yahay mid ka mid ah waddamada ugu wanaagsan ee lagu noolaado ama la booqdo. Dad badan ayaa eegaya waddamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Netherlands iyo kuwo kale, waxa ayna illaawaan in qiimaha jaban ee nolosha ay Bulgeeriya ka dhigayso dalka ugu wanaagsan ee lagu noolaado marka la eego waddammo badan oo reer Yurub ah.

maciishad

Magaalada Sofia, gaar ahaan, waxay leedahay dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi, balse waxaad adeegyadaasi ku heli kartaa qiimo la mid ah kan qaaradda Afrika ama Laatin Ameerika. Wax kastaa waa raqiis, noloshuna waa ay jaban tahay.

Waxaad maalintii oo dhan ku noolaan kartaa wax ka yar 20 doolar, waxa aadna heli kartaa wax walba oo aad u baahan tahay, haseyeeshee ma ahan wax fudud in tusaale ahaan lacagtaasi aad ku noolaato magaalada London. Qiimaha diyaaradaha lagu raaco Sofia ilaa magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa ah mid jaban oo sahlan.

Dalkani wuxuu leeyahay meelo badan soo jiidasho leh oo loo dalxiis tago sida waddamada kale ee calaamka, balse haddii aad rabtid in aad ku noolaato Yurub oo kharash yar uu kugu baxo, waxaad aadeysaa magaalada Sofia ee dalka Bulgeeriya.

3. Bangkok, Thailand

Dalka Thailand waxa uu mid ka mid yahay waddamada ugu caansan dunida ee loo dalxiis tago. Waa dalka kaliya ee leh dalxiisayaal aad u badan. Bangkok oo ah magaalo aad u dad badan, ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nolasha jaban caalamka oo dhan.

maciishad

Magaaladaasi waxay leedahay qaybo isboorti oo badan, tusaale ahaan Mauy, oo caan ku ah ciyaarta feerka.

Waxaad hal saxan oo cunno tayo leh oo isu dheeli tiran ah ku heli kartaa wax ka yar hal doolar.

Thailand waa waddan caan ku ah ciyaarta feerka, dadkuna waxay jecel yihiin feerka, iyo aflaanta. Tigidhada lagu daawado ciyaarta feerka ayaa qiimahoodu ka yar yahay toban doolar, halka Mareykanka ama Ingiriiska aad halkii ciyaar oo feer ah ku daawan kartid inta u dhaxaysa 100 doolar ilaa 200 oo doolar. Meelaha qaar, haddii aad nasiib badan tahay waxaa lagaa qaadayaa 50 doolar oo aad ciyaar aan xiiso badan lahayn ku daawan kartid.

2. Qoito, Ecuador

Qoito waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu soo jiidashada badan Koonfurta qaaradda Ameerika, haseyeeshee wa ay fududahay in lagu noolaado waayo waxaa aad u jaban qiimaha maciishadda.

Meel kastaa waxaad ka heli kartaa wax waliba iyaga oo qiimo jaban, dhammaan adeegyada waxaa lagu heli karaa qiimo aad u yar oo raqiis ah.

maciishad

Waa ay fududahay in aad aado meelaha loo dalxiiska tago ee sida Amazon, Kaymaha daruuraha, buuraha dhaadheer iyo xeebaha dalkaasi iyo xitaa Jasiiradaha Galapagos, adiga oo uu kugu baxayo kharash aad u yar oo aadan maleysan karin.

Qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee Quito ayaa ah mid aad u jaban, waxaadna baabuur ku raaci kartaa wax ka yar hal doolar, adiga oo ku tagaya meel kastaa oo aad u baahan tahay.

1. Hanoi, Vietnam

Magaalada Hanoi waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu nolosha jaban adduunka oo dhan. Waxay ku taal Koonfur Bari qaaradda Aasiya, waana caasimadda dalka Vietnam, oo leh taariikh soo jireen ah. Waxaa ku yaal dhismoyaal xiisaha leh, waxaana laga helaa cunnooyin badan oo dabiici ah oo meel kastaa ay fududahay in aad ka heshid.

Hanoi waxad ka heli kartaa dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi, waana meesha qofka doonaya nolal jaban uu ku noolaan karayo.

Qiimaha lagu kireysto guryaha magaalada Hanoi wuxuu laba jibbaar ka jaban yahay kuwa waddamada reer galbeedka, in kasta oo ay jiraan guryo heerkoodu sarreeyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this